Danta Kursigaagu Yaanay Kaala Waynaan Danaha Qaranka Iyo Umadaaduwada Leedahay
Dawladu waxa ay qiimo ku leedahay dadkeega oo ah kuwa dhistay
ee
doortay ee cashuur bixiyaha ah ee u hogaansan awaamiirta qaranka in ay u
ilaaliso rabitaankooga , xoriyaadkooda iyo xuquuqdooda iyo waliba
raaligalintooda .
Aduunku waxa uu ku qiimeeyaa dawladaha sida ay dadkooda u
ixtiraamaan isugu wadaan danahooga uguna shaqeynayaan , waxii ay
dhigteena u ixtiraamayaan ugana go'an tahay in ay ka midho dhaliyaan
himilada iyo hiigsiga umadooda.
Haddaba maalinta lagaa helo qaybsanaan iyo in la kala aamin baxo waa
maalinta aad ugu nugushahay in cidwaliba danaheega kaa dhex fushato oo
jiritaankaaga khatar la galiyo.
Maanta waxa muuqata in loo kala dheeraynayo aduunka iyo
daneeyayaasha doorashada somaliland oo dhaqaale badan inagu bixiya oo
aynu ku qabsano doorashooyinka , cidina danaha gudahaaga ma soo
farogalin karto ilaa adigu ay kaa muuqato gol-daloolooyin sida ; in
aanad shuruucdii iyo waxii aad dhigatay ilaalin , sida in aanad
ixtiraamin dadkii dawladnimada lahaa iyo rabitaankooga iyo xuquuqahooga .
Xuquuqda doorashada iyo in wakhtigeeda la ilaaliya oo laga shaqeeyo
xil wayna la iska saaraa waxa ay ka mid tahay meelaha ugu weyn ee lagu
qiimeeyo dalalka oo waxa la eegaa xasiloonaanta iyo deganaanshaha
siyaasadeed ee dalkaasi leeyahay hadii ay tahay cid ku taageeraysa iyo
cid ku maalgashanaysa ama aad wada galaysaan heshiisyo mandaqadeed iyo
qaar caalamiba.
Maanta somaliland wax badan oo sumcad ahaan iyo qaran ahaan kor inoo
qaadi lahaa inaga ayey inagu xidhan yihiin in aynu isku tashano oo
hagar baxno hawlaha muhiimka ah ee qaran ahaan inoo yaalla oo aynaan cid
kale ka sugin ee aynu soo celino iskaashigii iyo kalsoonidii gudaheena.
Markaa waxa wanaagsan in aynu eegno danaha dalkeena iyo dadkeena ee
aynaan eegin danaheena siyaasiga ah iyo kuwa shaqsiga ah ee ka hor
imanaya kuwa umadeenu doonayso, waana in ay inta masuuliyadaha umada u
haysaa iska bilowdaa oo aanay kuraasida jeclaysan hadii ay guurti tahay ,
hadii ay gole wakiilo tahay , hadii ay gole deegaan yihiin , hadii ay
komishan doorasho yihiin , hadii ay xisbiyo siyaasadeed yihiin iyo hadii
ay xukuumada talada haysa tahayba.
Waar dalka iyo dadka ha loo tudho Bilahi Calayk
Muhamed Dhimbiil
Tell : +252634241005
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...