Saylac Iyo Ethiopia.

0
Wednesday February 09, 2022 - 08:46:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saylac Iyo Ethiopia.

    W/ Q Mohamed Aden Hassan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/ Q Mohamed Aden Hassan

Saylac marin badeed iyo deked muhiim ah o Qadimiya kana so degi jireen alaabaha iyo cilmi badhayaal sahaminta ku xeel dheer isla markaana dhacda o ku taal dalkeena Jamhuriyadda somaliland Galbeedkisa.

 

indhawayd waxaan maqlaynay damaca Ethiopia e dekedda saylac iyo in ay aad iyo aad u danay nayso , ku heshayaa siyaasad iyo Diplomasiyad ba amaba xoog toos ah waxaan iftimin ku samayn doona arintaaas.

 

Ethiopia o ah dal bilaa bad ah ka dib kala gurki iyo kala noqoshadi laba dal waa Ethiopia iyo Eritrea ee o kala noqday laba dal o kala madax banaan o xuduud sugan leh isla markaana so dhex mareen dagaalo qadhaadh o u dhaxeya labadaas dawladood hore waxa ay lahayd wa dal waynihi Ethiopia ee Bad teedsan badda cas iyo ciidan badeed aad u tira badnaa isla markaana aad u xirfad badnaa o lagu qiyaasi jiray 11 kun iyo dheraad waxaas o dhan kakac waxa ay noqdeen marka ay labadi dal kala baxeen e ay laba dal o siman noqdeen ethiopiana waxa ay ku so dhacday bilaa bad sida daradeed waxa suurta gal aan la dhaafi karin noqotay in cidamada badda la kala diro sanaddi 1996 kii.

 

Ethiopia iyo cidamadeeda badda e hadda ?

Ethiopia hadda waxa ay ledahay cidamada badda o abiy ahmed ayaa dib u qalabeyay o dib uso dhisay hayaddan sido kale waxa ledahay xurun lagu taba baro cidimadaas o la dhaho Ethiopia maritime Training institute o ku taal Bahir Dar isla markaana qabilsan soona saarta dad khibrad u leh cidamada badda isla markaana Qorshahoodu yahay  in ay so saaran ciidan  cadkooda uso dhaciya dal dadkisu gadhayaan 100 milyon o qof o bilaa bad ah waa ujeedka iyo qorshaha Ethiopia e hadda iyo wakhtiga fogba .

 

imisa dal ayay ethiopia ku xidhantahay dhinaca dekaddaha?

 

ethiopia dalka ugu wayn 95% wax ay kala so degtaa waa dalka jabuuti kaas o ay isku xidhaan jid tareen o dherar kiisu gaadhayo 759 KM; 666 Km o waxa u ku yaal dalka Ethiopia wa jidka tareen e ,  halka 93 KM ay ku yaalaan dalka Jabuuti magaloyinka u maro waxa kim ah magalad jabuuti ; Cali sabiix iyo dire dhawa o 10 km ka maro dhinaca Galbeedka  iyo magaloyin kale o badan isla markaana waxa u ku xidhmaa Tuulo u dhaw magalada casimada u ah ethiopia e addis ababa.

 

Waxa  kale o ay wax kala soo dagtaa port sudan e dalka sudan mambasada kenya iyo ber berada  dalka somaliland sido kale Eritrea ayay kala so degtaa wax aan sidaas u badneen sido kale Ethiopia diyaradeeda ethiopian airline aya qaada una soo dajisa badecoyin badan isla markaas ay quutaan dadkeedu dhaqale  xad dhaaf ahna way ka sameeyaan.

 

Ethiopia imisa Qorshe ayay dekadda saylac ku qabsan kartaa?

 

1.     Waa is fahan iyo wada xajood iyo hashiis ay la gasho dawladda somalilalnd o ah in ay maal gashato iyana kiro iyo wax is dhaafsi laga qaado iyo arimo kale o badan MOU.

2.     Waa in ay xaga emaratka so marto iyo dekadda berbera DP WORLD o saamigi 19% ahaa ay tidhaahdo aan ilaaliyo kuna badasho percentage kaas dekadda saylac si aan alaab ugala soo degto waliba iyada o ogalaanshaha laga qaadanayo dawladda Somaliland isla markaana wada xajood laga yelanayo wallow hadda muran ka tagan yahay samiha ah 19% e Ethiopia.

 

3.     Arinta iyana aan mesha ka maqnaan karayn aya ah in ay xoog toos ah ay kula wareegto isla markaana ay si toos ah uso weerarto isla markaana ay gacanta ku dhigto.

 

4.     Waa in ay dawlad kale so wakilato oo maal gashata dekadda saylac isla markaana ay isku soo hoos nabto balse iyadu waa Ethiopia e ay maal galinta yelato iyo shaqada meesha ka soconaysa balse ay dawladda kale ay magic ciyaal naqoto.

 

Arimahan aan sare ku taxnay waa suurta gal dunida qorshe dheer aya lakala leyahay iyo arimo badan o dahsoon.

 

5.     Cidamada badda e Ethiopia waxaa adegsan kara Dp world iyi UAE maadama ay maamulan dekadda berbera waxa ay u bahnaan karaan cidamo ilaaliya marakiibta iyo xeebta dheer kuwas o isku dhaf noqon kara ama dal gaara u badnaan karaba.

 

 

Maxaa Tala Ah ?

 

Taloyinkan ayaan soo gudbinaynaa:

 

1.     Waa in dawladda Somaliland Laba laabtaa oo wacyi galin daba galid arin sirdoon iyo mid millitry ba Qadaa mar walba taasi wa shaqo dawladeed o aan ku laydhayno Taladeena si aan u wada hagar baxno dawlad iyo dadba.

 

2.     Shacbiga JSL waa in wacyigooda iyo dareenkoduba soo jedaa isla markaana dawladda dalka la shaqeyaan.

 

3.     Dawladda marka laga yimaado shacbigu waa in u ilaaliya dalkiisa isla markaana u difaaca naftisana u huraa wa shaqo ino wada taal.

 

4.     Meelaha aan ka jilicsanahay e faraha badan waa in aan iska adkeena.

 

5.     Waa in cidamada badda la tayeeyo qalab ahaan waa in la dhisaa cilmigooda iyo nafsadooda sido kale waa in lo kordhiyaa miisaniyadda iyaga iyo cidamadda military ga ahba si ay cidamadda baddu u sugaan Territory water ka , continental shelf ka iyo EEZ: Exclusive economic zone ka badda.

 

6.     Ugu danbayn wax walba o jira shacaboow waa in aad la socod siisaan laamaha dawlada e kuugu dhaw.

 

Gaba Gabo

 

Arimahan hadda tagan iyo digninaha so baxaya iyo tuhunka dadku qabaan waxa ay u bahan tahay is dul tag aad u wayn arintani ciyaar maaha haddi ay Ethiopia hadda qabsan waydo waxa ay qabsan kartaa 10 ka sano e so socota 100 ka iyo wakhti walba o ay Janis hesho halkan waxan uga faa”idaysana waa in aan ugu yaraan wax la sacono wa hadda hadhoow iyo wakhtiga danbaba isla markaana kuwa inaga danbeeya nolol iyo dal barwaqo ah inaga dhaxlaan.

 

Mahadsanidiin Dhamantiin

TWITTER: H.E Mohamed Aden Hassan     

 Email: [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...