"Afduubka iyo qafaalashada…"

0
Wednesday February 09, 2022 - 08:39:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Afduubka iyo qafaalashada…"

    W/Q Xoghaye Yoonis Axmed Yoonis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Xoghaye Yoonis Axmed Yoonis

" Afduubka iyo qafaalashada ay maalmihii u dambeeyey Ciidamo dharcad ah oo lagu sheegay sirdoon kula kacayeen dad muwaadiniinta ah ee u badan weriyeyaasha iyo kuwa baraha Bulshada aragtiyahooda ku muujiyaa, waxa ay dhaawac weyn iyo ceeb ku tahay nidaamka dawladnimo ee dalka iyo waajibaadka shaqo ee Hay'addaha dawliga ah iyo ciidamada kala duwan mid walba qaabilsan tahay.



Ficilada noocan ah ee soo kordhay ee inta la garaaco, xooga lagaga kaxaysanayo dadka muwaadiniinta ah, iyaga oo ku sugan huteellada Magaalada Hargeysa, waa mid sawir xun ka bixinaysa Ciidamada iyo nidaamka dawladdeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, waana tallaabo ku cusub waddanka oo u muuqata cago jugleyn, handadaad iyo car-juuqdhedii shacabka ka dagaalameen ee ay hore u diideen.


Ciidanka Sirdoonka ee falalka lagu eedaynayo maaha kuwo ay shaqadooda tahay in ay dadka afduubaan, oo si jajuub ah uga kaxaystaan dadka Muwaadiniinta suuqyada, iyaga oo aan dembi faraha kula jirin, oo weliba qaab handadaad ah lagu kaxaysto, ka dibna la iska soo daayo.


Ciidanka Sirdoonka sida uu xeerka ay ku aasaasan yihiin dhigayo xeer lambar 59/2012, meelna kagama taalo tallaabooyinkan iyo ficiladan ay qaadayaan Ciidankani, sida ku cad qodobka 7-aad ee waajibaadka iyo xilka ay qaranka u qaabilsan yihiin maaha kan ay ku dhaqmayaan, waa mid si cad u qeexan oo tilmaamaya in shaqadoodu tahay ururinta, xuuraamida, lafo gurida iyo hufida xogta ay hesho iyo weliba la socodka iyo dhaq dhaqaaqa Hay'addaha shisheeye iyo qodob kale oo la xidhiidha daba galka iyo ka caawinta Hay'addaha kale amniga.


Hay'addo kale oo amni ayuu qaranka u xil saaran xadhiga iyo baadhista wixii dembi ah ee muwaadinku galo, Hay'addaha Garsoorkuna iyaga awood u leh in ay xalaaleeyaan qofka eeddo loo haysto, balse in Hay'ad kale ay gacanta ku qaadato shaqo aanay lahayn, waa mid muujinaysa kala dambayn la'aan iyo Ciidamada oo aan isku ixtiraamayn shaqooyinka mid walba sharcigu siiyey.


Arrintani waa mid aanu Xisbi ahaan walaac ka muujinayno oo dadka muwaadiniinta ahna welwel iyo cabsi ku abuurtay in hadh cad iyaga oo nolol maalmeedkooda iska wata laga afduub Huteelada Magaalooyinka.


 Waxaanu ugu baaqaynaa Hay'addaha arrintan sugayso in ay deg deg wax uga qabtaan, bulshadana u caddeeyaan sababaha dhacdooyinkani u soo badanayaan." W/Q Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...