Sannadka Cusub Ee Shiinaha, Halkuu Ka Soo Jeedaa, Sideese Loo Dabaaldegaa?

0
Wednesday February 09, 2022 - 08:33:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sannadka Cusub Ee Shiinaha, Halkuu Ka Soo Jeedaa, Sideese Loo Dabaaldegaa?

    Salaasadii, Kow-da bisha February,2022 waxay bilowday sanadka cusub ee Shiinaha 2022.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salaasadii, Kow-da bisha February,2022 waxay bilowday sanadka cusub ee Shiinaha 2022.

Waa maalinta ugu muhiimsan ee jadwalka Shiinaha – in ka badan hal bilyan oo qof ayaa la ciida qaraabadooda, daawan doona dhoola-tusyada waxaanay duco iyo nasiib wacan u rajaynayaan sanadka soo socda.

Maxaa dhaca sanadka cusub ee Shiinaha?

 

Sannadka cusub ee Shiinaha waxa uu ku bilaabmayaa soo bixidda dayaxa cusub ee labaad ka dib xilliga jiilaalka (21 December).

 

Tani waxay dhici kartaa taariikh kasta inta u dhaxaysa 21 January iyo 20 Febraayo. waxaana  sidoo kale loo yaqaan Bandhiga Gu’ga, Sannadka Cusub waxa u dabbaaldegaya bulshooyinka Shiinaha ee adduunka oo dhan. Damaashaadyada waxa lagu milicsadaa sanadkii hore waxaana macnihiisu yahay in nasiib wanaagsan iyo barwaaqo loogu rajeeyo kan cusub.

 

Waxa jira xafladaha qoysaska iyo isu soo baxyada bannaanka ee rashka la tuuro, sawirada xayawaanada sida  mas-duulaayada, qoob-ka-ciyaarka iyo dagaal degyada kala duwan. Waxa badnaa la qabtaa Dabaaldegyada waaweyn habeenka sanadka cusub iyo maalinta sanadka cusub.

 

Malaayiin qof ayaa safar gala Shiinaha gudihiisa – mararka qaarkood kumannaan mayl – si ay ula dabaaldegaan qoysaskooda.

 

Dadku waxay guryahooda ku qurxiyaan casaan si ay nasiib u helaan, carruurtana waxaa la siiyaa lacag baqshado cas ku jirta, sababta oo ah Midabka Cas Shiinuhu waxay tix geliyaan midabka nasiibka.

 

Dabaaldegga ayaa socda muddo laba toddobaad ah, isaga oo dhammaanaya 15-ka bisha February ee sannadkan iyada oo la qabanayo xafladda faynuuska, taas oo calaamad u ah dayax-gacmeedka.

 

Tan iyo 1990-meeyadii, dadka ku nool Shiinaha waxaa la siiyaa fasax shaqo oo toddobaad ah sanadka cusub. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Ganacsiga Shiinaha, dadku maalmahan in ka badan 820 billion oo Yuan oo u dhiganta (£ 96bn) ayey ku bixiyaan dukaamaysiga iyo cuntada inta lagu jiro muddadan.

Sanadka Shabeelka

 

Sannad kasta waxa lala xidhiidhiyaa mid ka mid ah 12ka xayawaan ee ku jira xidigis-ka Shiinaha. Sida Dibiga, Maroodiga, Shinnida, dameerka , Shabeelka iyo xayawaano kale.

 

Sanadkani waa sanadkii Shabeelka. Waxaa la sheegaa in carruurta dhasha sanadkan shabeelka ay noqdaan kuwo geesiyaal ah, tartanka ku wanaagsan oo xoogna leh.

 

Luqada Cantonese,oo ah  luqadda ugu weyn ee koonfurta Shiinaha iyo Hong Kong, salaamta sanadka cusub waa "Gong Hei Fat Choy” (恭喜發財), oo macnaheedu yahay "barwaaqaan kuu rajeynaya.”Luqada Mandarin, oo lagaga hadlo waqooyiga iyo Koofur galbeedka Shinaha, Salaanta sanadka dadku waxay yidhaahdaan "Xin Nian Kuai Le” (新年快), taas oo macneheedu yahay "Sannad Cusub oo Farxad leh”.

Halkuu ka soo jeedaa asalka sanadka cusub ee Shiinaha?

 

Sannadka cusub ee Shiinaha hadaynu eegno halka asalkiisu ka soo jeedo waxa loo malaynayaa inuu ka soo jeedo qarnigii 14aad ee BC, wakhtigaas oo Shiinaha ay xukumayeen boqortooyadii Shang.

 

Asalkeeda waxay salka ku haysaa hal sheeko taas oo sheegaysa in Bahal la odhan jiray NIAN ("Year”) uu soo weerari jiray dadka tuulada bilowga sannad kasta. Nian wuxuu ka baqi jiray dhawaaqa dheer, iftiinka dhalaalaya iyo midabka cas. Dadku waxyaalahaas ayay bahalkii ku eryi jireen.

 

Bahalka loo yaqaano DRAGON ama Mas-duulaaga dadka Shiinuhu wuxu u yahay calaamad awood iyo nasiib wanaagsan ah, meelo badan oo dalka ka mid ah ayey dadku ku soo bandhigaan qoob ka ciyaar iyo Sawirka Mas-duulaaga oo Caag ah. Inta lagu guda jiro xafladaha sanadka cusub Masduulaa dheer oo midabo leh ayaa lala soo dhex mara waddooyinka,.

 

Sannadka cusub sidoo kale waa wakhtiga ay dadku si fiican u nadiifiyaan guryahooda si ay uga takhalusaan nasiib xumo ka soo hadha sannadkii hore.

Waa kuwee wadamada kale ee u dabaaldega?

 

Guud ahaan Bariga Aasiya, dalalku waxay sidoo kale u dabaaldegaan sanadka cusub sida ku xusan jadwalka dayaxa.

 

Vietnam, maalinta waxaa loo yaqaan Tết Nguyên Đán, ama Tết, marka la soo gaabiyo, macnaheeduna xafladaha Subaxa Kowaad ee Maalinta Koowaad.

 

Dadku waxay nadiifiyaan guryahooda oo waxay ku qurxiyaan ubaxyo cusub, sida ubaxyada midhaha casn iyo khudrada loo yaqaan kumquats. Ubaxyada cas waxay u taagan tahay tamar halka Geedka kumquat uu u taagan yahay barwaaqada.

 

Waqooyiga Kuuriya iyo Koonfurta Kuuriya waxay u dabaaldegaan Seollal, oo soconaya saddex maalmood. Qoysaska Kuuriya waxay cunto ugu adeegaan awoowayaasha caado la yidhaahdo Charye, si ay u helaan barakodooda sanadka soo socda.

 

Koonfurta Kuuriya, dadkuna waxay bixiyaan ilaa $75 (£55) haddiyad ah iyo hilibka qasacadaysan.

 

Dalka Mongolia , xaflada waxaa lagu magacaabaa Tsagaan sar. Qaar ka mid ah dadka ku nool Mongolia waxay ugu yeedhaan xafladda Dayaxa Cad. Dadku waxay ku cibaadaystaan ​​​​ovoo – tuulooyin dhagax ah oo loo isticmaalo meelo allabari ama macbadyo. Waxa kale oo ay is dhaafsadaan dhalooyin buuri ah, kuwaas oo loo malaynayo in ay dadka mideeyaan.

Sidee dunida oo dhan looga xusaa sanadka cusub ee Shiinaha?

 

New York waxay qabtaa xaflado dabdamis ah, taas oo ilaa 600,000 oo rash lagu qarxiyo Beerta Sara D Roosevelt. Waxaa jira qoob-ka-ciyaar libaax iyo dhoola-tusyoay ku dhexmara waddooyinka Chinatown ka dib.

 

Singapore waxa ay martigelisaa dhoolatus waddo oo lagu magacaabo Chingay, kaas oo ka kooban, labisyo midab leh, bandhigyo toos ah iyo rashka.

 

Manchester waxay hoy u tahay mid ka mid ah bulshooyinka Shiinaha ugu waaweyn uguna da’da weyn, sanadka cusubna Mas-duulaagiisii ​​dhererkiisu ahaa 53m ayaa lagu soo bandhigay wadooyinka dhanka Chinatown ee magaalada


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...