Hal Shay Bay U Wada Socdaan Usa Iyo Iiraan. Qalinkii Axmed Cali Kahin

0
Sunday May 26, 2019 - 10:20:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal Shay Bay U Wada Socdaan Usa Iyo Iiraan. Qalinkii Axmed Cali Kahin

    1.IN BARIGA #DHEXE IIRAAN #GACANTA LOO #WADA GALIYO.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1.IN BARIGA #DHEXE IIRAAN #GACANTA LOO #WADA GALIYO. Sida aqoon yahano badan qabaan oo uu kamid yahay Cabdale Nafiisi. Markay USA ciraaq shiico ku wareejiyeen maamulkeedii,



Mar la waydiiyay Bole brimer oo ahaa maamulihii rayidka ahee ee ciraaq intaan shiicada loo dhiibin. Waxa uu ku jawaabay shiicadu #address bay leedahay oo waa #Najaf ee Suniga adreaskiinu waa #xagee. Sida uu buugiisa ku qoray.


Dr Nafiisi oo mudo ku dhaw 40 sano baadhayay Iiraan, oo jaamacadahooda wax ka dhigi jiray waxa uu mudo dheer ku dooday in ajandaha iiraan e wayni yahay in bariga dhexe #qabsato.


Hadda meesha kaliya oo aanay joogin iiran, waa Sucuudiga iyo Emaratka iyo Qadar kuwaana waa la qabsanayaa buu ku dooday muddo dheer Nafiisi.


Waaana sababaha loo sameeyay fadhiga iskaashiga carabta. Si la iskaga difaaco iiraan. kaasina hadda meesha wuu ka sii baxayaa.


Waxaan markhaati ka ahayn in ciraaq tuhun Nucliyeer galay, saacado gudahoodna lagu weeraray, iiraan oo gacanta ku haysana wadda hadalbaa tobanaan sano lagu waddaa. Markii ay faraha kaga gubteen suniyiinta.


Dhinaca kale dadka qaar waxay qabaan in Netanyahu mashruuciisi in la weeraro iiraan aad moodo in uu kaga dhabaynayo John Bolton oo ah la taliyaha amaanka maraykan.


Maadaama nidaamka iiraan ee islaamiga waddaadadu maamulaan 40 sano guulaystay la loodin laayahay, Halka kacdoonadii Islaamiga ahaa ee Aljeeriya, Suudaan, masar, la dhiciseeyay


horena dagaalo u galiyeen si ay u wiiqmaan, markii ay wiiqmiwayeen, cunaqabatayntiina waxba yeeli wayday waa in xalkii u dambeeyay la gaadhaa oo dagaala ah.


Balse maraykankii waxaa ka maqan xulafadiisii oo dhan iyo taageerada muwaadiintiisa.


Xaalku hadda waxaad mooyaa in go'aan hoos loo gaadhay la fulinaayo, oo dano dadan riixayaan. Warbaahinta waxa laga sheegayaana waa sheeko baralay iyo marin habaabin. Balse dagaalka iiraan lagu qaadaa waa dhamaan bariga dhexe oo olol hilaacay.

ahmedckahin@gmail

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...