Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Axdi Wuxuu Ku Maray Inuu Somaliwayn Dib U Mideeyo, Maxamed Kahin Iyo Faysalna Way Ku Raaceen

0
Sunday May 26, 2019 - 10:08:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Axdi Wuxuu Ku Maray Inuu Somaliwayn Dib U Mideeyo, Maxamed Kahin Iyo Faysalna Way Ku Raaceen

    AS/CALAYKUM DHAMAAN SHACBIGA SOMALILAND GUDE IYO DIBADBA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AS/CALAYKUM DHAMAAN SHACBIGA SOMALILAND GUDE IYO DIBADBA.

SIYAADADA DUSHAAN KALA SOCDAA,MAALINBA MAALINTA KA DAMBAYSA, WAXA SII LICIIFAYA XUKUMADII IYO UCID....BAL CEEBTAN EEGA!!!!



waxaan la yaabay kusoo-guryo noqoshada mataanaha Kulmiye iyo UCID ee Nairobi ay kaga soo noqdeen! waxaan ula yaabayna waxa weeye, Faysal C Waraabe oo ka dhigay maxamed kaahin nin uu hayo Xanuun Saxaafadeed, isla markaana aan qaadi karin in kalmad la waydiiyo.....ku lahaa faysal: Ta daa Ta daa Anidaa la tulmay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur....i kkkkk.


Bal ogow Siyaasigaa Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur waa ninka kaliya ee midayndoona Soomaaliya oo dhan. waa nin aan la gaban inaanay dhagihiisu maqal wax kala qaybsanaan iyo laanta iyo waxaas.


Sida fagaarayaasha doodaha siyaasada uu ku tiraabo, waa siyaasi ka shaqeeya midnimada umada somaliyeed, soona celin doona nidaamkii Soomaaliwayn. Waxaan shaki ku jirin in wada hadalka dawlada somaliland ay la hadashay siyaasigan, uu yahay mid qalbi jabinaya kuwa qalbigooda ku haba ama ku xardha: SOMALILAND. ku sii dheeraan maayee, faysal baa aad iiga qosliyoo maalintii dhawayd ee Culimada somaliland lagu casuumay madaxtooyada wuxuu yidhi: WADANI WAANU TA ADTAAN WAYNEE, MEE HAYN INAA NASOO KALA DHEX GASHAAN....!!!!!


Waxaan kaga baxayaa, Wadani wuxuu xukumada iyo ucid ka adkaaday maalintii ay is bahaysteen 4% IYO 48%. Ku darsadoo siyaasiyiin dhab u darsa waxay siyaasadi tahay iyo sida bulsho loo badalo, ayaa dalka ku nool!!!!


U fiirso hadalka layskama yidhaahee, waxaan u jeedaa Wadani wuu ka adkaaday dawladii iyo UCID, waxay yidhaaheen laba xisbi ayaanu doorasho ku galaynaa, iminkana afka waysoo marin kari la'yihiin inay ku adkaystaan inay labadaa ay sheegeen doorasho ku galaan!!! iminkoo u dambaysay waa la waydiiyee mabay ka jawaabin ina kaahin iyo faysal toona!! halkan bal eeg ceebta fagaare saxaafada somaliland iyo waftigan margaday een biyana loo dhiibin!!!

https://www.youtube.com/watch?time_continue=64&v=l2q8uOHz5hw

Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal!

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...