Aragtidii Niitsha (Nietzsche Theory)

0
Tuesday February 08, 2022 - 10:09:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aragtidii Niitsha (Nietzsche Theory)

    W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

Waxa jirey qarnigii 19aad filasoof u dhashay dalka  jarmalka kaas oo la odhan frendrich Nietzche.

Niitsha wuxu keenay aragti odhanaysa rabitaankaaga u adeegso awoodaada  (Will to power), wuxu soo jeediyey niitsha inay jirto xoog uu qofku leeyahay oo aan caqligal ahayn (irrational Force), oo ku jirta qofkasta oo dunida guudkeeda jooga.

 

Nitsha aragtidiisu waxay si cad u qeexaysa in qofku aragtidiisa uu u maro waddo kasta, hadii cidi hor istaagtana uu awoodihiisa qarsoon uu adeegsado.

 

Waddamadii adeegsaday fikradan waxa kamid ahaa Naasigii Adolf Hitler iyo hogaamiyihii talyaaniga ee  benito Mussolini.

 

Doorkan Waxaan kula talinayaa inay xisbiyada mucaaridku ay adeegsadaan aragtidan, oo hadii dalkii loo diiday inay ka taliyaan ay mooryaanta haysata ka hor wareejiyaan. Muuse wuxu madaxweyne noqday isagoo adeegsanaya aragtida niitsha ee adeegsiga awooda ilaa maanta muuse wuxu isticmaalayaa awoodihiisa kuwaas oo dastuur iyo cid uu xaalaynayo midna aanay jirin.

 

Meerisyadan hoose ayaan muuse ugu sheegayaa in wixii  Nov. ka dambeeya hadii uu doorasho qaban waayo isagana aanu damaciisa waalan aanu u soconayn waxaan idhi;

 

-distoor jabiyasayaa iyo sharciga dacal ka dhaaftaaba

-dalka boobtayaa oo  Hantida dulug ka siisaaba

-Ururo furis doontayaa oo damac ku qaadyaaba

-Duda-daan dhisayniyo dalkii deyrka jabisaaba

-Wanaag  diidayaa oo dulqaad doqoniimo shegtaaba

-shirqool noo degtayaa oo bulshada Bohol ku duugtaaba

-degta kaga joogsatay ragii diriray boqolka goobeede

-Dallow dheer hadaad ka tuurtiyo hadaad dagaal ku kicinayso

-Ummad kala durugtiyo hadaad colaad ugu dabqaadayso

-Damacaagu walee inaanu soconayn noofo dabadeed. 

 

 

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...