Qoraalka "Aasaaska Xisbiga Kulmiye" Ee Dhawaan La Shaaciyey Oo Kaabis Iyo Xog Daboolneyd Aan Raacin Doono.

0
Tuesday February 08, 2022 - 10:03:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoraalka "Aasaaska Xisbiga Kulmiye" Ee Dhawaan La Shaaciyey Oo Kaabis Iyo Xog Daboolneyd Aan Raacin Doono.

    W/Q: Abdirizak Ahmed Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdirizak Ahmed Jama

Iyada oo qaawan oo duuduuban, fikirka aasaaska xibiga kulmiye, waxaa iska lahaa aniga oo ah Cabdirisaq Axmed Jama. Ku soo dhawoow xogtaa daboolneyd oo haatan isu bedeli doonta mid faydan. Shakhsiyaad aan la wadaagay xogtan waxay markiiba igu boobeen su’aasha ah: adiga maxaa kuugu jiray in aad la doonto xisbi, beel aanad ka soo jeedin.

 

Inta aanan siday wax u dhaceen u gudo galin, waxaan in yar ka faaloon doonaa waxa igu kalifay hawshan.

 

Wakhtigaa oo ay ahayd 2002-dii, xaaladda siyaasadeed iyo midda midnimo ee Soamliand wey sabaynayeen, oo cago kuma taagnayn. Waxaa aniga wakhtigaa walwal igu hayey tan danbe ee ah midnimada umadda Somaliland.  Wakhtigaa hogaamiyeyaasha siyaasadda ee beelaha qaarkood weaxay dantoodu ula muuqatay in Somaliland siyaasadeeda la isku qabqabsan doono, waxaanay bilaabeen in xidhiidho hoose ay la yeeshaan Xamar iyagoo beelahooda ku war galinaya in aany tani, waa (Somaliland) eh, waxba isu ogaylayn oo aanay waxba noqonayan. Xagga bariga Somaliland oo markaaba kalsoonida Somaliland lagu qabay aanay xooganayn, waxay ila noqtay in niyad jab ku sii xoogaysta Bariga, uu keeni karo burbur Somaliland iyo in Xamar loo kala dheereeyo.  Waana sababta aan tolkay, beesha Xisbiga Kulmiye yeelan doonta aan ugala shaqeeyey hawshan si ay rajo wacan uga dhex arkaan Somaliland.  Waxaa ii soo baxday in tolkay ay u baahan yihiin xisbi ay ku midaysan yihiin.

 

 Aniga iyo saaxiibkay Rashid Axmed Cisman Wabi, waxaan arinkaa u geynay Maxamed Cali Bilaal, oo markaa ahaa Guddoomiyah Jaaliyadda Somaliland ee Toronto, Xubin aad u firfircoona ka ahaa beeshiisa. Markii uu nala qaatay arinka wuxuu isaguna isugu yeedhay beesha xisbiga yeelan doonta ee Toronto.  Intaa kadib sidii wax u dhaceen waa laga wada dharagsan yahay.  Beeshii guriga Maxamed Cali Bilaal ayey isugu yimaadeen, arinkii wey isla qaateen, guddi ayey sameeyeen, madaxwayne Siilaany ayey la xidhiidhen, Madaxweyne Siilaanyana, wuu la qaatay, waxaanu ku war galiyey in ay dhaqaalihii lagu hirgalin lahaa Xisbiga iyo sharcigiisiiba soo diyaariyaan.  Reer Torornto halkaa ayey abaabulka Kulmiye ka bilaabeen.  Aniga iyo saaxiibkay Rashid Axmed, shirarka u gaarka ah beesha ee ay abaabulka ku galeen kama aanaan mid ahayn.  Laakiin wuxuu qorshu ahaa in aan anigu siilaanyo Hargeysa ugu tago, aanan kala shaqeeyo isku dubarida hawalah xisbiga oo markaa dabcan ahaa urur.  Madaxwayne Siilaanyo mar baan si kooban isu aragnay, waxaanan u balanay in hawsha ururka dhaqaajino, balse mar danbe isma aanan arag, isbedel ku yimid aragtidayda siyaasadeed ee Somaliland wakhtigaa maraysay, awgeed.

 

Markii aan wadankii tagay, Waxaa ii soo baxday in wadanka doorasho asxaab ah la galiyo aany wkhtigan haboonayn, waxaanan ku biiray qolyo dabada ka riixi jiray in aan xisbiyo laga furin wadanka, dana aanay ugu jirin Somaliland.  Waxaan wakhtigaa qabay oo ilaa maantana muuqata, in dimoqraadida reer galbeedku inagu khasbayaan, ay inagu ridi doonto jahwareer siyaasadeed oo bulshada kala fogayn kara. Somaliland Waxay marka horeba isu taqaanay reero ama beelo, oo ay ku soo caano maashay.  Waxaa haboon  in ilaa inta ictiraaf laga gaadhayo in aynu dawladda ku qaybsano beelnimo ama reernimo oo an laga baydhin dariiqaa.  Waxaanu ka digaynay in haddii xisbiyo, magac u yaalo ah, la sameeyo, ay si dhib yar iskugu milmi karaan reerka iyo xisbigu.  Somaliland, reero ama beelo wax isku darsaday, ayey isu yaqaaneen waana taa maanta ina dhaxalsiisay in ay isku qasmaan beelihii iyo xisbiyadii.

 

Markii qolayadii dabada ka riixaysay shirbeedyada lanaga badiyey ee umaddii madaxa loo galiyey xisbiyo aan la fahansanyn, waxay qolayadii shirbeedka waday isu bedeshay in ay xooga saaraan, badbaadinta iyo ilaalinta Somaliland, oo aan ilaa maanta ku hawlan nahay. Malaha la rumaysanba maayee, hadda Somaliland-taa luudaysa, ee la boobayo, la hintaaqinayo, la dhacayo, beenta loo sheegayo, waxaa ku dhex jira dad ku hawlan, habeen iyo maalin ilaalinteeda, oo wax ay galiyaan mooyee, aanan ka doonayn wax ay ka helaan wakhigan.  Wxa kaliya ee aan doonaynaana tahay in umadda Somaliland gaadhaan himilooyinkeeda.  Waxaan ilaa hadda ka mid ahay oo aan ku hawlan nahay hawshaas miisaankeeda leh.

 

Madaama ururadii dib loo furay, wakhtigan, maankayaga kama maqna in aan tartanka qayb ka noqono oo aan Somaliland gudaha ka ilaalino. Tii Alena waa kalkeedii.

 

 Muwaadin nagu soo biir, hadaad leedahay shuruudahan kooban ee fudud. Waa in aad tahay qof ku abtirsada Somaliland oo ka koray, garaad ahaan reernimada hoose. Waa in aad taqaan cida u cadow ah Somalind.

 

"Kii i xaman Lahaayoow, ama Xaasidkiiyoow, kaan Xalay wanaajee, i xumayn doona maantoow.” Digniin.  Maqaalkan waxaan ugu talo galay inta garaadka la saaxiibka ah.  Cidii xogtan wixii ka dhab ah danynaysaa, si asluubaysan ha u daba gasho, maankiinana la kaashada, waydun soo heli xaqiiqda, waayo ka qayb galayaashii, oo uu ugu horeeyo Madaxwene Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo ayaa nool oo jooga.

 

Alahayoow dadkaygu waxay doonayaan u dhiib.  Alahayoow shacabka Somaliland walaalee.  Aamiin.

 

W/Q: Abdirizak Ahmed Jama


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...