Kim Jong-un oo lasoo ogaaday meesha uu ka keeno lacagta uu gantaallada ku sameysto

0
Monday February 07, 2022 - 10:12:23 in News by
  • Visits: 1589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kim Jong-un oo lasoo ogaaday meesha uu ka keeno lacagta uu gantaallada ku sameysto

    Weerarrada dhaca internet-ka ayaa lala beegsaday ugu yaraan saddex meelood oo ku kala yaalla Mareykanka, Yurub iyo Aasiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerarrada dhaca internet-ka ayaa lala beegsaday ugu yaraan saddex meelood oo ku kala yaalla Mareykanka, Yurub iyo Aasiya.

 

Sida ay Qaramada Midoobay ku sheegtay warbixin lagu shaaciyay warbaahinta, Kuuriyada Waqooyi ayaa lacago malaayiin doollar ah ku xadda dhinaca internet-ka si ay ugu maalgeliso barnaamijyadeeda sameynta gantaallada ee uu kharashka badan ku baxo.


 

Baareyaasha ku howlanaa arrintan ayaa sheegay in lacag dhan $50 milyan oo doolar oo nooca digital-ka ah la xaday intii u dhaxeysay 2020-kii ilaa 2021-kii, taasoo lagu qaatay qaabka xatooyada internet-ka.



 

Waxa ay saraakiishu sheegeen in habkaas dhaca internet-ka ah ee lagu jabsado bangiyada uu il dhaqaale oo muhiim ah u yahay Kuuriyada Waqooyi, si ay ugu kharash gareyso hubkeeda nuclear-ka iyo gantaallada riddada dheer.


BBC


 

Waxaa lasoo tabiyay in xogtaas maalintii Jimcada lagu wareejiyay Guddiga qaabilsan arrimaha Cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay.


 

Weerarrada dhaca internet-ka ayaa lala beegsaday ugu yaraan saddex meelood oo ku kala yaalla Mareykanka, Yurub iyo Aasiya.


 

Warbixintu waxay sidoo kale soo xigatay daraasad la daabacay bishii lasoo dhaafay oo ay sameeyeen khubarada shirkadda amniga ee Chainalysis, taasoo muujisay in weerarrada dhinaca internet-ka ee ay sameysay Kuuriyada Waqooyi lagu qaatay lacag nooca digital-ka ah oo dhan $400 oo milyan oo doolar, sanadkii lasoo dhaafay.


 

Qaramada Midoobayna waxa ay ku sheegtay mid ka mid ah warbixinnadeeda la daabacay 2019-kii in Kuuriyada Waqooyi ay dhaca internet-ka ku heshay lacag dhan labo bilyan oo doolar oo ay ku maalgelisay sameynta hubkeeda wax gumaada.


 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka manuucay Kuuriyada Waqooyi inay sameyso tijaabinta nuclear-ka iyo gantaallada riddada dheer.


 

Balse wararku waxay sheegayeen in iyadoo cunaqabateyntaasi jirto ay haddana Kuuriyada Waqooyi u suurtagaleysay sii wadidda tijaabooyinka gantaallada casriga ah iyo dhismaha hubka nuclear-ka.


 

Waxa ay sidoo kale sii wadday inay hesho qalab iyo tiknoolojiyad uga imaanayay dhinaca dibadda, kuwaasoo lagu keenayay warbaahinta dhinaca internet-ka iyo cilmi baadhis seynis ku dhisan.


 

Kormeerayaasha ayaa sheegay in ay si xoog leh sare ugu kaceen howlgallada tijaabinta gantaallada.


 

Dowladda Mareykanka ayaa Jimcadii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay fulisaytijaabinta sagaal gantaal bishii lasoo dhaafay gudaheeda oo keliya. Tijaabooyinkaas ayaa muujinaya sida ay u korodhay awoodda lagu isticmaali karo hubkaas, xawaarahooda iyo sida meelo kala duwan loogu adeegsan karo.


 

Bishii January oo kaliya Kuuriyada Waqooyi waxay tijaabisay 7 gantaal


 

Maalintii Jimcada, Ruushka iyo Shiinaha ayaa ku gacan seyray inay saxiixaan qoraal lagu cambaareynayay tijaabada gantaallada Kuuriyada Waqooyi.

 

Xukuumadda Washington ayaa Axaddii ku dhawaaqday in wakiilkeeda gaarka ah ee Kuuriyada Waqooyi uu la kulmi doono saraakiisha Japan iyo Kuuriyada Koonfureed dabayaaqada isbuucan si uu ugala hadlo xaaladdan.


 

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu ogaaday in xaaladda bani'aadannimo ee gudaha Kuuriyada Waqooyi ay kasii dareyso, taasina ay sabab u ahaan karto go'aannada xukuumadda Pyongyang ay ku xirtay xuduudaheeda si ay u xakameyso cudurka safmarka ah ee Covid.


 

Intaas waxay warbixintu ku dartay inay adag tahay sidii go'aan looga gaadhi lahaa inta ay la egtahay saameynta dhibaato ee ka dhalatay cunaqabateynta caalamiga ah, maadaama ay yar tahay xogta laga heli karo waddankaas oo aan galaangal fiican lagu yeelan karin xilli kasta.

Loading...
Loading...