Faraqa U Dhexeeya CAYMISKA Ganacsiga Ee Xaaraanta Ah Iyo Kan Xalaasha Ah

0
Sunday February 06, 2022 - 19:58:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1096
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faraqa U Dhexeeya CAYMISKA Ganacsiga Ee Xaaraanta Ah Iyo Kan Xalaasha Ah

    W/Q: Dr-Abdulqani Hussein Beder

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Dr-Abdulqani Hussein Beder

Haddii aanad hadda wakhti u haynin hadda, qoraalka share-garayso, dibna ugu laabo marka aad firaaqo u hesho.

 

Caymiska ganacsiga ku dhisan:

Caymiska ganacsiga ah fikraddiisu waxa weeye in labada dhinac ee caymiska wada gelayaa ay ka ganacsanayaan halis aan la hubin dhicitaankeeda.



Lacag bixiyuhu waxa uu lacagta u bixinayaa in uu halis iman karta ku xawilo caymiyaha, isaga oo rajeynaya in haftooyinkan yaryar ee uu bixinayaa ay kaga fillaan doonaan magdhowga dhibaato ku iman karta, caymiyuhuna waxa uu lacagta u qaadanayaa isaga oo rajeynaya in dhibta iman karta ee uu magdhowgeeda bixin doonaa ay ka yaraan doonto lacagta uu urursanayo.


Taa macnaheedu waxa weeye labadooda midna ma oga in uu khasaari doono iyo in uu faa’iidi doono, waxa ay ka ganacsanayaan halis la filayo dhicisteeda oo aan la aqoonnin in ay dhab ahaan u dhici doonto iyo xajmiga khasaare ee ay geysan doontaa inta uu le’ekaanayo.

 

Culimada islaamku caqdiga noocaas ah way xarrimeen, waxaanay xaaraantinnimaynta ku saleeyeen saddex qodob:

 

1- Ribo: Waxa ay yidhaahdeen heshiiskaas waxa ku jirta Ribo, waa lacag lacag lagu beddelanayo oo aan is le’ekaanshaheeda la xaqiijin karin, lacagta uu bixinayo macmiilku iyo lacagta ay bixin doonto shirkadda caymisku isma le’eka, taasina waa ribada la yidhaahdo Ribal fadli, sidaas oo kale waa lacag lacag lagu beddelayo oo mid ahaan dib loo dhigay, taasina waa Riba Annasii’a.


2- Dagniin (الغرر), waxa ku jira heshiiska caymiska hubin la’aan, labada dhinac ee heshiisku dhex marayo midna ma oga waxa uu iibsaday iyo waxa uu bixin doono, kan lacagta bixinayaana ma oga in uu lacagtiisaas wax ku heli doono iyo in ay ka khasaari doonto, kan lacagta qaadanayaana ma oga in uu lacagtaa faa’iido badhaxtiran u qaadan doono iyo in uu mid ka badan u celin doono macmiilka marka uu galo dhibaato ay tahay in magdhawgeeda la siiyo. Waxa dhici karta in heshiiska ka dibba uu macmiilku galo shil oo ay shirkadda caymiska ku noqoto waajib in ay magdhaw weyn bixiso, waxa kale oo dhici karta in uu macmiilku muddo dheer bixiyo haftooyin lacag ah, oo aanu shilba la kulmin. Xaaraantinnimada heshiiska qararku ku jiro culimadu way isku waafaqeen, waxaanay ku dhiseen xadiis saxeex ah oo Nebiga-scw- ka sugnaaday oo macnihiisu yahay: ”Nebigu-scw- waxa uu mamnuucay iibka Qararka”.


3- Qamaar: Heshiiska caymiska ee ganacsiga ku dhisan waxa ku jira qamaar, labada dhinac ee heshiiska ku wada jiraana waxa ay ku qamaarayaan faa’iido iyo khasaare, mar walba mid baa faa’iidaya midna wuu khasaarayaa, sidaa awgeed waa ganacsi ku dhisan qamaar, qamaarkana si cad ayay xaaraantinnimadiisu ugu sugantahay shareecada, waxaana u asal ah aayadda ku jirta suuradda Almaa’ida ee 9aad {Kuwa mu’miniinta ahow: Khamriga, Qamaar, sanamyada iyo Qoryaha lagu faashadaaba waa qudhun, camal shaydaan ah ee ka fogaada si aad u liibaantaan}.


Sidaas kooban ayay xaaraantinnimada ka ganacsiga caymisku u caddahay, ciddii ka dhawrsanaysa iyo ciddii u badheedhaysaana doorashada iyadaa leh, taladayaduse waxa weeye xaaraan cad naftaada ha ku halligin adiga oo dhibaato aan la hubin in ay kugu timaaddo ka carar is leh.

 

Caymiska Islaamiga ah ee Xalaasha ah:

1-    Caymiska Islaamiga ahi ma aha ganacsi, ee waa iskaashi wadareed tabarruc ku dhisan, oo ay dadka xubnaha ka ahi si wadajir ah u wad waajahayaan wixii magdhow ah ee ka dhasha shil ku dhacay.

 

2-    Caymiska islaamka waafaqsani waa caymis aan jujuub iyo qasab midna lahayn, qofku isaga ayaa xor u ah in uu caymis galo iyo in uu iska daayo.

 

 

3-    Marka hantida la ururiyey laga bixiyo wixii magdhow ahaa ee soo baxay sannadkaas, ama la bixiyo magdhowga wixii shil ahaa ee la galay, haddii dheeraad soo hadho, waxa caymislaha u soo noqonaysa lacagtiisii marka laga jaro kharashka maamulka iyo wixii kale ee lagu heshiiyey, haddii uu sidaa doono –(Caymisluhu waa qof kasta oo lacag laga qaaday oo shirkadda caymiska xubin ka ah).

 

1- Dadka caymisleyaasha ahi iyaga ayaa caymiye iyo la caymiye-ba isu ah, shirkadda caymiska ee Islaamiga ahi waa shirkadda hawsheedu ku koobantahay keliya in ay caymislayaasha u maamusho wixii ay ku heshiiyeen iyo hantidoodii ay bixiyeen, iyada oo wakaalad ahaan uga qaadanaysa khidmad boqollay ah (percentage) oo lagu heshiiyey, shirkadda laguma magacaabi karo caymiye ama caymis-bixiye dhab ah.


2- Haddii la doonayo in lacagta dhigaalka ah ee caymislayaashu bixiyeen la geliyo mashaariic ganacsi waa in uu jiraa kayd cay-yiman oo lagaga hortegi karo magdhawyo iman kara oo bixintooda la soo dalban karo.


3- Haddii lacagta caymiska loogu talo galay la geliyo mashaariic ganacsi, ganacsigaa waxa iska leh dadkii saamiyada bixiyay ee caymis la yaasha ahaa, waa qof kasta oo caymis bixiyay ma aha keliya intii maamulka ama aasaasidda lahayd.


4- Dadka shirkadda caymiska ku wada jiraa iyaga ayaa xaq u leh goorta ay shirkaddooda xidhayaan iyo goorta ay ballaadhinayaan, dawladdu kala ilaalinta xuquuqda dhexdooda ayay u xilsaarantahay ee xaq uma laha in ay hantidooda la wareegto marka khilaaf yimaaddo, qodobkani waxa uu xadaynayaa faragelinta dawladda iyo hay’adaheedu ku leeyihiin shirkadaha maamula hantida caymiska dadweynaha.


Dr-Abdulqani Hussein Beder

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...