Hordhac - Aasaaskii ururkii Kulmiye inaataanu noqon Xisbiga Kulmiye

0
Sunday February 06, 2022 - 11:05:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac - Aasaaskii ururkii Kulmiye inaataanu noqon Xisbiga Kulmiye

    Qore, Eng. Nasir Haibe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore, Eng. Nasir Haibe

May 3, 2002, markii uu geeryooday Madaxwqynihii hore ee Somaliland Allaha u naxariisto Mohamed Haji Ibrahim Egal, mudo gaaban ka dibna la doortay Madaxwayne Dahir Riyaale Kaahin, ayaa madaxwaynihii hore ee Somaliland Ahmed Mohamed Mohamud Silaanyo wuxuu isku diyaariyay inuu Madaxwayne kuxigeen u noqdo Riyaale. Silaanyo oo xilkaas rajo wayn ka qaba ayay suurtagal u noqon wayday inuu xilkaas qabto. Sababta ugu waynaydna ay ahayd mid ka imaanaysay isafgaranwaa yar oo ka dhaxeeyay isaga iyo gudoomiyihii guurtida xiligaas Sh. Yusuf Allaha u naxariisto.

 

Hal bil kadib geeridii Cigaal oo ku beegnayd dhexaadkii bishii June 2002 ayaa koox aan ka mid ahaa aanu shir Ku qabsanay Magaalada Toronto oo aynu ku yagleelaynu urur uu hogaamiye u noqdo hogaamiyihii hore ee SNM mujaahid Silaanyo. Habaynkaas aynu shiraynay waxa inoo suurta gashay inaynu telefoon kula hadalno Silaanyo oo inagu waafaqay dhisida ururka. Shirkaas oo ka dhacay guri uu lahaa Mohamed Ali Bilaal oo iminka ah Afhayeenka Xisbiga UCID, waxaanu Ku dhisnay gudidii ugu horaysay ee uu yeesho ururkii Kulmiye bishii June, 2002. Gudidaas waxaa Gudoomiye looga dhigay anigoo ah Eng. Nasir Haibe Farah. Waxaa gudidaas ka mid ahaa Bilaal, Mohamud Lafcambe AUN, Dr. Farah Hersi, Ibrahim Nacnac iyo Rashid Ahmed intaan ka xasuusto.

 

Mudane Silaanyo wuxuu naga codsaday inaynu soo ururino dhaqaalihii ururka lagu diiwaangalin lahaa xaafisna lagu furi lahaa. Allah mahadiis waxa inoo suurta gashay inaynu ururino lacag dhan 10,000 dollar. Lacagtaasi waxay ahayd dhaqaalihii ugu horeeyay oo soo gasha gacanta ururka Kulmiye. Halkaasna lagu furay ururkii lana qabtay shirwaynihii ugu horeeyay bishii August 12dii, 2002.



Qore, Eng. Nasir Haibe

Toronto, Canada

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...