Damaca Siyaasiga Ah Ee Axsaabta Iyo Baaqa Beesha Caalamka

0
Sunday February 06, 2022 - 10:56:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 658
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Damaca Siyaasiga Ah Ee Axsaabta Iyo Baaqa Beesha Caalamka

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama



          Waxa ka jira labada dal ee jaararkeena Ethiopia iyo Djibouti nidaam dimuqaradiyadeed oo u afduuban hal xisbi , warbaahin aan xor aheyn iyo dadka oo aan aragtidooda sida ay rabaan uga hadli karin , ma garan karo dadka dalalkaasi ku nooli in ay sidani raali ku yihiin iyo in kale laakiin waxa aan hilaadin karaa burburka iyo qaran jabka ku soo socda.

 

Halka labada dal ee kale ay ku jiraan Yemen iyo Somalia xaalado aad u adag oo dagaalo , amni daro , xasilooni la'aan siyaasadeed, weeraro joogto ah oo argagixiso iyo dhibaatooyin ay ka mid yihiin tacadi iyo dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo maalin walba ka dhacaa.

 

Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ahayd dalka kaliya ee dimuqaradiyad hanoqaaday Geeska Africa lagu amaanay iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah , haddaba wanaagaasi aynu ka sheekaynaynaa waxa laga yaabaa in aanu maslaxada inta meeqaamka siyaasada darmadeeda joogta iyo kuwa kuraasida dadku doortaan ku fadhiya aheyn oo ay marwalba isku dayaan mijo xaabin , mudo kordhin iyo wax walba oo u sahli kara in ay ina sii horjoogaan.

 

Doorashooyinka soo socdaa aad bay qaranka muhiim ugu yihiin ha ugu horeyso guurtida mudo dhaaftay 19 sanadood oo ilaa hada fadhida kuraasida oo aan wali doorasho toos ah lagu soo dooran , waxaana inoo fadhida guurtidii beelaha ku timid ee 1997 shirweynaha lagu soo doortay oo mudo xileedkoogu ahaa 6 sanadood oo kali ah.

 

Waxaa ku xigta doorashada Ururada iyo axsaabta siyaasada oo ay wada gali doonaan sadexda xisbi qaran iyo ururada siyaasada ee cusubi fahamkayga oo cidii ku soo baxdaa u tartami doonto doorashooyinka dambe , hadii la dedejiyo 13 Nov 2022 waxaa doorashada madaxweynaha gali kara sadexda Urur ee u gudba axsaab siyaasadeed , waana fursad muhiim ah .

 

Maanta dalka waxa ka jira laba xisbi oo magaca uun ku kala duwan oo qaabka ay u dhisan yihiin yahay mid beelo dabada ku haya oo qarankani halis galiyey doorashadii 2017 ee madaxweynaha iyo xisbi aan awood iyo taageero ka haysan dadweynaha oo sadexeeya.

 

???????????????????????????????? ???????? ???????????????????? ???????????????????? ???????????? ???????? ?

 

Ururada siyaasadu waa xaq iyo xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin dadka jamhuuriyada Somaliland furistooduna waa waajibaad dastuuri ah oo saaran hay'adaha qaranka ee ku shaqada leh.

 

Waajibaadka loo doortay madaxweynaha iyo goleyaasha ayey tahay in loogu adeego dadka jamhuuriyada Somaliland sida ugu haboon qayb walibana gudato waajibaad shaqo waxii kaga soo qayba hawlaha qaranka.

 

U ilaalinta u diyaarinta xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada somaliland waxa ay saaran tahay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo u dhaartay waxaana ay ka mid tahay waxii loo doortay ilaalinteeda , waa shaqo ka mid ah shaqooyinka aynu dirsanay madaxweynaha iyo xukuumadiisa.

 

???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????? ???????? ???????????????????????????????????? ???????????? ???????????????????? ???????????????????????? ????????????????????????????????

 

Hogaanka talada umada hayaa hadii uu ka fekerayo sidii uu inoogala mid dhigi lahaa dawladaha jaararkeena oo hal xisbi dalku u noqon lahaa, qaranka waxa ay ku tahay laf jab iyo masiibo hor leh oo ku soo habsatay waxii la soo waday soddon sanadood.

 

Damaca iyo doonista siyaasadeed ee hogaanka xisbiyada mucaaridka dalku hadii iyagana doonistooda ay is leeyihiin sharciga uga talaabsada una laala xuquuqo dastuuri ah oo dadku leeyihiin waa hungo iyo masiibo umadu gacmaheega ku keentay , una suuragali mayso.

 

Ururada siyaasada ee maanta la rabo waxa haboon in ay noqdaan qaar rabitaanka iyo doonista dadka jamhuuriyada Somaliland ku socda oo aan madalooti iyo maqaar saar aheyn si uu dalku uga badbaado masiibada aynu soo sheegnay.

 

Dallada urur doon iyo dadka jamhuuriyada Somaliland ee sadexdan ka biyodiidsani waa in ay aragtiyaha iyo afkaarta mideeyaan si loola tartami karo axsaab siyaasadeed oo dhisan , oo qaarkood labaatan jirsadeen.

 

U malayn maayo madalooti iyo maqaar saar siyaasadeed oo in lagaga adkaan karo ee maanta waxa la joogaa maalintii la iibin lahaa feker , aragti iyo barnaamij siyaasadeed oo dadka jamhuuriyada Somaliland ee aan haysan baahiyaha aasaasiga ah iyo dalkan aan la aqoonsan lagu gaadhsiin lahaa yoolashiisa.

 

Beesha caalamka ee garab taagan nidaamka dimuqaradiyadeed ee dalka jamhuuriyada Somaliland waan soo dhaweynayaa baaqa ay soo saareen hadii uu danteena yahay oo uu waafaqsan yahay dastuurka, shuruucda dalka iyo xeerarka doorashadana waa danteena hadii aanu waafaqsanayna sida sharciga dalku yahay ayaa lagu soconayaa.

 

Xukuumada waxa ku waajib ah in ay diyaariso dhamaan dhaqaalaha sadexda doorasho ee soo socda si aynu uga maarano in la inala yeesho talada doorashooyinkeena oo cidii kale wax ina taraysaa soo jeedin iyo guubaabo uun inoola garab taagnaato

 

Dadka jamhuuriyada Somaliland waxa aan leeyahay hal xisbina xal maaha sadexdanina awr baa wada dhalay oo waa isku xisbi e bal aad ha loo talo badsado waxa aynu joognaa meel Somaliland maanta hadii ay dib uga noqoto sida loo soo celiyaa adkaan doonto e.

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...