Qorshaha Siyaasadeed Ee Mustaqbalku Maan-tuujin Iyo Loo Fekero Ayuu Ubaahanyahay

0
Saturday February 05, 2022 - 13:56:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Qorshaha Siyaasadeed Ee Mustaqbalku Maan-tuujin Iyo Loo Fekero Ayuu Ubaahanyahay

    ( Wax walba waxa ka weyn in aad garanayso dalka iyo dadka aad hogaami is leedahay iyo waayahooga )

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

( Wax walba waxa ka weyn in aad garanayso dalka iyo dadka aad hogaami is leedahay iyo waayahooga )

Soomaalidii hore waxa ay ahaayeen dad xoolo dhaqato iyo reer guuraa u badan oo noloshooda u maareeya hadba sida ay duruufaha iyo wakhtigu yahay, dhulka ay ku nool yihiin iyo dabeecadana ula nool si la qabsi wanaagsan ah.

 

Waayadan dambe ee nolosha casriga ah iyo ilbaxnimada wadataa timid ayaa waxaa yimid in dadka soomaaliyeed yeeshaan beeralay iyo reer magaal wax bartay oo isku daya in ay la jaan qaadaan nolosha casriga ah ee aduunka iyo sida maanta la isku maamulo qaababka ugu haboon.

 

Nolosha cusub ee loo guuray iyo waxbarashada aan qarnigeedu buuxsamin ee soomaalidu may saldhigin , waxaana ugu wacan wakhti wanaagsan oo aan loo helin iyo hogaamin umadeed oo si dhab ah isugu miisaanta wacyiga dadku ku jiraan iyo aragtida cusub ee ay sidaan nidaamka cusubi oo aynaan helin.

 

Haddaba marka aynu eegno xaqiiqada iyo waayaha dhabta ah ee dalkeena waxaa kala tagsan ama aad u kala fog nidaamka siyaasadeed ee aynu qaadanay iyo halka dadkeenu taagan yihiin oo ay sababayaan arimahani ;

 

1- Soomaalida oo ah bulsho qabali ah una nool ama u degan hab beeleed .

 

2- Hogaamin wanaagsan oo halka ay joogaan kor uga qaada oo aanay helin.

 

3- Hal ku dhega ( political slogan ) kaliya ee la adeegsado oo ah inaga iyo iyaga , waa markeenu iyo hadaynu nahay ba sarmaan oo noqday ka kaliya ee aad loo adeegsaday ee dhaqan galay.

 

4- Tacab iyo tamar badan oo aynaan galin korinta iyo kobcinta hanaanka dimuqaradiyadeed ee dalka .

 

Haddaba marka aynu abuurayno wax wanaagsan oo umada wada anfaca ka fursan mayso in seeska laga soo bilaabo oo dadka loo tuso in ay labada isku xigaa wax wada yeelan karaan.

 

Soomaalideenu wax walba hore ayey hal ku dhig iyo maah-maah ugu adeegsatay , waxaana ka mid ah kuwa aan rabo in aan maanta u adeegsado qoraalkaygan oo ah ( laf ba laf ta ku xigta ayaa lagu kabaa ) iyo ( Oodi ab ka dhow ) .

 

Labaduba waxa ay tilmaamayaan dadka intii Alle meel kuwada beerayba in ay isku dan iyo isku duruuf yihiin , siyaasaduna maadaama ay tahay u adeegida iyo danaha dadka waxa ay ka bilaabmaysaa halkaasi.

 

Siyaasada waxaa ka qayb qaata habka dhaqan dhaqaale ee bulsho waliba u nooshahay oo sahasha is fahamka dadka kuwada nool deegaankaasi , tusaale ahaan deegaanada intii beeralay ahi gaar bay isugu sii duruuf iyo dan yihiin iskuna fahmi karaan , halka reer guuraaga iyo xoolo dhaqataduna is fahmi karaan.

 

Waxaa sidoo kale aad u kala duwan deegaanada dadku ku nool yihiin oo sal iyo sabab u noqonaya walaalnimada iyo wax wada lahaanshaha umadeed , ama xasiloonida bulsho meel wada degani ku sugan tahay.

 

Marka aynu rabno in aynu gole keeno qorshe siyaasadeed mustaqbalka dambe iyo ka hadda ah waa in aynu maanka ku haynaa waxaa aynu kor kaga soo hadalnay oo dhan si aynu u helno siyaasad mustaqbalka fog iyo dhowba leh oo sigib tiran oo hufan ( ideal political strategy for the long period and short period )

 

Isku soo wada xoori maanta siyaasada aynu rabno in aynu seeskeeda dhignaa waa in ay dhashaa midhaha wanaagsan ee boqolka sanadood ee soo socda dadkeenu guran doonaan .

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...