"Caawa Ciilka I Haya, Haddii Meel Jidhkayga La Saro Dhiig Iga Iman Maayo Xaqiiq".

0
Saturday February 05, 2022 - 09:32:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Caawa Ciilka I Haya, Haddii Meel Jidhkayga La Saro Dhiig Iga Iman Maayo Xaqiiq".

    W/Q Amaal Gelin oo kamida Hablaha reer Hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Amaal Gelin oo kamida Hablaha reer Hargaysa.

"Maalmo dhawayd wan yar xanuusanayay, kadib dhakhtarkan Mukhtaar ee ku yaal Sagaljet sii jeedkeeda, ban tagay, markii lay baadhay dawooyin baa lay soo qoray, ninkii qaybta pharmacy-ga joogay markii aan warqadii digtoorku ii soo qoray aan tusay, ayaa uu ku qiimeeyay lagac aad la yaabaysid qiimaheeda. (Horena waan u ogaa oo waa lay sii sheegay in dhakhtarkani daawooyinkiisu aad qaali u yihiin).



Daawooyinkii kamaan iibsan ee pharmacy-yada suuqaa qiimo saddex laab ka jaban kii hore ayaa layga siiyay, kadib xalay ayaa aan dhakhtarkii daawooyinkii kula noqday si layga hubiyo in daawooyinka warqadda  iigu qoran iyo kuwa layga iibiyay is leeyihiin. Inta badan farta dhakhaatiirtu qorto waad ogtihiin in ay adag tahay in cid kastaa akhriso, ana waxaan ugula noqonayay in layga hubiyo ileen qofka iga iibiyay si kale farta hadduu u akhriyo oo daawo kale iga iibiyo caafimaadkaygaa halis ku gali karee.


Markii aan dhakhtarkii tusay daawooyinkii layga soo iibiyay, wuxuun buu igu yidhi midhan uun baa sax ah ee saddexdan kale maaha kuwa meesha kuugu qoran, kadib ban ku idhi waayahee aan ka soo beddalo pharmacy-giiye, i tusi kuwa saxda ah ee warqadda iigu qoran eed adigu hayso ama sawir iiga qaad aan pharmacy-ga ku idhaahdo kuwaa iigu beddele, Ninkii cadho ka kacday in aanan isaga ka iibsan daawooyinka darteed, uun buu aayar i yidhi kuma tusi karo ee waxa aad ku tidhaahdaa ninkii kaa iibiyay, daawada warqada iigu qoran iga iigu beddal kuwani ma aha kuwii saxda ahaaye.


Anigii yaab❗️Ninka iga iibiyay awalba waxa warqadda ku qoran ayaa uu iga iibiyay oo sidii isagu u akhriyay ee uu u fahmay buu iiga iibiyee ileen kas iigama iibin daawo khaldane, kulamana murmi karo daawadani waa khalad oo ta meesha iigu qoran maaha , wax cadayn ah oon tusaana ma jirtee, daawada saxdaa adigu i tus. Ninkii diidmo badheedha ayuuba la soo taagan yahay, in aanan isaga ka iibsanin buu ka muraaradilaacay, wuxuu yidhi: kuma tusayo ee kii aad ka iibsatay lacagta ii celi ku dheh, markaas ban kaa iibini anigu.


Aniga: Farta dhakhtarku ma waxa uu sidan oo dhan ugu walaaqay si aan adiga mooyee cid kale u fahmin oo daawada idinka uun laydiinka iibsado? Tigidhkiina oo qaali ah ban goostay oo bilaash igumaydaan shaybaadhin, hadeerna kuma khasbani in aan isla idinka daawooyin qaali idinka siisto, meesha aan ka iibsanayo anigaa ikhtiyaar u leh, kaliya daawadan aad igu tidhi sax maaha, uun i tus midda saxda ah , si aan ugu soo beddasho, ama digtoorka ii fasax aan u galee isagaa xal samaye.


Kadib markaanu ninkii waxba isku fahmi waynay, ayaa aan iskaga soo baxay, iyada oo cadho jiq aan ahay, oo is leh warqadiisana tuur, daawooyinkisana midh ha isticmaalin ee dhakhtar kale tag, ayaa waxaan u imi inamadii pharmacy-ga een dawooyinka ka iibsaday, arintii oo dhan ban uga waramay, waxay ii soo celiyeen lacagtii, kadib bay igula taliyeen in aan isaga ku noqdo oon daawooyinka saxdaa aan ka soo iibsado, maadaama isagoo qudhii uu farta digtoorka fahmayo.


Xalay saa’id ban u cadhaysnaa oo kuma noqon ee caawa ayaan ku noqday, oo aan ka soo iibsaday intii dhinayd, kadib ban haddana soo maray innamadii pharmacy, oo aan tusay nooca daawooyinka uu iga soo iibiyay, qiimaha ay iigu sheegeen in ay iyagu siinayaan iyo qiimaha layga soo siiyay shaqo iskuma laha, waa saddex laab inta ay suuqa kalee caadigaa ku yaalaan ????innamadii way i aamini waayeen, waligayo qiimahaa intaas leeg daawo maanu siin oo intaas oo lacag ma saaranoba.


Walaahi waa dhiig miirato sidani, waana xaaraan oo waxaas oo lacag ah lama dulsaarto shayga aad iibinayso. Midda kale anigu waan awoodaa oo waan iibsan karaabee, dad waxa jira dan yar ah oo lacagta ay tigidhka ku goosteen dirqi ku ahayd, haddana haddii lagu qasbo in daawooyinkii isaga uun ka iibsadaan oo qaaligaas laga siinayo waa ayaan daro, oo qofkii ikhtiyaarkii baa laga qaadayaa uu isagu doorashada lahaa meesha uu wax ka iibsanayo, farta digtoorka oo aan cid akhriyi karin inankaa pharmacy-ga iibinaya mooyee.


Ilaahay waxa uu yidhi Isku naxariista aan idiin naxariistee, waa wax laga xumaado in caafimaadkii bulshadu noqdo wax loo soo ganacsi tago, nin kasta oo wax yar dalka dibadiisa ku soo bartaaba inta uu meel yar furto, oo halkii uu aqoontiisa uga faa’iidayn lahaa ummadiisa, uu rabo in uu ka shaaaysto oo meesha naxariistii ka baxdo ????"


Fadlan SHARE garee si fariintani dhakhtarkaas u gaadho. Mahadsanid.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...