Wareegto Wasiir Ma Bedelli Kartaa Dastuurka Dalka?

0
Thursday February 03, 2022 - 20:18:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wareegto Wasiir Ma Bedelli Kartaa Dastuurka Dalka?

    "Shacabku inay daawadaan iyada oo mudanayaashii la doortay debedda loo tuuray waa qalad"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shacabku inay daawadaan iyada oo mudanayaashii la doortay debedda loo tuuray waa qalad"

Madaxwaynaha waxa aan u soo jeedinayaa inuu maayarro soo magacaabo, golayaashana kala diro. Waayo? Haddii mudanayaashii la doortay wareegto wasiir loogu diiday inay shaqeeyaan, marka hore wixii hawl ahaa ee doorasho ahaa maxaa loo galay? Haddii ay dastuurka iyo xeerarka dalka ku qoran yihiin - si la mid ah madaxwaynaha - xaggee ayay xukuumadda dhexe ka keentay awoodda ay ku qaadatay awooddii dastuuriga ahayd ee sharciga ahayd ee golayaasha la doortay lahaayeen? Haddii xukuumaddu awood sharci darro iyo dastuur jebin ah u adeegsatay mudanayaal la doortay, saw uun xaalku ma aha xoog sheegasho?



Haddii ay bil kasta maayar cusub dooranayaan waa awood dasturuka iyo xeerarku siiyeen oo aan u oollin xukuumadda dhexe. Cabudhinta loo gaystay mudanayaasha deeganada dalku waa dagaal lagu qaaday awoodda shacabku u leeyahay inay doortaan cidda u maamulaysa magaalooyinka. Dastuurka iyo xeerarka dalka laguma bedelli karo rabitaanka iyo waxa ay la tahay siyaasiyiinta. Haddi sida xeerku u qoran yahay ay xukuumaddu salluugsan tahay, waa inay wax ka bedel xeer u soo jeediso si dastuurka waafaqsan, balse waraaq wasiir qoray dastuur iyo xeer ma bedelli karaan.


Shacabku inay daawadaan iyada oo mudanayaashii la doortay debedda loo tuuray waa qalad. Mudanayaashuna inay baryootamaan iyaga oo leh awood oo shacab ka danbeeyo waa gef. Xaq ayaad u leedihiin inaad mudaharaadyo salmi ah ka samaysaan magaalooyinka oo dhan oo aad wadaan ilaa inta dastuurka lagu soo noqonayo. Haddii kale dhamaantiin is casila.


Waxa aynu dhowaan aragnay gole deegaan oo loo diiday xitaa inay ansixiyaan miisaaniyaddii deegaankooda.

Sidee ayay caqli ku tahay dad la doortay in albaabka laga xidho oo debedda loo tuuro.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...