Garsoore Xasan Mataan & Laba Kiis Oo Aan Uga Soo Joogay.

0
Thursday February 03, 2022 - 19:42:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garsoore Xasan Mataan & Laba Kiis Oo Aan Uga Soo Joogay.

    W/Q: Xamse Cabdiraxmaan Khayre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Xamse Cabdiraxmaan Khayre

Garsoore Xasan Mataan beri dhawayd oo maxkamadda aan galay ayaa dad badani igu yidhaahdeen ninkaasi waa Garsoorayaasha Xukuumadda ee dur oo cid kale ha lagu qoro kiiskaaga. Waxaan ku idhi waar "Ha iga durina" , mid kale oo aan lagu ogayn xukuumada oo aniga iga bilaaba waxaa ii dhaama ninkan odayga ah ee lagu og yahay xukuumada madaama kiiskayguna siyaasi yahay.



Aqoon hore uma lahayn Xasan Mataan. Markii fadhigii koowaad ee dhagaysiga uu qabtay, waxaan arkay sida uu u daadihiyay dhagaysigu uu aad uga duwan yahay sidii Garsoorayaal kale oo kiisas siyaasi dhagaystay oo ka dhan ahaa Xisbiga Waddani. Haddana taasi ima shaki saarin oo waxaan is idhi wuu ka xariifsanaan karaaye bal go'aanka sug. Muddo kadib, kiiskaygii oo baadil ahaa wuxuu ka soo saaray xukun cadaalad ah.


Nimankii igu lahaa Garsoorahaasi waa Xukuumi mid ka mid ah ayaan albaabka maxkamada ku kulanay maalintii aan xukunka soo qaatay oo aan ku idhi meeshii cadaalad baa ka dhacdee, Xasan ka saar liiskii aad ku dartay. Liiskaasi wuxuu ahaa, isagaa maalintaa hore igu yidhi "Waa saddex nooc garsoorayaasha maxkamaddu. Qaar waa Garsoorayaasha Ilaahay, qaarna waa Garsoorayaasha Aadan, qaarna waa kuwa Xukuumadda".


Halkaa kuma ekaane, waxaan is tusay  in isagoo waajib uu leeyahay qabsaday aan haddana idaacada uga mahadnaqo iyadoo ujeedkaygu ahaa inay xil i saaran tahay in warkii la iiga sheegayay aan ku buriyo wixii aan ka arkay. Markaa kiiskayga inuu cadaalad u qaaday kuna mahadsan yahay baan warbaahinta ka sheegay. Dhan kalena, waxaan u arkayay in Garsoorkeena oo aanay dadku ku qabin kalsoonib badan sababo dhab ah oo jira awgeed, in kiis kiiska cadaalad u dhaca la wayneeyo si taasi ay bal in uun garsoorayaasha cadliga ka shaqeeya ugu noqoto shidaal iyo tamar ay ugu dhabar adaygaan duruufaha adag ee ku xeeran.


Waxaan ku faraxsan nahay in saaka go'aanka uu ka soo saaray Cabdimaalik Muuse Coldoon uu yahay mar kale mid cadaalad ku dhisan oo maxkamadu amartay in faraha laga qaado ninkaa loona celiyo xoriyadiisii.


Allaa Mahad leh,

Xamse Cabdiraxmaan Khayre

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...