Kulan Si Qarsoodi Ah Hargeysa Ugu Dhex Maray Guddiyo Siyaasadeed Oo Ka Soo Jeeda Beelaha Arab Iyo Habar Awal

0
Thursday February 03, 2022 - 15:22:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Kulan Si Qarsoodi Ah Hargeysa Ugu Dhex Maray Guddiyo Siyaasadeed Oo Ka Soo Jeeda Beelaha Arab Iyo Habar Awal

    "Xubnaha kulamadan isugu yimid ee labada dhinac ayaa dhammaa illaa kontomeeye qof waxaana loo ballamay kulamo dambe"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xubnaha kulamadan isugu yimid ee labada dhinac ayaa dhammaa illaa kontomeeye qof waxaana loo ballamay kulamo dambe"

Hargeysa, (HWN)- Kulan siyaasadeed gaar ah oo muddoba si hoose loo abaabulayay ugana socday Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa qabsoomay fadhigiisii labaad kaasi oo ay isugu yimaaddeen guddiyo siyaasadeed, kanasoo kala jeeda Beelaha Arab iyo Habar Awal iyada oo aan si rasmi ah loo shaacin wali ujeedada uu kulankaasi daarran yahay iyo danaha ay labada dhinac ka wada hadleen.



Ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo aanu kulankii ugu dambeeyey oo toddobaadkan ka qabsoomay Huteel Grand Haddi ee caasimadda Hargeysa ka helnay waxa ay tibaaxayaan in kulankaasi oo ahaa kii labaad uu daba scoday kulan hore oo isla kan oo kale ah kaasi oo ay isugu yimaaddeen guddiyo farsamo oo siyaasadeed kuwaasi oo labada deegaan ku kala abtirsanayay, gar ahaantoodana isku abaabulay, iyada oo xogahani noo xaqiijiyeen in marka hore gogosha iyo casuumadda kulamadan ay lahaayeen dhinaca Guddida siyaasadeed ee Beesha Arab.


Xogta uu wargeyska Foore kulamadan aadka loo qariyey ka helay waxa ay intaasi ku darayaan in ujeedada kulamadani ahaayeen sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen doorashooyinka soo socda loona abuuri lahaa is-gaashaanbuuraysi siyaasi ah oo ay ka wada duulaan marxaladda cusub ee siyaasiga ah ee dalku galayo iyada oo xubnahan iyo mus-dambeedkooduba u janjeedhaan dhinaca xukuumadda.


Guddida Siyaasiyiinta iyo wax-garadka ah ee Beesha Arab ee kulamadan ka dhex muuqda ayay xogta shirarkani noo xaqiijisay in ay si weyn u badhi taarayaan, lana socdaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud kaasi oo ay doonayaan in dhinaca kale ee dhiggooda ahi taageero kula barbar joogsadaan Wasiirka si ay ugu dambayna u gaadhaan himilo ay ku dhisaan xisbi siyaasadeed weyn oo saamayn leh ayna ugula shuraakoobi lahaayeen dhinaca kale si ay dadaal weyn ugu galaan in kaltanka madaxnimo ee dambe ay u helaan madal ay talada dalka ugu hanqal taagaan.


Xogahan wargeyska Foore ka helay kulamadan oo aad looga ilaaliyay warbaahinta ayaa tibaaxaya in guddida siyaasiyiinta iyo wax-garadka ah ee Beesha Arab oo sida aan soo sheegnay u janjeedha dhinaca xukuumadda ay doonayaan in ay beeshooda kaga dhaadhiciyaan in ay taageero weyn isla garab taagaan xukuumadda taa baddalkeedana ay saami weyn ku yeeshaan xukuumadda, xisbiga iyo haddiiba ay marka dambe dhacdo in ay xisbi ku wada shuraakoobaan. 


Xubnaha kulamadan isugu yimid ee labada dhinac ayaa dhammaa illaa kontomeeye qof waxaana loo ballamay kulamo dambe iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa iskaashi labadan dhinac ku dhex mara xaaladda siyaasadeed ee bilaha soo socda, illaa imikana lama oga saamaynta ay arrintani ku yeelan doonto deegaanka garabka casuumaddan fidiyey maadaama ay dalka ku soo fool leeyihiin xaalado siyaasadeed oo cakiran kadib khilaafka ka taagan ururrada siyaasadeed ee xukuumaddu ku dhawaaqday in ay furan yihiin iyo walaaca laga qabo in ay taasi keento dib u dhac ku yimaadda doorashada Madaxtooyada Somaliland oo ku beegan dabayaaqada sannadkan aynu ku jirno ee 2022-ka.

Loading...
Loading...