Ilduufka Siyaasadeed ee Maxamuud Xaashi!

0
Thursday February 03, 2022 - 08:58:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ilduufka Siyaasadeed ee Maxamuud Xaashi!

    "Markii ay KULMIYE isqabteen waxa uu shir jaraa'id ku cambaareeyey M.Biixi"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Markii ay KULMIYE isqabteen waxa uu shir jaraa'id ku cambaareeyey M.Biixi"

Maxamuud Xaashi Cabdi, siyaasi ahaan waa nin miisaan leh oo in muddo ahna ku soo jiray siyaasadsa haseyeeshee wakhtiyadan dambe waxa uu astaan u noqdo ilduuf siyaasadeed oo joogto ah.

Sannadkii u dambeeyey inta ilduuf ee uu sameeyey bal ila eeg, dabadeena qiimee adigu in loogu yeedhi karo jookarka siyaasadsa Somaliland:

 

   1. Markii ay KULMIYE isqabteen waxa uu shir jaraa’id ku cambaareeyey M.Biixi isagoo aan isku dayin inuu tabashadiisa hannaan shakhsi ah iyo mid beelaysan toona ugu gudbiyo Biixi.

 

2.    Kadib markii uu shirweynahii KULMIYE qabsoomay, ee isagiina aan wax dan ah laga gelin waxa uu qaatay dagaal aanu ka fiirsan halka uu saldhigan doono iyo saamaynta uu ku yeelan doono hankiisa, waxaana uu doorashadii wakiillada iyo deegaanka uu aad ula dagaallamay xukuumadda iyo xisbigii KULMIYE ee uu ka tirsanaa, inkasta oo uu islahaa saamayntaada muuji haddana taasi waxba kama bedelin go’aankii Muuse Biixi.

 

3.   Xisbiga WADDANI ayuu la furay wadahadal degdeg badan ka muuqdo, waxaana uu markiiba codsaday inuu ka mid noqdo hogaanka xisbiga, arrintaas dadka siyaasadsa falanqeeyaa aad bay ula yaabeen, waayo cid walba ayaa arkaysay inaanay macquul ahayn.

 

 4.   Maxamuud Xaashi waxa uu had iyo jeer la xintamaa siyaasiyiinta ay isku deegaanka yihiin, taasoo inay isaga wax yeesho mooyee aan iyaga wax ba yeelin, tusaale Wakhtigii Muuse Musharaxa ahaa waxa jirtay xilli odayaal deegaanka bariga Burco ahi Muuse iyo Siilaanyo ba kala hadleen una soo bandhigeen in Maxamed Kaahin lagu wareejiyo Guddoonka Kulmiye Muuse na uu arrintaas ogolaaday, ka dib waxa ogaaday Maxamuud oo intuu Muuse u tegay ku yidhi wax ba ha wareejine isku hayso labada ba (Guddoomiyaha iyo Musharaxa) markaad soo baxdo ayaynu ka heshiine. Sidaas si la mid ah ayuu Intii wadahadalka lagu jiray waxa jiray xamxamta in Xirsi noqon doono guddoomiyaha xisbiga WADDANI, si uu taas u baajiyo waxa uu Maxamuud Cabdiraxmaan Cirro ka codsaday inuu arrinkaas ka noqdo, oo aanu Xirsi guddoomiye ka dhigin si iyagoo siman xisbiga u wada joogaan, arrintaas lafteeda Murashax Cirro aad buu ula yaabay, isagoo u sheegay inaanay labada xaajo isku xidhnayn!

 

 5.   Markii KULMIYE si rasmi ah looga caydhiyey markiiba wuu aflagaadeeyey isagoo ku sifeeyey degel qaniin iyo kudkude fadhiyo, islamarkaana aanu wax rajo ahba ka qabin.

 

6.    Wadahadalkii uu WADDANI kula jiray ayuu hakiyey isagoo meel dhexe istaagay

 

7.    Iminka iyo haatan waxa uu wadahadal kale la furay xisbiga Kulmiye, gaar ahaan Maxamed Kaahin, kulankaas oo boqolkiiba boqol la saadaalin karo natiijadiisa, taasoo ku dhamaanaysa inuu mar labaad Biixi dhiso, isaguna uu helo ballanqaad kale oo kii hore la mid ah.

 

Intaas waxa dheer taageeryaashiisa uu maalinba jabad aanu ka fiirsan u rarayo, KULMIYE, UCID, WADDANI, haddana KULMIYE haddana waxa la saadaalin karaa mar kale oo WADDANI ah marka uu wadahadalka Biixi ku soo hungoobo!

 

Markaa adigu qiimee oo ma loogu yeedhi karaa magacayada badan ee wakhtigan Facebook-ga dhex yaaca, sida Jookarka, qaabeeyaha siyaasadda iyo Mulkiilaha siyaasadda? Waa su’aal guud!


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...