"Milyan Iyo Lix Boqol Oo Qof In Ay Hargeysa Ku Biyo La'aadan Waa Arrin Xilkasnimo La'aan Ah"

0
Wednesday February 02, 2022 - 19:00:44 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Milyan Iyo Lix Boqol Oo Qof In Ay Hargeysa Ku Biyo La'aadan Waa Arrin Xilkasnimo La'aan Ah"

    Milyan iyo lix boqol oo qof in ay magaalada Hargeysa ku biyo la'aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milyan iyo lix boqol oo qof in ay magaalada Hargeysa ku biyo la'aadan


Xildhibaan Amxed Cabdi Ibraahim, ahna mudane golaha wakiillada Somaliland ka tirsan, ayaa sheegay in in Somaliland adduunka oo dhan ka doonayso aqoonsi calami ah, balse garoonkii diyaaradaha ee magaalada Hargeysa biyaha ay Dameero u dhaamiyaan.



Sidoo kale waxa uu xusay marka uu maqlo booyadii biyaha ayaa jabtay uu naxo, isaga oo ku sababeeyay in uu degan yahay meel aan wax biyo ah lahayn.


Xildhibaan Tima’jilic isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi."Waa dan Qaran, waa dan umaddeed, waa dan bulsho, waa wax aynu u baahanahay, waa wax ilmaheenu u baahan yahay, waa wax hooyadeen u baahan tahay, waa wax masaajidadu u baahan yihiin, oo maanta booyadii la cararayso biyihii aynu u baahneyn.


Dunida oo dhan ayaynu soo jiidaneyna oo Citiraaf ka doonaynaa haddana garoonkeena diyaaradaha Dameero ayaa u dhaamiya, garoonka oo wajigii umada ah iyo wajigii Qaranka, dameero ayaa u dhaamiya xataa biyuhu ma gaadhaan.


Bajadka miisaaniyada ee biyaha loogu tallo galay 30% hala galiyo arrimaha biyaha, haddii la doono hadhaw hala qaybiyo ee magaalada biyaha hala soo gaadhsiiyo.


Milyan iyo lix boqol oo qof in ay magaalada Hargeysa ku biyo la’aadan waa arrin xilkasnimo la’aan ah, cidda Axmed Dhagax degani u haysato in cidda degan Sheeduhu biyo ka dharagtay.


Booyadu ayaan anigu naxa oo aan idhaaha booyadii miyay jabtay, marka magaaladu waa isku mid ee anigu waliba Sheehadaha agtooda ayaan gala”


Haddalkan xildhibaanka ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Hargeysa ay biyo la'dahay muddo ku dhaw 20 sano.
Loading...
Loading...