DAL JIRKII LA DULMI YEY

0
Wednesday February 02, 2022 - 12:31:57 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAL JIRKII LA DULMI YEY

    Qofka intaas oo wanaag ah bulshada u qabtay waxaa loogu abaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofka intaas oo wanaag ah bulshada u qabtay waxaa loogu abaal




Abdilmalik Musa Coldoon waa weriye Sama-fale ah, kaasoo codkiisa ku caawin jiray dadka dan-yarta ah, wuxuu dhaqaale u uruurin jiray dad la daalaa-dhacaya dhibaatooyinka nolosha iyo kuwo xanuun-san, Qaar nolosha ka quustay ayuu noloshooda wax badan ka badalay , qaar dhimirka la'aa oo silsilado ku xidhan ayuu guryo u dhisay, qaar la dulmiyey oo xabsiyo ku xidhan ayuu codkooda caalamka gaarsiiyey.



Qofka intaas oo wanaag ah bulshada u qabtay waxaa loogu abaal guday xabsi joogto ah, iyo eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn!


Cabdi maalik Muuse waxaa la xidhay tiro Shan jeer ah:

1- 18 janayo 2016


Sababta lagu xidhay waxaa la sheegaa inay ahayd wareysi uu ka qaaday nin Oromo ah oo ay dowladdu ku eedeeysay inuu gabadh yar qashay, Arintaa ayuu baaray wuxuu la kulmay qoyskii gabdha laga qashay iyo markhaatiyo kale, xiligaa waxaa burco iyo magaalooyinka kale ee somaliland aad u buux dhaafiyey Dad oromo ah oo ka soo cararay dhibaatooyinkii ay Tigreega iyo amxaaradu ku hayeen, waxayna dowladda Itoobiya ku cadaadineysay Somalilandin been abuuro la sameeyo si dib loogu soo celiyo Oromada baxsadka ah, Cabdi maalik waxaa dib loo sii daayey 26 janaayo 2016 wuxuuna xirnaa muddo( 8 beri )ah


2- 15 february 2017

Eedeymaha la sheegay in loo Cuskaday xadhigiisa waxay ahaayeen inuu taageeray Maxamed cabdulaahi farmaajo, iyo inuu magaalada muqdisho tagay , waxaa dib loo sii daayey 25 may 2017 wuxuuna xidhnaa muddo ( 100 maalmood) ah


3- 18 janayo 2019

Sababta loo xidhayna waxay ahayd Coldoon oo ku guda jiray xog uruurin ku saabsan xasuuqii ay ciidamada Liyu polis iyo amxaaradu ka geysteen degmada gaashaamo. Waxaa xabsiga laga sii daayey 21 janaayo 2019 wuxuu xidhnaa muddo (3 maalmood) ah.


4- 18 april 2019- (414)

Eedaymaha lagu xidhay waxaa lagu sheegay inuu ku xad-gudbay jiritaanka Somaliland , iyo inuu sheegay inDugsiga Abaarso lagu dhigo casharo ashax xumo ah. Waxaa la sii daayey 6 juun 2020 wuxuu xidhnaa muddo (414maalmood) ah.


5- 19 agoosto 2021 ilaa hadda (164 )

Sababta loo xidhayna waxay aheyd isagoo saacado kahor xadhigiisa soo bandhigay in haweeneyda lagu magacaabo (pastor joy Isa) oo ah guddoomiyaha jaamacadda barwaaqo ee Ku taalla hargeysa ay tahay baadariyad faafisa diinta kirishtanka, muddada uu xidhan yahay ilaa hadda waa (164 maalmood) ah.


Guud ahaan Muddada uu Coldoon noloshiisa xabsi ku qaatay waa (689 Maalmood) waxay u dhigantaa wax ku dhow labo sano oo xabsi ah.


Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan ugana qeyb-qaataan caddaalad u raadinta Samafale Coldoon.


W/Q: Mustaf Awil Hassan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...