Nin Taajir ah ayaa guursaday 4xaas , waxa uu ugu jeclaa xaaska afaraad

0
Wednesday February 02, 2022 - 12:26:18 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Taajir ah ayaa guursaday 4xaas , waxa uu ugu jeclaa xaaska afaraad

    Maalin maalmaha ka mid ah ayuu xanuunsaday xaaladdiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu xanuunsaday xaaladdiisa

Xaaska Seddexaad iyana wuu jeclaa laakin waxa uu ka dhigtay mid uu ku labbisto ugu faano saaxiibadiis, aad ayuu u ilaalin jiray waxa uu ka baqi jiray in ay ninkale ka raacdo


Xaaska labaad waxa ay u ahayd mid ixtiraam iyo kal gacayl u heyso, isagana waxa uu ahaa mid kula soo laabta mashaakilka soo wajaha oo wuu ka tala qaadan jiray



Xaaska koowaad oo shiddo, halgan nolosha macaan iyo qaraar la soo qaadatay runtii uma rooneen oo wuu dayacay .


Maalin maalmaha ka mid ah ayuu xanuunsaday xaaladdiisa ayaa adkaatay, waxa uu u yeeray xaaska afaraad oo uu ku yiri xaaskaygaay waad ogtahay in aan ku jeclahay aadna kuu dhaqaaleyn jiray maanta gogosha ayaan saaranahay waxaan kaa rabaa in aad ila dhimmato.


Waxa ay ugu jawaabtay maanta maaha maalintii la isla dhimmanayay garabkaaga allaha galo.

Xaaskii seddexaad ayuu sidoo kale ku yiri?


Waxa ay ugu jawaabtay , gacaliye adduun iyo aakhiro ayaan u kala jiheysannay aniga gadaashaa ninkale ayaan guursan doonaa ee allaha kuu sakhiro


Xaaskii labaad ayuu wareegga ku yimid sidoo kale dalabkii la mid ah ayuu u bandhiggay?


Waxa ay ugu jawaabtay noshaan aadbay u macaantahay mana laga tagi karo ee garabkaaga allaha galo , waxa ay u raacisay laakin waxaan naxariis kugu samaynaa in aan ka mid noqdo dadka Qabriga ku geynayo.


Isaga oo niyad jabsan ayuu mar qura maqlay cod dheer oo ku dhahaya in kasta oo aad i dayacday haddana anigaan kaa harayn halka aad doonto ku wajehnow, waxaan ahaan doonaa mid shar iyo khayr kula wadaagta.

Taajirkii oo argagax ka muuqda ayaa Sare eegay saa waa xaaskiisii koowaad , waxa uu ku shallaayay haddii aan wanaajin lahaa xaaskeyga koowaad soo maanta kuma fakadeen?


Aqriste kawarran haddii aan ku dhoho dhammaanteen waxaa nahay afar xaaslayaal ? Sidee ku nahay?

Xaaska afaraad waa jismiga aadanaha oo aan ugu dadaalno Labiska, qubeyska, Cream ka Marka aan dhimmanno waxa ugu horreeyo ee aan weyno waa jirkaasi aan ku dadaalnay


Xaaska seddexaad waa hantida inta aanoolnahay dadka kale ayaan ka ilaalinaa, laakin geerideenna ka dib iyaga ayaa qaata


Xaaska labaad waa Ehelka iyo qaraabada oo meesha ugu wanaagsan ay ku gayn karaan ay tahay qabriga

Xaaska koowaad waa ruuxda iyo camalka oo aan dayacno. Haddaba aan wanaajinno xiriirka aan alle la leennahay


" Ugu ????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????Khaatumada ????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????"


Abdullahi Mohamed Mohamud

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...