Dagaal Beeleed Lagu Hoobtay oo ka Dhacay Deegaanka haraale.

0
Wednesday February 02, 2022 - 08:54:13 in News by
  • Visits: 2329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Beeleed Lagu Hoobtay oo ka Dhacay Deegaanka haraale.

    Dadka degaanka Haraale ayaa waxaa ay sheegeen in ay dareemayaan saaka cabsi xoogan oo ku aadan in markale dushooda lagu dagaalamo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka degaanka Haraale ayaa waxaa ay sheegeen in ay dareemayaan saaka cabsi xoogan oo ku aadan in markale dushooda lagu dagaalamo

In kastoo saaka ay degan tahay xaaladda degaanka Haraale oo hoostaga degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud oo muddo laba maalin ah uu dagaal ka dhacay ayaa hadana waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka.


 

Dagaalka oo u dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed oo Xoolo dhaqato ah ayaa salka ku haaya isku qabsi dhul daaqsimeed kuyaalla degaanka, waxaana khasaaraha dhimashada uu gaaray 27 Ruux halka 30 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la kala geeyay degmooyinka Balanballe iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud.



 

Dadka degaanka Haraale ayaa waxaa ay sheegeen in ay dareemayaan saaka cabsi xoogan oo ku aadan in markale dushooda lagu dagaalamo maadaama dhinacyadii dagaalamay ay weli ishor-fadhiyaan.


 

Madaxda Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin dagaalka ka socda degaanka Haraale oo hoostaga degmada Balanballe, waxaana sidoo kale jirin waan waan laga dhex bilaabay maleeshiyaadka dagaalamay.

Loading...
Loading...