Ciidamo Badan oo lagu Soo Daadiyay Wadooyinka Muqadisho...

0
Wednesday February 02, 2022 - 08:49:57 in News by
  • Visits: 1335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Badan oo lagu Soo Daadiyay Wadooyinka Muqadisho...

    Dadka Ku dhaqan Muqdisho ayaa Qaarkood saaka kusoo waabariistay Xirnaanshaha Qaar ka mid ah Wadooyinka Caasimada....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka Ku dhaqan Muqdisho ayaa Qaarkood saaka kusoo waabariistay Xirnaanshaha Qaar ka mid ah Wadooyinka Caasimada....

Ciidamada Booliska Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka xiray Waddooyinka qaar ee muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho .


 

Goobaha la xiray ayaa waxaa kamid ah laga soo bilaabo Isgoyska Jubba ilaa Isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xamar-Jajab, laamiga Buundada Koowaad ilaa Ceelgaabta, waxaana Ciidamada ay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan u diidayaan inay isticmaalaan waddooyinkaas.



 

Sababta xeritaanka waddooyinkaas ayaa waxaa lagu sheegay in Maanta Xarunta Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Iskuul Bulusiya lagu qabanayo doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.


 

Ciidamada Booliska ayaa caada ka dhigtay inay xiraan waddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho markii doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka la qabanayo iyo markii Madaxda ay ka dhoofayaan dalka.

Loading...
Loading...