Ra'iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Dhaxal sugaha Imaaraadka.

0
Wednesday February 02, 2022 - 08:43:14 in News by
  • Visits: 814
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Dhaxal sugaha Imaaraadka.

    Kulanka Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Sheikh Zaayid ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Sheikh Zaayid ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulan la yeeshay Dhaxal sugaha Abu Dhabi ahna Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ee Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zaayid Ala Nahyaan.


Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheikh Zaayid ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay Sheikh Maxamed Bin Zaayid iyo Shacabka Imaaraadka Carabta soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa iyo sidoo kale doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaareen Shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Dhaxalsugaha Abu Dhabi Sheikh Maxamed Bin Zayid ayaa dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay mowqifkii Xukuumadda Soomaaliya ay ku cambaareysay weerarradii argagixiso ee maleeshiyaadka Xuutiyiintu la beegsadeen goobo ku yaalla Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Dhaxal sugaha Abu Dhabi Sheikh Maxamed Bin Zayid, ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya guud ahaan gobolka iyo xiriirka labad dal.

Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta, waxaa Ra’iisul Wasaaraha kala qeyb galay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Abuukar Xaaji.









Loading...
Loading...