Waddani Oo Soo Bandhigay Mashaariic Hay'adduhu Ku Caawiyaan Somaliland Oo Lagu Daray Waxqabadka Dawlada

0
Tuesday February 01, 2022 - 21:19:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddani Oo Soo Bandhigay Mashaariic Hay'adduhu Ku Caawiyaan Somaliland Oo Lagu Daray Waxqabadka Dawlada

    "Buufinta Ayaxa Xukuumaddu wax qabakda ku darsatay waxa ka caawisay Somaliland, Somalia iyo Putland.."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Buufinta Ayaxa Xukuumaddu wax qabakda ku darsatay waxa ka caawisay Somaliland, Somalia iyo Putland.."

Hargaysa (HWN) Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga WADDANI  Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa sheegay in xukuumada Muuse Biixi Waxqabadkeeda ku darsatay Buufinta ayaxa oo uu sheegay inay Somaliland ka caawisay Haya’ada FAO.



Xoghaye Saddiiq ayaa intaasi raaciyay in lacagta loogu talagalay shaqaalaha ka shaqeeya buufinta Ayaxu ay qaataan lacag ka yar lacagtii hay’adu ugu talo gashay, waxaanu sidaasi ku sheegay Xoghayuhu qoraal uu baahiyay oo idhigan sidan:-

 

Mashruuca Ayaxa waxa innaga caawisa (FAO) waxa ka shaqeeya 16 gaadhi oo caawimo ah iyo 32 shaqaale ah, qofkii wuxuu qaataa 900$ mar kastoo hawlgal la sameeyo, FAO waxay ugu talo gashay shaqaalaha qof kasta 2000$ waxaana dhexda ku luma 1100$ waana lacagta Wasiirkii hore hantidhawrku baadhistiisa ku jiro ee aan weli la caddayn, diyaaradaha waxa Somaliland ka shaqeeya 5 diyaaradood, 2 Putland ayaa laga soo wareejiyay amni ahaan 1 kalena Guriceel amni ahaan looga soo wareejiyay, 2 diyaradoodba maalin ayay duulaan oo deegaan ahaan ma dhaafaan Burco, waxa ka shaqeey duulimaadkii 2 qof oo sunta qoosha 2 duuliye, waxay qaataan duulimaadkii 900$.


Buufinta Ayaxa Xukuumaddu wax qabakda ku darsatay waxa ka caawisay Somaliland, Somalia iyo Putland Ha’ayadda qaramada midoobay ee (FAO) ha'ayadda caalamiga ah ayaa innaga caawisay shaqaalaha, qarashka gaadiidka iyo sunta lagu buufiyay Ayaxa Xukuumaddu maxay ku darsatay? wax qabadku miyaanu ahayn mashaaricda laga maalgeliyo cashuurta? ma wax ah waxqabad caawimada Haayaduhu inoogu deeqaan !  Caawimadda talaalka COVID-19 isna ku dara waxqabadka oo ka dhiga mashruuc ay maalgelisay Xukuumaddu.

Raamsiga Mashaaricda Leexsan (RML)


Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga WADDANI md Maxamed Sidiiq Dhamme

Loading...
Loading...