Arrinka Muuqaal-Duube Cabdiwaasac Maxamed Jaamac Mr. Khaam, Waxa Uu Daliil Cad U Yahay Doonista Shacabka.

0
Monday January 31, 2022 - 10:46:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arrinka Muuqaal-Duube Cabdiwaasac Maxamed Jaamac Mr. Khaam, Waxa Uu Daliil Cad U Yahay Doonista Shacabka.

    Waxaa Qoray xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Qoray xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun

Horre waxa ay dunida iyo dawladdaba dadku ugu direen farriin lama filaan ah doorashaddii dhawaan dalka ka dhacday, waxaanay fartooda ku doorteen codki ugu cusla taariikhda doorashooyinka dalka aniga iyo Maayir Mooge  : maantana waxa ay mar labaad direen farriin muujinaysa miisaanka doonista shacabku in aanu musqaro aheyn.



Tallaabadani waxa ay si gaar ah ii tustay cashar cajiibtiisa iyo cibaaraddiisa wata oo laga qaadan karo darsi weyn oo doonista Shacabka ah.


Waxa ay dhanka kale inna wada tusaysa biseylka bulsheed ee dadkeenna ka muuqda iyo fahamka ballaadhan ee ay ka haystaan illaalinta xaqooda iyo xuquuqahooda dastuurka dalka u dammaanad qaaday, iyaga oo ku soo dhacsanaya Qowl iyo Qoraal, qas iyo qorina ka dheer! Dhacdooyinkan in si yar la iskaga dhaafo ma mudna ee in la weeleeyo oo doodo iyo fallanqayno waaweyn laga sameeyo ayey mudanyihiin, si Siyaasiga awooda dawladda si khaldan u isticmaalaya u dareemo in doonis shacabku diyaar tahay oo kadinta la soo dhaafin karo, Wasiir ha ahaado ama xil kaleba ha hayee, si gaar ahna waxa aan ugu dhiiri galinaya Garyaqaan Guuleed Dafac in uu weeleeyo oo war ka reebo dhacdooyinka ugubka ku ah hannaanka dimuquraadiyadeed ee Taariikhdeenna. Si siyaasiga daneystaha ahi u dhugto dhegana ugu yeesho dhacdooyinka maalinlaha ah ee danta u ah nidaamkeena dawladdeed.


Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland gaar ahaan weriyayaasha awooda ku leh baraha bulshadu waxa ay qaateen kaalin ama door shariif ah oo aan indhaha laga qarsan karin  oo xaq u dirirnimo iyo u adeeg bulsho ah. Runtiina waxa ay muujiyeen awoodooda saxaafaddeed iyo saameynta ay ku leeyihiin bulshada, waxa aan dhammaantood leeyahay Hambalyo sida aad bulshada ugu baraarujineysaan xaqa, ula dagaalameysaa dulmiga uguna cadeynayaaan caddaalada uguna ilaalineysa dalkiina iyo dadkiina.


Ugu dambeyntiina' waxa aan u soo jeedinaya goole weynaha Wakiiladda ee aan ka tirsanahay Mudanayaal, waxa aynu dhammaanteen wakiil ka nahay shacabka lixdii billood ee aynu goolaha joognay doodaha ugu waaweyn ee gooluhu galay waa doodo siyaasi ah, xooga aynu saarno ka hadalka danaha Shacabka kuraasta aynu ku fadhino codkooda oo yaanay dhicin in qof shacab ah oo ina doortay horteena lagu dulmo, waa in aan awood u yeelana in Wasiirka dulmiga falaya goole weynaha la soo joojiyo oo su'aalo laga waydiiyo sababta? Goole doonista shacabka ku shaqeeya ayaa inoo ballan ah, Doodaha Biyaha, Waddooyinka, Caafimaadka, Waxbarashada, Xadhiga xaq-darrada ah ka hadalkiisa, Iwm.


"Haddii kale Doonisti Shacabku waa diyaar"

Waxaa Qoray xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...