Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Eedeeyey Inuu Jabhado Hubaysan U Samaystay Somaliland

0
Saturday May 25, 2019 - 15:31:23 in News by
  • Visits: 6299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Eedeeyey Inuu Jabhado Hubaysan U Samaystay Somaliland

    Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Eedeeyey Inuu Jabhado Hubaysan U Samaystay Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Eedeeyey Inuu Jabhado Hubaysan U Samaystay Somaliland

Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha soomaaliy aMaxamed Cabdilaahi Farmaajo uu jabhado hubaysan u samaystay somaliland.

Image result for farmaajo

Wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in jabhadaas ay ku jiraan rag la garanayo waxaanu yidhi ""Soomaaliya jabhado hubaysan oo rag la garanayaa ay ku jiraan ayaa Farmaajo u samaystay somaliland, cid dawlada Farmaajo mucaarid ku ah haday somaliland la kulanto dambi maaha.”

Dhinaca kale gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xisbiga Ucid ka shaqaynayo sidii loo ridi lahaa dawlada Farmaajo ee soomaaliya ka talisa "Farmaajo jabhado ayuu noo samaystay anaguna si ilbaxnimo leh ayaanu mucaaridkooda ula sheekaysanaynaa anagu mucaarid ayaanu nahay, waanan u yeedhaynaa mucaaridkooda oo waxbaanu baraynaa, waxaanan ka shaqaynaynaa sidii looga takhalusi lahaa Farmaajo iyo wixii nagu xunba hadaanu nahay xisbiga Ucid.”

Loading...
Loading...