Ujeedada Shir Wasiir Maxamed Kaahin La Yeeshay Shaqaalaha Wasaarada Arimaha Gudaha. SAWIRO
Hargaysa (HWN) Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa saaka kulan la yeeshsy Waaxyaha Wasaaradda, taasoo lagu dardar gelinayey hawlaha shaqo ee Wasaaradda, si kor loogu qaado habsami u socodka shaqada iyo in si joogto ah loogu xisaabtamo shaqada Qaranka loo hayo.
Kulan waxaa goob joog ahaa Wasiir kuxigeenka Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arimaha Gudaha, Naasir Caydiid Maxamed, Wasiir kuxigeenkii Amniga ee wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdirashiid, Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, Ibraahim Cali Ismaacil.
Shirkan lagu dardargelinayey hawlaha shaqo ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ayaa lagu qorsheeyey arimaha muhiim ka ah in diirada lagu saaro, sida hawlaha muhiimka ah ee u yaalla Wasaaradda sanadkan 2022 iyo waxqabadka u qorshaysan Wasaaradda in sideeda loo filo, iyada oo la qaban doono shirar joogto ah,kuwaasoo lagu qiimaynayo waxqabadka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.