Qorshe Maamul

0
Sunday January 30, 2022 - 11:16:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshe Maamul

    W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal.

Marka Maamul qorshe uu  samaynayo waxa muhiima in la raaco talaabooyinka soo socda;

 

1. In uu qeexo oo uu yaqaan kheyraadka  (Resources) uu haysto si uu u gaadho u jeedada uu leeyahay.

Resource: waxa laga wadaa waxkasta oo deegaanka laga helayo kuwaas oo wax ka taraya, caawinaya doonista wixii loo baahan yahay meeshana ka saaraya caqabadaha hortaagan in u jeedadaa la gaadho.

2. In uu Caddeeyo Waxqabadyada muhiimka ee loo baahan yahay si uu hadafka u gaadhno.

3. In aan qorshaha u samayno kala hormarin iyo mudnaan ( priorities) sidoo kalena aan u samayno qorshaheena cabir heerarkiisa waxqabad ( Performance level).

4. In aan hoosta ka xariiqno qorshahan aynu samaynayno muxuu ku wanaagsan yahay oo wax dheef ah ( Strengths) iyo wuxu ku xunyahay oo aanu ku wanaagsanayn ( Weekness).

 

Hadaba si aynu qorshe wax ku ool ah u samayno waxaynu u baahanahay in aan raacno talaabooyinkaa aan kor kusoo xusnay hadii kale wuxu ma noqonayo qorshe lagu guulaysto.

 

Tusaale: Maamulka Dawlada hoose ee Hargiesa waxay barakiciyeen oo albaabada u laabeen ganacsatadii yar-yarayd ee wadooyinka  ku ganacsan jirtey.

 

Dunidu waxay ilaalisaa ganacsatada yar-yar ( Small businesses) maraykanka oo ah dawlada dunida ugu weyn ganacsatada yaryari waxay ka yihiin 75%. Sanad walba waxay korisaa xeerarka ilaalinaya ganacsatada yar-yar.

 

Ganacsatada yar-yari waxay abuuraan fursado shaqo oo kor u qaadaya xadiga dadka ee shaqeeya sidoo kalena waxa ay  yareeyaan faqriga iyo saboolnimada waa marka laga fiiriyo dhinaca dhaqaalaha.

 

Tusaale fudud;

 

Hadaba  hadii dawlada hoose ee Hargiesa ay barakicisay 1000 ganacsi oo midkiiba ay ka shaqaynayeen 2qof,  oo qofkastaana uu il-dhaqaale u ahaa qoys ka kooban 10qof, waxa halkaa ka dhacaya waa in

20,000 qof ay noqdaan kuwo aan wax dhaqaale ah haysan.

 

Hadaba su'aashu waxay tahay maxay dawlada hoose u kala dooratay inay dadkan u samayso barakicin intii ay u samayn lahayd Dib- u dajin meel ku haboon?.

 

Su'aal kale ayaa Iyaduna waxay noqonaysaa yaa mudan in wado la baneeyo iyo in 20,000 qof laga dhigo kuwo sabool ah oo aan dabka shidan?

 

Arintani waa arin ay dareemi karaan dad kooban aqoonyahan ah lkn waa xil saaran kuwa masuuliyadaa iska lihi Alle na waa kula xisaabtayaa.

 

 

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...