Muqdisho Oo Ka Walaacsan Madaxwenanimada Saciid Deni Iyo Soo Laabashada Farmaajo

0
Sunday January 30, 2022 - 10:58:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho Oo Ka Walaacsan Madaxwenanimada Saciid Deni Iyo Soo Laabashada Farmaajo

    W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

HORDHAC

 

Musharaxiinta madaxweynaha Somalia intooda badan waxay is-diiwaangasheen kuna dhawaaqeen tartankooda muddo hore laakiin madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, weli kuma dhawaaqin inuu u tartamayo madaxweynaha. Lama oga in is-diiwaangelinta iyo ku dhawaaqidda musharaxnimada ay leedahay waqti cayiman. Dad badan ayaa rumaysan in Saciid Deni uu ku jiro ololo doorasho qarsoon si uu u diyaarsado xubnaha baarlamaanka ee u codaynaya si uu si kedis ah oo gaadmo ah ugu soo boodo kursiga madaxweynaha.

 

Inkasta oo uu jiro male iyo tuhun la xidhiidha mausharaxnimada Saciid Deni, ayaa waxaa haddana jirta in dadka degan magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dhexe ee Somalia ay walaac weyn iyo diidmo ka muujinayaan madaxweynanimada Saciid Cabdullahi Deni, diidmadaas oo kala dhantaalikarta hammigiisa madaxweynenimo. Waxaa jira sababo macquul ah oo muujinaya walaaca ay dadkaasi ka qabaan madaxweynanimada Saciid Cabdullahi Deni. Haddii ay dhacdo in madaxweyne aan Hawiye ahayn uu bedelo Moxamed Cabdullahi Farmaajo ama uu Farmaajaba isku dayo inuu Kursiga ku soo noqdo waxaa suurtogal in dadka Hawiye ee u badan Muqdisho iyo Gobollada Dhexe ay hubka qaataan oo u diidaan inuu xilka la wareego sababaha soo socda awgood:

 

SABABAHA MUQDISHO UGA WALAACSANTAHAY MADAXWEYNIMADA SACIID DENI

 

(I) Beelaha Somalia weli ma qabsan shirar dib-u-heshiisiin ah taniyo dagaaladii lagu hoobtay ee dalka ka dhacay 1991 si la isu cafiyo loona heshiiyo, sababtaas awgeed Hawiye badan ayaa maanta ka qoomameeya doorashadii Moxamed Cabdullaahi Farmaajo sababta oo ah intuu xukunka hayay waxaa uu Beesha Hawiye ka dhigtay bartilmaameed oo ka galay dembiyo iyo xad-gudubyo ka soo horjeeda Xuquuql Insaanka taas oo ay ugu wacnayd heshiis la’aanta iyo cadaawad qabiil oo weli la isku qabo. Haddii aanu Hawiyuhu lahaan lahayn cutubyo militari xoog leh oo u gaar ah, Farmaajo waxaa uu u geysanlahaa dembiyo ka waaweyn kuwa uu u geystay. Cadaawadaas qabiilka Somalia ee weli taagan oo aan laga heshiin ayaa sabab u ah in diidmo iyo cadaawad loo muujiyo doorashada Saciid Deni oo ay isku beel yihiin Moxamed Cabdullahi Farmaajo kana soo wada jeedaan Beesha Daarood. Waxaa weli Somalia ka maqan kalsooni iyo is-aaminid taas oo uu dabka ku sii qabtay ama uga daray Moxamed Cabdullahi Farmaajo dembiyada iyo xad-gudubyada uu ka galay Beesha Hawiye awgeed. Arrintaasu waxay keenikartaa inaan Hawiyuhu marnaba aqbalin laba madaxweyne oo is-xigta oo Daarood ah maadaama uu Farmaajo geystay dhibaatooyin ku salaysan nacayb Hawiye. Xaaladda Somalia ka taagan maanta awgeed siiba magaalo-madaxda Muqdisho waxay u muuqataa in madaxweyne Hawiye ah oo qura uu wax ka qabankaro kana hortegikaro qalalaase siyaasadeed sababta oo ah waa Beesha ugu weyn Somalia una badan magaalada Muqdisho.

 

(II) Somali badan ayaa aaminsan in madaxweynayaasha ka soo baxa Beesha Daaroodka ay sida qaalibka ah u janjeedhaan kelitalisnimo qabiil taas oo keentay dagaalada sokeeye ee aan dhammaan iyo fashilidda dawladnimada Somalia. Dadku waxay weli xusuusanyihiin kelitaliye Moxamed Siyaad Barre oo afgembiyay dawladdii diimoqaraadiga ahayd ee Somalia dalkana gacan bir ah ku xukumayay muddo 21 sano ah (1969-1990), kelitalisnimadaas qabiilka oo Somalia u horseeday dagaallo Sokeeye oo dad iyo duunyaba lagu hoobtay. Taliskii Siyaad Barre waxaa uu galay gummaad, burbur laxaad leh iyo barakicin weyn oo weli xusuusta dadku ka naxdo sababna u noqotay burburkii ku yimid midowgii dalkii la odhanjiray Jamhuuriyadda Somalia una kala baxay Somaliland iyo Somalia. Kelitaliye Moxamed Siyaad Barre waxaa 1991 xukunka ka tuuray Jabhado Hubaysan waxaanu u cararay dalka Nigeria oo uu aakhirkii ku dhintay.

 

(III) Waxaa kale oo dadku xusuusanyahay Kornayl Cabdullaahi Yussuf Ahmed oo loo doortay madaxweynaha Somalia 2004. Cabdullaahi Yussuf waxaa uu ku weeraray magaalo-madaxda Muqdisho ee Somalia ciidamada Itoobiya 2007 waxayna shacabka Hawiyaha ee magaalada Muqdisho u geysteen xasuuq weyn iyo burbur laxaad leh. Sharaf xumo iyo khaa’inimo wadan oo ka weyn ma jirto in caasimadii Somalia ee Muqdisho lagu weeraro ciiidamada cadowga Itoobiya oo ka soo horjeeda jiritaanka dadka Somalida ee Geeska Africa. Arrintaas oo ahayd aargoosi qabiil oo lagula kacay dadka Hawiyaha ah waxaa sabab u ahaa dagaaladii Sokeeye ee Muqdisho ka dhacay 1991 oo Beesha Daarood ku weyday xukunkoodii ku dhisnaa kelitalisnimada qabiilka. Cabdullaahi Yussuf oo rabay inuu Muqdisho ka noqdo kelitaliye sidii Siyaad Barre ayaa Beesha Caalamka iyo dadka Hawiye ku qasbeen 2008 inuu xukunka ka dego waxaanu musaafirnimo ugu dhintay dalka Yemen 2012. Kelitalisnimadu mahaa in madaxweynenimda dalka xoog lagu haysto waqti dheeraad ah oo qudha ee waxaa iyana kelitalisnimo ah in xukunka looga faa’iidaysato xasuuq iyo burburin beelo gaar ah nacayb awgeed.

 

(IV) General Siyaad Barre, Kornayl Cabdullaahi Yussuf iyo Mohamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu canaanto kelitalisnimo arxan-daran oo Somalia soo martay waxay ka wada tirsanyihiin qabiilka Daaroodka waana sababta keentay inaan Hawiyuhu aaminin madaxweynanimada Saciid Cabdullaahi Deni oo isna la qabiil ah. Laga soo bilaabo 1960 Somalia waxay ku jirtay cadaaladarro, duudsi, qas siyaasadeed, degonaansho la’aan, dagaallo sokeeye, xasuuq, aar-goosi, burbur, barakicin, qax, saxariir, silic iyo rajo la’aan, dadku kama nasan cabsi, werwer iyo faqri, weli ma helin horumar joogto ah, jiilal Somaliyeed ayaa mustaqbalkii ka lumay, Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ayaa ka daashay kaalmaynta iyo u gargaaridda dadka Somalia. Waxaas oo dhibaato ah waxaa Somalia gayaysiiyay dagaalada sokeeye ee laga dhaxlay kelitalisnimada qabiilka. Kelitalisnimadu waa xukun qabiil oo afduuba dawladnimada ka dhaxaysa ummad dhan halisna ku ah mustaqbalkeeda iyo horumarkeeda, waana arrin mudan ama loo baahanyahay in madal (Forums) looga doodo sidii loo joojinlahaa loona tirtirilahaa. Haddii aanay Somalidu soo marteen kelitalisnimada qabiilka ee dib-u-socodka ah, waxaa uu maanta dalkii la odhanjiray Jamhuuriyadda Somalia noqonlahaa dal barwaaqo ah uguna tunweyn dalalka Afrika xagga awoodda, doorweyn oo la mahadiyana ka qaadanlahaa arrimaha qaaradda Afrika, hubaashiina soo jiidan lahaa in dalka Jabuuti ku soo biiro.

 

(V) Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, waxaa gobolkiisa ka taagan iska horimaad hubaysan oo aan weli laxalin. Qaar ka mid ah saraakiishii hore ee Puntland waxay Saciid Deni ku eedaynayaan inuu boob ku hayo doorashada xubnaha baarlamaanka ee Puntland si uu ugu soo baxo tartanka madaxweynanimada ee Somalia. Arrimahaasu waxay shaki ka muujinayaan daacadnimada iyo xallinta dhibaatooyinka ee Saciid Deni.

 

(VI) Dagaal Dhexmarikara Somalia iyo Somaliland: Haddii Saciid Deni loo doorto madaxweynaha Somalia, waxaa suurtogal ah inuu sii wado sheegashadii beenta ahayd ee maamuladii iskaga dambeeyay Puntland oo ay ku sheeganjireen Gobolka Sool iyo Bariga Sanaag kuwaas oo ah dhul ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland oo qaadatay xornimada June 26, 1960. Degaanadaas oo ka mid ah dhulka Somaliland waxay sheegashada Puntland ku salaysantahay isir ama qabiil halka Xuduudaha Afrika oo dhan ay ku salaysanyihiin dhulka lagana dhaxlay Gumaysigii Yurub. Dawlad kasta oo Afrikaan ah waxaa gobonimadeedu iyo aqoonsigeedu ku salaysanyahay Xuduudihii Gumaysiga laga dhaxlay. Sidaas daraadeed, Sool iyo Bariga Sanaag waa dhul ka tirsan Somaliland oo aan lagu sheegankarin isir ahaan ama qabiil ahaan. Haddii aanu Ururka OAU ku aqoonsan Somaliland Xuduudeedii Gumaysiga, markaas waxaa dhicidoonta in Go’aamada Shirkii OAU ee 1964 laguna taageeray in dalkasta oo Afrikaan ah uu ixtiraamo Xuduudihii Gumaysiga si dalalka Afrika u kala nabadgalaan ay noqdaan wax kama jiraan, Qaaradda Afrikana ay burburiyaan dagaallo qabaa’il diidan Xuduudihii Gumaysiga. Saciid Cabdullaahi Deni waxaa uu sabab u noqonkaraa dagaal weyn oo dhexmara Somaliland iyo Somalia oo horseeda xasuuq, barakicin iyo dumin magaalooyin ka badbaaday dagaaladii hore ee sokeeye.

 

SABABTA MUQDISHO U DIIDANYAHAY SOO LAABASHADA FARMAAJO

 

Mudadii madaxweynihii hore ee Somalia, Moxamed Cabdullaahi Farmaajo, ka talinayay dalka waxaa uu galay dembiyo badan oo xad-gudub iyo halis ku ah dadka, dalka, dawladnimada iyo qaranimada Somalia, waana sababaha loo diidanyahay inuu xukunka ku soo laabto, waxaana dembiyada iyo eedaymaha loo haysto ka mid ah kuwan soo socda:

 

(I) Moxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa Loo doortay madaxweynaha Somalia Bishii February 8, 2017. Farmaajo waxa uu markiiba burburiyay dastuurkii iyo baarlamaankii oo uu seddex-meelood meel ka dhigay wasiiro si uu meesha uga saaro cid la xisaabtanta kuna qaada dembiyada uu ka gelayo dadka, dalka iyo dawladnimada, wuxuu abuuray "Dawlad Boliis” (Police State) waxaanu sameeyay cutubyo ciidan oo qabiilkiisa ka kooban sida Guutada Duufaan, wuxuu wiiqay ciidankii qaranka iyo booliiskaba si uu Muqdisho ugu sandulleeyo kelitalisnimo qabiil, arrimahaas oo Ururka Shabaab fursad u siisay inay soo labakacleeyaan. Farmaajo waxaa uu Cabdikariim Shiikh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ka tirsanaa ururka xaq-u-dirirka ah ee ONLF iyo Xoogga Dalka Somalia gacanta u gashay cadowga Itoobiya Bishii August 27, 2017 kuna tilmaamay in Qalbi-Dhagax iyo Ururkuba inay yihiin argagixiso taas oo ka soo horjeedda Diinta Islaamka iyo Qawaaniinta Calamka in qof loo gacangasho cadow raadinaya, Somali badan ayay arrintaasu kaga caraysiisay. Farmaajo waxaa uu Bishii December 17, 2017 weerar ku qaaday hoyga Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur halkaas oo uu ku dilay ilaaladiisii, maydkoodiina lagu tuuray xabaal wadareed aan ilaa maanta la aqoon.

 

Farmaajo wuxuu xoog ciidan ku bedalay madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug isaga oo adeegsanaya ciidamada Itoobiya waxaanu ku laayay kuna dhaawacay dad shacab ah kuna bedalay laba nin oo Farmaajo u ah daacad. Hay’adda Sirta Somalia ee loo yaqaan "NISA” madaxna uu u yahay Fahad Yaaseen waxaa lagu eedaynayaa dil siyaasadeed iyo waayid dad caan ah oo iskugu jira saraakiil dawladeed (Rayid iyo ciidanba) oo mucaarad ku ahaa xukunka Farmaajo (Political assassinations and disappearances of dissenting government officials and officers). Waxaa kale oo lagu eedaynayaan inay ka dambeeyaan qaraxyo is-midaaamin ah oo shacab badan ku dhinteen si dadka loogu sandulleeyo xukunka kelitalisnimada ah (government-sponsored suicide explosions to subdue people for dictatorship). Farmaajo waxaa uu beelaha dega Muqdisho iyo Gobollada Dhexe ee Somalia ka xushay dad ku wanaagsan midiidnimada iyo dhallinyaro loo lulay manka derajada oo loo adeegsado cabburinta iyo laynta dadkooda si ay u difaacaan xukunka kelitalisnimada qabiilka ee Farmaajo madaxa u yahay.

 

Farmaajo waxaa uu amray in rasaas nool loo adeegsado shacab banaanbax dastuuri ah oo salmi ka samaynayay mgagaalada Muqdisho iyo hogaamiyayaal xisbiyo mucaarad markii taariikhdu ahayd Bishii Apri 18, 2021 kaas oo keenay dhaawacyo. Waxaa kale oo iskuday dil uu kula kacay madaxweynayaashii hore, Hassan Sh. Mohamoud iyo Shariif Sh. Ahmed oo kujira Huteelka Al-Maaida Bishii April 19, 2021 goor fiid ah. Waxaa kale oo Farmaajo loo haystaa inuu si qaraoodi ah ugu saxeexay dalka Itoobiya 4 dekadood oo ka kala tirsan Somalia iyo Somaliland iyada oo Abiy Ahmed iyo Afwerki u ballanqaadeen in laga dhigayo kelitaliye aan dhicin. Haddii arrintaasu run noqoto waa khiyaamo qaran oo weyn. Madaxweynihii hore ee Somalia, Moxamed Cabdullahi Farmaajo, Waxaa uu muddo ka badan laba sano qasayay, horjoogay lana dagaallamay in Somalia laga qabto doorasho xalaal ah oo hufan isaga oo raba inuu noqdo kelitaliye. Farmaajo waxaa xilliga madaxweynenimadiisu dhammaatay February 8, 2021 haddana isaga oo aan wax waqti ah loo kordhin ayuu si sharcidarro ah u dhexfadhiyaa Villa Somalia oo Kursiga ku dheganyahay si uu u noqdo kelitaliye. Farmajo waxaa u sabab u noqongaaray dagaal sokeeye oo ka qarxa Muqdisho Bishii April 25, 2021 markii uu isku dayay inuu samaysto muddo kordhin 2 sano oo sharcidarro ah taas oo ay fashiliyeen kana hortageen Ciidanka Badbaado Qaran.

 

(II) Hantida ummadda ee ka soo kala gasha cashuuraha Muqdisho, Deeqaha Reer Galbeedka, Qandaraasyada la siiyo shisheeyaha, kaalmada Qaramada Midoobay iwm waxay Farmaajo iyo kooxdiisa Villa Somalia u isticmaalaan: Inay iyaga iyo qaraabadoodu ku hodmaan, in qabiil gaar ah lagu naas-nuujiyo, in ciidan qabiil lagu dhiso si dalka loogu soo rogo xukun qabiil oo kelitalis ah, in shirqoollo loogu maleego mucaaradka iyo dadka ka soo horjeeda kelitalisnimada qabiilka, in lagu bixiyo kooxda Facebooka ee loo yaqaan CBB si Farmaajo loogu sameeyo xayaysiis been ah ee wadaninimo aanu lahayn iyo horumar aanu samayn si ummadda loo marinhabaabiyo, iyo in qaybweyn oo hantidaas ummadda ka mid ah lagu bixiya laaluush la siiyo qaar ka mid ah madaxda dawladda, madaxda maamul-goboleedyada, madax dhaqan, siyaasiyiin hore iwm si loo taageero kelitalisnimadiisa iyo inuu boobo doorashada dalka. Ma jirto wax miisaaniyad ah oo loogu talagalo hagaajinta wadooyinka, hagaajinta bullaacadaha ka qaada magaallada wasakhda, hagaajinta sixada magaalada, biyo-gelinta, dhisidda dugsiyo, dhisidda baro caafimaad, dhisidda suuqyada, samaynta gaadiidka dadweynaha iwm.

 

(III) Dembiyada Farmaajo lagu eedaynayo waxaa kale oo ka mid ah inuu dagaalka Waqooyiga Itoobiya u diray ilaa 10,000 oo ahayd dhallinyaro Somaliyeed oo si qarsoodi ah tababar ciidan loogu diray dalka Eritariya halkaas oo la sheegay inay shacabka Tigreega ka galeen dembiyo ka horjeeda xuquuqda Aadanaha isaga oo Farmaajo taageeraya Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki. Iyada oo Qaramada Midoobay hore u kashifeen arrintaas ayaa dhawaan Wargeyska ka soo baxa dalka Kanada ee lagu magacaabo The Globe and Mail caddeeyay in ciidamo badan oo Somaliyeed ka qaybgaleen tacadiyada iyo xad-gudubyada ka dhacay Gobolka Tigreega ee Itoobiya. Sidaad u akhrido Wargeyska guji halkan: https://www.theglobeandmail.com/world/article-somali-troops-committed-atrocities-in-tigray-as-new-alliance-emerged/. Waxaa la rumaysanyahay in ciidamadaas in badan ay ku dhinteen dagaalka, qaar kalena ku dhaawacmeen.

 

(IV) Abiy Axmed, Isaias Afwerki iyo Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa si qarsoodi ah u wada aasaasay 2018 wax lagu magacaabo: "Isbahaysiga Milatariga Geeska Afrika” si loo abuuro "Kelitalisnimo-Seddex-Gees ah ee Geeska Afrika” (Itoobiya, Somalia iyo Eritrea) iyada oo lagu soo gabbanayo wax aan jirin oo khiyaamo ku salaysan laguna magacaabo "Is-Dhexgalka Geeska Afrika” iyada oo arrintaas macallin uu ka ahaa kelitaliye Afwerki, dabadana ay ka riixaysay dal Reer Bari ah oo awood leh. Hadafka iyo ujeedada Isbahaysiga Milatari wuxuu ahaa in si wadajir ah loo burburiyo kacdoonkasta oo ka dhasha mid ka mid ah seddexda wadan oo ka soo horjeeda kelitalisnimada waana sababta si wadajir ah loogu duulay ee loo xasuuqay loona burburiyay Gobolka Tigreega ee Itoobiya. Warar la hubo oo laga soo xigtay Sirdoonka Reer Galbeedka waxay sheegeen in haddii lagu guulaysanlahaa dagaalka Tigreega ay xigilahaayeen Somaliland iyo Garoowe, Muqdisho iyo Kismaayo oo ka tirsan Somalia. Waxaa heshiiskaas Seddex-geeska Sharka ah ku duugnaa sir dhagareed gaar u ahayd Abiy Axmed oo ahayd inuu Isbahaysiga Milatariga ku qabsado dekadaha Somalia iyo Somaliland. Jabka ku dhacay isbahaysiga Seddex-geeska-Sharka ahaa ee Geeska Afrika waxaa sii burburiyay oo curyaamiyay cunaqabataynta dhaqaale iyo milatari ee ay Reer Galbeedku la beegsadeen shirqoolkaas dembiilaha ahaa. Waxaa la aaminsanyahay in falkasta oo qaldan oo Farmaajo ku kaco kuna maamulo Somalia ay ka dambeeyaan Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki.

 

(V) Hadaba, haddii diiwaanka madaxweynihi hore ee Somalia, Moxamed Cabdullahi Farmaajo, sidaas uga buuxaan dembiyo argagax leh ee uu galay iyo eedaymo, sababahaas awgoodna Muqdisho si weyn u diidantahay inuu soo laabto, maxay noqondoontaa masiibada uu horseedidoono ee naf iyo maalba leh haddii uu Kursiga ku soo laabto? Waa adagtahay in doorasho xalaal ah oo hufan ay ka dhacdo Somalia sababta oo ah muddo ka badan 2 sano ayaa weli Farmaajo, Fahad, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay si joogto ah u qasayaan, u faragelinayaan una boobaan doorashada, waxayna gaartay heer aan la sixikarin, waxna laga qabankarin. Markaas si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye waxay u muuqataa in dhammaanba doorashada madaxwetnaha la joojiyo lana dhiso dawlad ku meel gaar ah oo muddo 2 sano ah ka qabata dalka doorasho xalaal ah, Farmaajana laga saaro liiska musharaxiinta maadaama uu galay dembiyo badan oo culus si cadna uu si joogto ah ugu kaco carqaladaynta iyo horjoogsiga doorasho dalka ka dhacda.

 

(VI) Farmaajo iyo Fahad Yaaseen waa ogyihiin inay dadka, dalka iyo dawladnimada ka galeen dembiyo culus oo badan, markaas si aan dembiyadaas loogu qaadin waxay go’aansadeen inay xoog ku haystaan Villa Somalia, doorashadana boobaan iyagoo u arka inay tahay sida keliya ee ay uga badbaadayaan dembiyada ay galeen. Maalintuu Farmaajo yiri: Aniga iyo Siyaad Barre madaxweyne nooma dhaxayn ayuu cadaystay inuu horseed u yahay kelitalisnimo qabiil oo dhagaraysan waana la arkay inta dhibaato ee uu u geystay dadka, dalka iyo dawladnimada, rajo dambana ummaddu kama qabto halis uu sii gesho mooyee. Farmaajo isaga oo aan ahayn madaxweyne ayuu ciidamada oo uu madax uga dhigo saraakiil beeshiisa ah u adeegsanayaa siyaasad si uu dalka xoog ugu xukumo, doorashadana u boob arrimahaas oo ka baxsan shaqada iyo waajibaadka ciidanka, sababinakarta dagaalweyn oo sokeeye oo dalka ka dhaca si la iskaga badbaadsho.

 

Ibrahim Hassan Gagale

Taariikh: 01/28/2022


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...