Aabe Inantiisa U Raadinaya Nin Guursada Iyo Shuruudo Looga Baahanyahay Caruuska

0
Saturday January 29, 2022 - 10:01:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1080
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aabe Inantiisa U Raadinaya Nin Guursada Iyo Shuruudo Looga Baahanyahay Caruuska

    "waxaan gabadheyda curadda ah u raadinayaa wiil Muslim ah oo akhlaaq wanaagsan leh"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaan gabadheyda curadda ah u raadinayaa wiil Muslim ah oo akhlaaq wanaagsan leh"

Waad ka qayb-gelikartaa tartanka Gabadhan lagu guursanayo haddii aad Shuruudaha buuxiso .



Sheekha caanka ah ee u dhashay dalka Hindiya ee wacdiya, Zakir Naik, ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu gabadhiisa ugu raadinayo wiil guursada.


Qoraalka Sheekha ayaa waxaa la socda waraaqo ay ku qoran yihiin macluumaadka gabdhiisa iyo shuruudaha laga rabo wiilka uu la doonayo.


"Assalamu Calaykum wa Raxmatullaahi wa Barakatuhu, waxaan gabadheyda curadda ah u raadinayaa wiil Muslim ah oo akhlaaq wanaagsan leh, si ay inantayda iyo seeygeeduba uu midba midka kale ugu noqdo gaashaan."


Haddii aad u qalanto oo aad xiisaynayso, ama haddii aad tahay aabaha ama qaraabada wiil aad u malaynayso inuu xaq u leeyahay oo aad diyaar u tahay inaad eegto arrintan, waxaan si khushuuc leh kaaga codsan lahaa inaad ka soo jawaabto qoraalkan.


"Shuruudaha looga baahan yahay inuu buuxiyo wiilka doonaya gabadheyda"


1. In uu yahay wiil Muslimad ah, uuna diinta ugu dhaqmo sida ay fareyso.

2. In sunnada uu aad ugu dedaalo inta karaankiisa ah.

3. In luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga uu yaqaano.

4. In uu ka fogaado dhamaan hawlaha xaaranta ah.

4. In xaaskiisa uu ku dhiiragelin karo dadaalka dawcwadda ee ay waddo.

5. In uu xaafidul Qur'aan yahay.

6. In Shahaadadaa Koobaad ee 'Bachelor Degree' uu ka haysato Shareecada Islaamka.

7. In uu dhageysatay dhowr daaci oo ku wacdiya luuqadda Ingiriiska.

8. Waa inuu Diinta Islaamka ku faafiyaa meelaha ay ku badan yihiin masixiiyiinta.

Faah-faahinta gabadha Sheekh Zakir Naik ee uu seyga u raadinayo

1. Da'deeda: 25 jir, iyo 2 bilood.

2. Waxay ku nooshahay: Putrajaya, Maleesiya.

3. Waxay leedahay dabeecad iyo akhlaaq wanaagsan, waa ay naxariis badantahay, dhanka saaxiibtinimada way ku fiicantahay, waxay jeceshahay wax barashada iyo baridda Qur'aanka.

4: Waxay haysataa shahaahada koobaad ee Shareecada Islaamka, iyadoo ka soo qalin jabisay Jaamacadda Nourah University, Riyadh, Saudi Arabia. Waxayna haatan isla jaacaddaasi ka wadda shahaada labaad Tafsiirka Qur'aanka.

5: Waxay si faseex ah ugu hadashaa luuqadaha Carabiga iyo Ingiriisiga. Waxay sidoo kale ku hadashaa luuqadaha Uruduuga iyo Hindiga.

6: Waa daaci xaafidul Qur'aan ah oo ku guuleysatay abaal marino.

7: Waxay ka heshaa dabbaasha iyo safarka.

BBC

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...