Taariikh Nololeedkii Gaashaanle Dhexe Cabdirisaaq Xasan Dalmar : Feb 03 1983 - Jan 26 2022 !

0
Saturday January 29, 2022 - 09:42:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedkii Gaashaanle Dhexe Cabdirisaaq Xasan Dalmar : Feb 03 1983 - Jan 26 2022 !

    W.Q: Ahmed I Abdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W.Q: Ahmed I Abdi

Naxariistii Janno Alle haka waraabiyee Gaanshaanle Cabdirisaaq Xasan Dalmar waxa uu horaantii Siddeetamaadkii Feb 03 1983 ku dhashay Magaalada Hargeysa. Waxa uu ahaa Curadka 10 Caruur ah oo ay Walaalo ahaayeen, 8 Wiil iyo 2 Gabdhood.



Xorayntii Dalka markii lagu soo laabtey, waxa uu ka mid ahaa dhallintii Waxbarashada la bilaabay. Dugsiga Hoose/Dhexe ee Biyo Dhacay Hoose ayuu ka bilaabay Waxbarashadiisii, kuna dhammaystey Waxbarashadii Hoose iyo Dhexe.


Waxa uu ahaa Lodkii lagu bilaabay Dugsiga Sare ee Gacan Libaax Sanad Dugsiyeedkii 1999/2000. Sidoo kale na waxa uu ahaa Lodkii ugu horeeyay ee ka baxa Dugsiga Sare ee Gacan Libaax Sanad Dugsiyeedkii 2002/2003.


Inkasta oo aanu Dugsigii Hoose/Dhexe iska ag dhawayn, Dugsigii sare na isku Iskuul ahayn, waxa aanu Marxuumka si gaar ah ugu saaxiibnay Waxbarashadii Gaarka ahayd. Sanadkii 2002 ayaanu kawada mid noqonay 2 Fasal oo Xisaabta Dugsiga Sare ahayd oo lagu bilaabay Dugsigii Khadar Xaaji, haatan na loo yaqaan Iskuulka Al Jazeera!


Sannadkii 2005 ayuu Cabdirisaaq Dalmar Jaamacadda Hargeysa ka bilaabay Barashada Caafimaadka. Waxa xusid mudan in uu Xirfadda Caafimaadka ku shaqayn jirey intii uu Dugsiga sare ku jirey.


Sanadkii 2006 kii ayuu Waxbarasho Layli Sarkaal u tagay Dalka Itoobiya. Halkaasi oo uu ka soo qalin jabiyay. Mar kale ayaa haddana Dalka Itoobiya loogu direy Waxbarasho la xidhiidha Ciidmada. Isaga oo ka mid ahaa Koox reer Somaliland ah oo kaalmaha hore ka galay Kulliyadda Ciidanka ee Dalka Itoobiya.


Dhinaca Ciidanka Qaranka waxa uu ka soo shaqeeyay qaybo kala duwan. Isaga oo shaqo wanaagiisii awgeed ku helay in la dallacsiiyo tiraba dhawr jeer. Hadda intii aanu Geeriyoon waxa uu ahaa Taliyaha Guutada Kamaandawsta ee loo yaqaan Gama'diid. Intii uu Ciidamada Hogaankooda ka mid ahaa, waxyaabaha aadka loogu xasuusto waxa ka mid ah Nabadayntii shaqaaqadii Ceel Afweyn, iyo kaalintii uu ku lahaa nabadayntii Gadoodkii Ciidamadii uu Caarre hogaaminayay.


Marxuumku waxa uu Ifka kaga tagay 6 Carruur ah, iyo Saddex Xaas. Naxariistii Janno Alle haka ka waraabiyo !

N:B: Sawirka Hoose waa mid uu Keyd ahaan iigu soo direy intii uu noolaa!

W.Q: Ahmed I Abdi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...