Caddaani Waa Wasiirkii Inagu Jideeyey Inay BBC-Somali Inoogu Yeedho" Jamhuuriyadda Iskeed Ugu Dhawaaqday Gooni-isu-Taagga Soomaalilaan".

0
Saturday January 29, 2022 - 09:31:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caddaani Waa Wasiirkii Inagu Jideeyey Inay BBC-Somali Inoogu Yeedho" Jamhuuriyadda Iskeed Ugu Dhawaaqday Gooni-isu-Taagga Soomaalilaan".

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Wixii ka dambeeyey badhtamihii sannadkii 2017 ayey BBC-Somali bilowday inay beddesho adeesiga magacii ay hore ugu yeedhi jirtay Soomaalilaan ee ahaa ‘ Maamulka Soomaalilaan, ama Soomaalilaan’. Waxaanay ku beddeshay inay Soomaalilaan ugu yeedho ‘ Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Soomaalilaan’. Shicibka Soomaalilaan si weyn ayey uga cadhoodeen odhaahdan cusub ee u dhandhamaysa sidii dal aan hore u jirin oo imika bilaabay inuu Soomaaliya ka go’, haseyeeshee ay sax ku tahay inay Soomaalilaan hore u ahayd dal jiray oo dib madax bannaanidiisii ula soo noqday muddo 30 sanno ah oo ay Soomaaliya midow kula jireen. Khaladkii ay galeen 1/7/1960 ay saxeen 18/5/1991.



Siday Ku Dhacday Arrintaasi?

Solomon Mugera oo ahaa madaxii BBC-da laanta Afrika oo ay la socoto habar Sawaaxiliyad ahayd oo madax ka ahayd laanta Af-Soomaaliga ee BBC-Somali oo la odhan jiray Caroline Karobia ayaa sannadkii 2017-kii Hargaysa u yimid yeedhmo uga timid Wasiirkii Warfaafinta ee wakhtigaasi Cismaan C/laahi Sardiid Cadaani. Solomon wuxuu kula dooday wasiirka in warbaahinta caalamiga ahi dalalka adduunka aan weli laga aqoosan aanay ugu yeedhi Karin Jamhuuriyad. Wuxuu miiska soo saaray inay saxaafadda caalamku dalka aan la aqoosan inay ugu yeedheen kelmada Ingiriisiga ah ee ‘Self declared Republic Of Somaliland’.


 Dhinaca wasiirka warfaafinta ayaa kula dooday inay kala saaraan maamul-goboleedyada Soomaaliya ka jira iyo Soomaalilaan, oo aanay ugu yeedhin maamulka Soomaalilaan. Waayo waxaanu la mid noqonayaa maamulka Jubaland ama maamulka Puntland oo ah dhamman maamul-goboleedyo hoos taga dawladda Fadaraalka Soomaaliya. Markii dooddii halkaasi la kala istaagay, ayaa aakhrikii uu wasiirkii warfaafinta ee xilligaasi Caddaani uu ku qancay in wixii ka dambeeya sannadkii 2017 Soomaalilaan loogu yeedho ‘Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanid ee Soomaalilaan’. WARJIRE, Axmed Siciid Cige 2020, bogga 110.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...