Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay wakiilka cusub ee Ingiriisku usoo magacaabay Somaliland

0
Wednesday January 26, 2022 - 16:42:50 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay wakiilka cusub ee Ingiriisku usoo magacaabay Somaliland

    Madaxweynuhu wuxu uga mahadnaqay dowlada Ingiriiska iyo baarlamaankeeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynuhu wuxu uga mahadnaqay dowlada Ingiriiska iyo baarlamaankeeda



Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabalay wakiilka cusub ee dowlada Ingiriisku dhawaan usoo magacowday Somaliland Lizzie Walker, iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan xafiiska Ingriiska ee Somaliland.


War-saxafadeed kulanka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen xidhiidhka Ingiriiska iyo Somaliland, waxaanu madaxweyne Biixi boggaadiyay doodii uu Baarlamaanka Ingiriisku ka yeeshay qadiyada aqoonsiga Somaliland.



"Madaxweynuhu wuxu uga mahadnaqay dowlada Ingiriiska iyo baarlamaankeeda-ba dadaalkii iyo juhdigii ay galiyeen, in dareenka madaxbannaanida Somaliland ay la wadaagaan beesha caalamka”.


Warbixinta ayaa lagu sheegay in Marwo Walker ay iyaduna dhankeeda boggaadisay horumarka iyo dimuquraadiyada ka jirta Somaliland, "Wakiilku waxay xustay in ay la dhacsantahay dadaalka horumarineed iyo dumuquraadiyadeed ee ka hana qaaday J. Somaliland”.


Kulanka waxaa madaxweynaha dhankiisa ku weheliyay wasiir ku xigeenka wasaarrada arrimaha Dibadda iyo iskaashiga-caalamiga ah ee Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac.

Loading...
Loading...