Xirsi Wuxuu Marayaa Imtixaanka u Leeyahay Guddoomiye Xisbi

0
Wednesday January 26, 2022 - 10:10:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xirsi Wuxuu Marayaa Imtixaanka u Leeyahay Guddoomiye Xisbi

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Waxaa la sheegaa laba orodyahan oo is-daba ordaayay xadhigii dhammaadkana u dhaw in kii horeeyay jaleecay kii ka dambeeyay, hakadkaa yare ee xawaarihiisii  ku yimid in lagu dhaafay oo kaalintii koowaad laga qaaday ee uu maanta oo dhan soo hogaaminaayay. Sidaasi oo kale noloshu tartan ma weydo. Marka la eego waaqaca gudaha siyaasadda Soomaalilaan, guddoomiye xisbi mucaarad wuxuu maraa imtixaano iyo caqabado siyaasadeed oo uu la kowsado marka xilka loo doorto. "Taariikhda marka dusha laga eegayo waa war uun, balse waxa ku hoos qarsoon xaqiiqooyin iyo cibro qaadasho." Ibnu Khalduun.



 

Dhawr qoddob ayeynu ka xusi doonaa imtixaankaa soo jireeka ah

= Madaxweyn Siillaanyo wakhtiyadii u ahaa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, waxa ugu cuslaa ee soo mara waxa ugu weynaa markii ay ciidanka boolisku rasaasta ku rideen isaga oo dhexsocda taageerayaashii oo maraya agagaarka Huteel Guleed. Wuu se iska sii watay ujaaddadiisii. Wuu se ka dabaashay.


= Labada masuul ee ugu sarreeya xisbiga Kulmiye, waa madaxweyne Biixi iyo wasiir Kaahin, Xirsi wuxuu qol kaga xidhay madaxtooyada intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2015. Wuxuu u diiday inay fursad u helaan madaxweyne Siillaanyo oo ay duurka ku wada jireen 30 sanno. Way samreen oo ay ka dabaasheen.


= Madaxweyne Biixi markii uu ku dhawaaqay inuu musharrax yahay, waa tii Xirsi ku qaaday weerar cir iyo dhul ah, aakhirkii waa kii is-dhiibay ee yidhi aniga weeyi ka guuldarraystay ee ka noqday inuu tartan la galo madaxweyne Siillaanyo.


= Dr. Gaboose, Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid waan kii madaxweyne Riyaale jeelka u dhigay inay xisbi Qaran ku dhawaaqeen ee muddo jeelka liinta ku dhex cabbayey.


= Guddoomiye Ciro waa tii cad hadh jeelka la dhigay xoghayihiisii guud iyo afhayeenkii ee ay mudada jeelka ku jireen, wuxuu ahaa imtixaankii uu soo maray.


Dhammaan caqabadaasi oo kuwa kale oo aynaan xusi ayaa laga yaabaa inuu maro guddoomiye Xirsi inta uu xilka guddoomiyenimo hayo. Waxa uu kaga gudbi karaa waa dul iyo dalis joogto ah. Waxa haatan u bilaabmay guddoomiye Xirsi imtixaan siyaasadeed oo weyn oo u galay kuwii ugu horreeyey.  Waynu se dhawri doonaa siduu uga dabaasho imtixaankaasi.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

 

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...