Hoggaanka Baanka Dhexe Waxay Mudan Yihiin Bogaadin

0
Wednesday January 26, 2022 - 09:31:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaanka Baanka Dhexe Waxay Mudan Yihiin Bogaadin

    Qore Mowliid Aadan Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore Mowliid Aadan Cumar

Hoggaanka Baanka Dhexe Waxay Mudan Yihiin Bogaadin: ”Hoggaanka cusub ee uu dhawaan Madaxwayne Biixi u magacaabay Baanka Dhexe ee Somaliland oo kala ah Gudoomiyaha Baaanka Dhexe Gudoomiye ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Baaanka Dhexe waxan leeyahay ALLAH ha idiin fududeeyo xilkaas Culus ee aad u qabateen Qaranka Somaliland iyo Shacabka,

 

Intaasi ka bacdi waxan usoo jeedinayaa Hogaanka Baanka Dhexe ee Somaliland laba qodob oo Talo gudbin muwaadin ah kuna qotonta Waajibaadka shaqo ee Baanka Dhexe u hayo Qaranka Somaliland oo ah ilaalinta Dhaqaalaha Shacabka iyo Dowladda Somaliland. Sidaasi awgeed waxay noqonayaan labada qodob sidan.

 

1.Qodobka Kowaad:

 

Mudane Gudoomiye, Gudoomiye ku xigeen, Agaasimaha Guud marka hore waxan idinku Bogaadinayaa in aad Noqoteen Hogaankii 8aad sideedaad ee Baanka Dhexe ee Somaliland Qabta Hogaankiisa,

 

Waxana idinka horeeyay Toddoba Maamul, lagasoo bilaabo ku dhawaaqistii Madaxbanaanida Qaranka Somaliland 1991 18 May.

 

Sidaasi darteed Baanka Dhexe ee Somaliland oo ka mid ah Hayadaha madaxabanaan ee Qaranka Somaliland wuxu Waajibaadkiisa Shaqo ku cad yahay Dastuurka Qaranka Somaliland qodobkiisa (13) seddex iyo tobnaad oo odhanaya sidan.

 

(Dowladdu waxay yeelanaysaa Baan-Dhexe oo Hogaamiya siyaasadda iyo ilaalinta Lacagta Dalka, waxa kale oo la suurto-galinayaa furitaanka Baanan-Ganacsi iyo Horumarineed iyadoo mudnaanta la siinayo kuwa Gaar-ahaaneed).

 

Hadaba mudanayaal Lacagta Qaranka Somaliland ee Somaliland Shillin oo ah Astaamaha Madaxbanaanida Qaranka Somaliland waxa Tobankii sano ee u dambeeyey Naafeeyey dhaqdhaqaaqii ay ku lahayd suuqyada Ganacsiga iyo Istimaalkii Noodhadhka Kaashka ah (money movement) Barnaamijyada lacagaha la isugu diro moobaylada ee (Electronic Money Transfer) oo wakhtigan 80% aynu isticmaalo Shacab iyo Dowladba.

 

Hadaba waxan leeyahay Hogaanka cusub ee Baanka Dhexe ee Somaliland xaqiiqo ahaan waa ilduuf Maamul oo ay Ogolaadeen Hogaankii Baanka Dhexe ee Somaliland ee idinka horeeyey iyo Xukuumadan Madaxwayne Biixi iyo Tii Madaxwayne Axmed Siilaanyo labaduba waayo lama qiimayn saamaynta adeegyadani ay ku yeelanayaan Dhaqdhaqaaqi iyo isticmaalkii lacagta kaashka ah ee ku wareegta suuqyada Ganacsiga Somaliland,

 

Sidaasi awgeed waxan kusoo koobayaa qodobkan koowaad in Baanka Dhexe ee Somaliland sameeyo Barnaamijyo Wacyigalin ah oo lagu dhiirigalinayo in shacabku ogaado Lacagta Qaranka Somaliland inay tahay Tiirarka Qaranimada isticmaalkeeduna yahay waajib Sharci,

 

Sidoo kale waxan Hogaanka Baanka Dhexe ku Baraarujinayaa in Mushaharka shaqaalaha Dowlada iyo Ciidamadda Dalku uu ahaa Dhaqdhaqaaqa iyo wareega ugu wayn ee ay samayn jirtey Lacagta Shillinka ah ee Kaashka lagu Bixin jirey markaa waa Dib loogu celiyo Kaashkii lagu siin jirey Shaqaalaha Dowlada, Taasi oo kowka ah kor u qaadista wareega kaash Shillinka.

 

2.Qodobka labaad.

 

Mudane Gudoomiye waxad tahay Engineer IT ah oo aqoon u leh Farsamada ELECTRONIC MONEY sidaasi awgeed maadaama Barnaamijyadan lacagaha mobilada la isugu diraa uu wakhtigan Dalka ku faafey isticmaalkoodu oo xataa Dalka Soomaaliya uu noqday Barnaamij ina mideeyey waxan idiin soo jeedinayaa in aad degdeg u hirgalisaan Sharcigii lagu maamuli lahaa laguna Xaddidi lahaa iskufurankaa Dhaqaalaha ee Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Sidoo kale waa in Baanka Dhexe ee Somaliland yeesho awooda iyo Maamulka dhaqdhaqaaqa lacagahan Shillinka Baanka Dhexena u howgalo Keenista mishiinka lasocadka Dhaqdhaqaaqa xadiga shillinka, Tusaale ahaan Dalka Kiiniya wuxu ka kantaroolaa Barnaamijka Impessa ELECTRONIC money Baanka Dhexe ee Kiiniya sidaasi awgeed waa in Baanka Dhexe ee Somaliland Helaa Qalabkaa uu kula soconayo Dhaqdhaqaaqa lacagta Shillinka.

 

Hadii ALLAH yidhaa wabilaahi Towfiiq.”

Qore Mowliid Aadan Cumar

Hargaysa


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...