Hanaanka Ururada iyo Asxaabta Badan Ee Siyaasadu Yaanu Inaga Noqon Dhicis iyo Wax Dano Gaaban Lagu Gaadho

0
Tuesday January 25, 2022 - 09:23:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hanaanka Ururada iyo Asxaabta Badan Ee Siyaasadu Yaanu Inaga Noqon Dhicis iyo Wax Dano Gaaban Lagu Gaadho

    Bal u fiirso qayb yar oo ka mid ah hadalkii madaxwayne cigaal ka jeediyey aasaaskii xisbigii Udub ;

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bal u fiirso qayb yar oo ka mid ah hadalkii madaxwayne cigaal ka jeediyey aasaaskii xisbigii Udub ;

" Maanta waxa aynu dhiseynaa xisbi oo aynu isugu nimi aasaaskiisii iyo anuuritaankiisii , ma aha xisbigani in uu noqdo kii faqash ee nin qudha oo kaligii taliye ah lagu tawasulayey ee sacabka loo tumayey ee wuxuu yidhaahdo oo qudha ahi ay ahayd sharci ,mabda'a , diin iyo dhaqan , mana aha in uu noqdo kuwii sagaalkii sano ee xorta ahaa ee faqash ka horeeyey ee magac aan jirin iyo xalan hal iyo nirig ama gudin iyo hangool ku sawiran yahay ee maalinta intikhaab lagalayo uun la soo macmali jirey oo ahaa qabiil la maqaarsaaray oo qudha , hadii Ilaah inala qabto axsaabta maanta Somaliland ka dhalanaysaa waa in ay noqoto axsaab siyaasiga ah ee caalamka xorta ah ee dimuqaradiga lagu yaqaano "

 

Haddaba laba wax oo uu inooga digayey labadiiba maanta waxa ay ka muuqdaan hanaanka xisbiyadeena siyaasada oo ah ;

 

1- In xisbiga qofka ka gudoomiyaha ahi waxa uu yidhaahdo iyo doonistiisu uun ay tahay sharci , oo isaga uun sacabka loo tumo.

 

2- In ururada siyaasada ee la aasaasayo marka doorashadu timaado aanay lahayn ujeedooyin fog oo ah in kursi lagu helo iyo in ay dabada ku hayaan qabiil.

 

HADDABA MAANTA MAXAA INALA GUDBOON ?

 

Waxa loo diyaar garoobayaa markii sadexaad ee furista ururada siyaasada jamhuuriyada Somaliland, waxaana labataan jirsaday hanaanka ururada siyaasada iyo axsaabta badan ee qaranka jamhuuriyada Somaliland qaatey oo uu dhigayo dastuurka dalka qodobkiisa 9aad.

 

Mudadaasi ururada siyaasada iyo axsaabta badan dalku qaatay waxa isku dayey muwaadiniin iyo hogaamiyeyaal caan ku ahaa siyaasada in ay ururo furtaan oo badhkoodna soo baxay kuwii kalena awoodi waayeen.

 

Daraasad iyo cilmi baadhis dheer oo aanu ku samaynay qaabka axsaabta iyo ururada siyaasada loo aasaaso ayaa caqabad ku ah koriin la'aanta hanaanka dimuqaradiyada iyo in xisbiga gudihiisa aanu tartan , dood iyo dimuqaradiyadi ka jirin.

 

Ujeedada loo sameeyey nidaamka ururada iyo axsaabta badan ayaa ahayd in dalku yeesho ururo siyaasadeed oo afkaaro iyo aragtiyo lagu midoobo isla markaana noqda qaar jira mudo dheer oo la kala dhaxlo afkaarta iyo nidaamka.

 

Laakiin ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland ayaa qorsheyaashoodu aanu dhaafsanayn salaan kursiga lagu gaadho iyo dan gaaban oo aan himilo umadeed iyo aragti mustaqbal fog aan midna sidin.

 

Jamhuuriyada Somaliland laba goor oo hore ayaa tartanka ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka laga sameeyey oo ahaa 2002 iyo 2012 , hadda waxa la joogaa markii sadexaad ee la furayey ururo siyaasadeed 2022 .

 

Waxa aynu u baahanahay in ururada siyaasada la furayaa ay ka duwanaadaan axsaabta siyaasada ee hada joogta oo ay leeyihiin qorsheyaal mustaqbalka fog iyo kuwa dhowba ah , sidoo kale ay sidaan aragti umadeed oo ka soo bilaabantay hoosta min degmo , gobol ilaa heer qaran.

 

Ururkii siyaasadeed ee ugu horeeyey oo Somaliland laga aasaasay waxa uu ahaa UDUB oo waxa la aasaasay July 2001 , waxaana aasaasay madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal , waxaa ku xigey Ucid iyo ururadii kale ee badnaa.

 

Laga soo bilaabo maalintaasi waxa ay ahayd in dalku nidaamka beelaha uga guuro hanaanka dimuqaradiyada iyo aragtiyaha uryrada iyo axsaabta badan , laakiin ayaan daro waxaa uu nidaamkii dib ugu noqday hanaankii beelaha iyo waa markii reer hebel.

 

Haddaba wax walba oo la dhisayo seeska ayaa laga bilaabaa , sida loo adkeeyo ayey ku xidhan tahay wanaaga, jiritaanka iyo horumarka la rabo in laga gaadho ururka la sameeyey ama la aasaasay.

 

Waxa aanu ugu faaiideysanaynaa fursada 2022 ee furista ururada siyaasadeed in umada jamhuuriyada Somaliland aan horkeeno urur siyaasadeed ay ku mideysan yihiin , ka turjumaya baahiyahooga iyo duruufaha ay ku jiraan , u adeegaya iyaga qorshihiisuna yahay ilaa boqolaalka sano ee dambe mid anfaca dadka dalkan u dhalan doona.

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...