Magaca Ciidamda Badalaaya Amisom oo la Shaaciyay.

0
Monday January 24, 2022 - 17:52:56 in News by
  • Visits: 1537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaca Ciidamda Badalaaya Amisom oo la Shaaciyay.

    Amisom ayaa soomaaliya ka Dhawlgalaysay in ka abdan 15sano Balse Guula La taaban karo kama aysan Gaarin Xasilinta Dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amisom ayaa soomaaliya ka Dhawlgalaysay in ka abdan 15sano Balse Guula La taaban karo kama aysan Gaarin Xasilinta Dalka.

Ciidamo Midowga Afrika ah oo loo bixiyay ATMIS ayaa mas’uuliyadda kala wareegaya ciidamada AMISOM oo sanadihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Soomaaliya, iyagoo heysta muddo labo sano ah oo ay mas’uuliyadaha ammaanka ku wareejinayaan ciidamada Soomaaliya, sida ay isku raaceen Soomaaliya iyo Midowga Afrika.


Heshiis ay gaareen labada dhinac kadib wada hadalladii 7-dii January sanadkii hore, AMISOM ayaa waxaa mas’uuliyadda kala wareegi doona Howlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).



Ciidamadan cusub, oo ay labada dhinac isku raaceen, ayaa u shaqeyn doona sida AMISOM, balse waxay heystaan muddo cayiman oo ay mas’uuliyadda ammaanka ugu wareejin doonaan ciidamada Soomaaliya marka la gaaro December 2023.


Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.

Loading...
Loading...