Dawlad Somalia La Yidhaahdaa Ma Jirto , Somaliland Na Cida Cagta Ku Haysaa Waa Beesha Caalamka !!!
Waad isweydiinaysaa sababta uu qoraalkayga cinwaankiisu u yahay in aan duro nidaamka maamul dawladeed
ku sheega ah ee aduunku
gacanta ku hayo ee sheegta in ay haystaan sharciyadii dawladnimadii
Jamhuuriyadii Somalia Wada lahayd oo meelo kooban oo muqdisho ah
maamulkeegu kaga taliyo awood gacan shisheeye .
Waa tahay , haddaba dawladnimadu maaha wax dadka dusha lagaga keeno
oo xoog iyo jujuub umada lagu marsiiyo ee waa nidaam salka hoose ka soo
dhisma oo dadka ka yimaada oo ay iyagu u arkaan wax ay leeyihiin oo
danahooga ka shaqeynaysa rabitaankoodana ku joogta , awooda shacabka
iyo kalsoonida umada haysata , kuna shaqeynaysa aragtida iyo danaha
dadka Somalia leeyihiin .
Aduunku waxa uu sideed iyo labaatan sanadood somalia ku wadaa in uu
dawlad u dhiso uu dhaqaale iyo ciidan iyo cudud ba la garab taagan yahay
, mudadaa in leegna waxa aanu hoos u eegin rabitaanka iyo jiritaanka
dadka reer somaliland dawladnimadoodii kagala soo noqdeen go'aan shacbi ,
go'aankaasi oo waxgaradkii reer somaliland ku gaadheen magaalada Burco
1991kii, dadka reer somalilandna afti dadwayne ku meel mariyeen tiro ah
97% in ay somaliland tahay dal madax banaan oo leh dastuur iyo nidaam
dawladeed oo ah kii ay heleen 26-June-1960kii ee ay Somalia kula
midoobeen 1 July 1960kii.
Somalia waxa iyaguna jiray, marka la eego dawladaha rabay in ay wax
u dhisaan , waxa ay ahaayeen dawladahii ay deriska ahaayeen xiligii ay
dawlada ahayd somalia oo dhamaantood danahooga ka dhex fushanayey ,
shirarkaa dawladnimada loogu dhisayey somalia waxa dibada ka ahayd
somaliland oo la ogaa in ay go'aan ku gaadhay in dawladnimadii la isku
darsaday ay qaybteedii la soo noqotay , xataa waxa xusid mudan in
shirkii Djibouti 1991-1992 loogu qabtay jabhadihii Somalia ka dagaalamay
ee nidaamkii kalitaliska ahaa talada ka tuuray in aanay SNM oo ahayd
jabhadii ugu xooga waynayd ka qayb galin oo shirka laga sheegay.
Aduunka iyo dawlad kasta oo shir somalia u qabanaysaana way og tahay
in aanay somaliland ka mid ahayn Somalia talana aanay isugu jirin ,
laakiin waxa marwalba jiray shaqsiyaad reer somaliland ah oo fikirkooga
shaqsiga ah ku aaminsan somalia amaba u arkay wax ay ku heli karaan
fursad siyaasadeed oo ay ku muuqdaan , manfac iyo magac kay doonaan ha
ku helaane oo meel looga qoondeeyo waxaa somalia loo dhisayo.
Imikana way jiraan qaar iyaga oo kale ah oo nidaamka muqdisho laga
dhoob-dhoobay ka mid ahi , waxa se mid wax lagu qaato ah in dadkii
aaminsanaa in somaliweyn ay somaliland ka mid tahay dib loo dhisi doono
waliba kuwoogii ugu mudnaa aragti ahaan iyo aqoon ahaan iyo mabda'a
ahaan waxii ay markaa aaminsanaayeen in ay dib u soo noqdeen oo
dadkoogii reer somaliland wax la qabsadeen iyaga oo cadeeyay in ay
qaldameen oo cafis ka dalbaday dadkooda iyo dawlada somaliland.
Marka ay sidaa tahay ee aynu og nahay halka aynu kala taaganahay
sideed iyo labaatankaa sanadood Somalia iyo Somaliland , cida dhibta ugu
weyn somaliland ku haysaa waa dawladaha dunida ee daneeya Somalia iyo
waxa loo yaqaan beesha caalamka oo aan u cadaalad sameyn dawlada
somaliland iyo dawlad ay gacanta ku hayaan ee Somalia .
Sidaasi oo kale inta waxaasi oo dhami dhacayeen dadka siyaasiinta ah
ee Somalia hogaaminayey iyada oo aduunyadu garbaha haysaa may garan
walaaladiin Somaliland dawlada ay samaysteen hala amaan galiyo oo dadka
reer somaliland ee hore loogu duudsiyey dawladnimadii , calankii ,
cududii Jamhuuriyada Somalia ee ay walaalnimo iyo wanaag idiinkula
yimaadeen , ha ugu darina hadimo iyo hagar daameyn qadiyadooda iyo
rabitaanka dadkooda lidi ku ah ee marwalba hadal macaan oo af-gobaadsi
ah iyo colaad hadoodilan ayey u taagnaayeen .
Maanta iyo maxaa xal ah haddaba ;
------------------------------
----------------------
Mar hadii xaqiiqada jirta aanay aduunka iyo somali midna ka
qarsoonayn , oo arinku noqday qasab aynu ku kala lulano , mar hadii
aanay cidna ka qarsoonayn somaliland iyo somalia arinkooga halka la kala
taagan yahay siyaasiyan iyo waxa midwaliba qabsaday iyada oo waliba la
eegayo in somaliland loo garba - duubay somalia oo wax noqota , wax ka
soo muuqdaana aanu jirin waxa haboon; -
1- In Somaliland shuruud la'aan aqoonsi ay aduunku ku siiyaan iyo
maamulka iskii isku taagi waayey ee ay aduunyadu garbaha haysaa ,
magdhowna laga bixiyo iyo raaligalin waxii dadka somaliland ay u
geysatay dawladii somalia , iyo waxii ay beesha caalamka iyo maamulada
maqaarsaarka ah ee Somalia u duudsiyeen rabitaanka dadka reer somaliland
ee jiritaanka iyo dib ula soo noqoshada qadiyada somaliland looga
hortaagnaa mudadaana go'odoonka looga dhigay.
2- In dadka somalia iyagu danahooga ka tashadaan oo loo daayo
taladooda si ay u keensadaan dawlad aan cidi u dhisin ee rabitaankooga
ku joogta oo iyaga ka timid oo somalia u soo celisa amnigii iyo kala
dambayntii .
3- Iyo in ay meel uga soo wada jeestaan cadawyada faraha badan ee
midwaliba danihiisa ka dhex fushanayo umadaa somalia , ee sideed iyo
labaatanka sano dhibaatada iyo amni daradu haysato , oo ay diidaan
dagaalada iyo masiibooyinka loo soo waariday ee aan ahayn wax hore loo
arkay.
4- In Somaliland noqoto dalka ugu horeeya ee walaalnimo , wanaag iyo
darisnimo aan danaysi ku jirin wax kula qabata umada somalia ee sideed
iyo labaatanka sano marba madalooti muuqaal dawladeed leh loo soo
dhisayo oo macne ahaan u jirin , iyada oo dhiirigalinaysa dawlad
shacabka somalia soo dhistaan iyaga oo ka madhan farogalin dibadeed.
Waxa aan is leeyahay runta iyo waxa dhabta ah ee jira oo la sheegaa
waa xal iyo wanaag loo baahnaa oo horumar u keeni kara iyo wada-jir
gobolkan Geeska Africa ee noqday meel marka la maqlo ay aduunyadu
xasuusato , dagaal iyo colaado , gaajo , xasuuq , argagixiso , budhcad
badeed , dawlad la'aan , dulmi iyo duudsiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha
oo gobolkani ku sawirmay nus-qarnigii ugu dambeeyay , Africa iyo
aduunkana kaga hadhay oo dib u dhac weyn ku keenay.
Aragtidayda
Muhamed Dhimbiil
Tell: +252634241005
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...