Maxay Tahay Sababta Waalidku Hal Ilmo Uga Jecelyihiin Carruurtooda?

0
Monday January 24, 2022 - 09:38:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Sababta Waalidku Hal Ilmo Uga Jecelyihiin Carruurtooda?

    "Waalid kastaa ma laha ilmo uu gaar u sii jecel yahay, laakiin qaarkood ayaa leh"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waalid kastaa ma laha ilmo uu gaar u sii jecel yahay, laakiin qaarkood ayaa leh"

Inkasta oo ay adag tahay in la qirto, haddane waxaa jira waalidiin badan oo carruurta kala jecel, si gaarana ula ciyaara kuwa ay jecel yihiin, arrintaasi miyay caado xun ku tahay 'waalidnimada'?



Joana, waa ay ogayd in uu jiro ilmo ay ka jeceshahay carruurteeda kale, tan iyo markii uu dhashay wiilkeedii labaad. The Kent, oo UK ka dhisan hooyadani waxa au i sheegtay inay jeceshahay labadeeda carruur ah, laakiin ilmaheeda ugu yar ugu jeceshahay si aanay curadkeeda u helin.


Markii cunuggeedii ugu horreeyay Joanna ay umulaysay, waxaa loo cararay wiilkeeda cusbitaalka xaalad caafimaad awgeed, mana ay arki karin 24 saacadood, halka ka kale markii uu dhashayba ay wakhti wada qaateen. Maqnaanshaha muddadan qiimaha leh iyo la qaadashada ka danbe xilligan ayaa ay rumaysan tahay in uu horkacay dhisidda xidhiidhkooda dheer ee waaray


"Si aan u soo koobno ​​xidhiidhka aniga iyo curadkayga, waa in aan ballan qabsadaa si aan u ula kulmo" ayay tidhi Joanna, oo magaceeda oo buuxa loo qariyay si loo ilaaliyo carruurteeda. "halka ka ugu yar, aan wici karo xilli kasta, xataa 02:30, wuxuuna soo socon karaa muddo dheer si uu iila kulmo. Ilmahayga ugu yar waa kan ugu fiican adduunka wuu daryeel badan yahay, waa mid deeqsi ah, edeb leh, waana nooca qofeed ee qofkasta in uu caawiyo isku deyeya."


In kasta oo ay sannado badan la dagaallantay dareenkeeda, Joanna waxay sheegtay inay hadda ku sugan tahay meel la aqbali karo. "Waxaan qori karaa buug ku saabsan sababta aan mid ka mid ah uga jeclahay kan kale," ayay tidhi. "Way adkeyd, laakiin wax dambi ah maan gelin."


Si ka duwan Joanna, eexashadani waalidiinta badankoodu waa mid qarsoon oo aan laga hadlin. Inaad haysato ilmo aad jeceshahay waxay noqon kartaa waxyaalaha lagama hadlaanka ah ee ugu badan ee la soo gudboonaata waalidiinta, haddana cilmi-baadhistu waxay muujinaysaa in badi waalidiintu ay runtii leeyihiin mid ay jecel yihiin.


Iyada oo la hayo caddaymo badan oo muujinaya in ahaanshaha ubadka kan loogu jacayl yar yahay, ay asal ahaan qaabayn karto xigaaltanka adag ee badanaa ka dhex dhasha walaalaha.


Hase yeeshee cilmi-baadhistu waxay sidoo kale muujinaysaa in carruurta intooda badani aanay sheegi karin cidda dhabta ah ee waalidkood jecel yihiin. Waxaana la xaqiijiyey in xifaaltankaas ay saamayn karto ama uu ku xidhan yahay sida waalidku u maareeyo aragtida ay carruurtooda ka arkaan. Waalidka eexdiisu muuqataa wuxuu kiciyaa xamaasaddaa ubadka ku abuuranta.


Joana, waa ay ogayd in uu jiro ilmo ay ka jeceshahay carruurteeda kale, tan iyo markii uu dhashay wiilkeedii labaad. The Kent, oo UK ka dhisan hoouadani waxa au i sheegtay inay jeceshahay labadeeda carruur ah, laakiin ilmaheeda ugu yar ayu "ku hesho" si aanay curadkeeda u helin.


Markii cunuggeedii ugu horreeyay Joanna ay umulaysay, waxaa loo cararay wiilkeeda cusbitaalka xaalad caafimaad awgeed, mana ay arki karin 24 saacadood, halka ka kale markii uu dhashayba ay wakhti wada qaateen. Maqnaanshaha muddadan qiimaha leh iyo la qaadashada ka danbe xilligan ayaa ay rumaysan tahay in uu horkacay dhisidda xidhiidhkooda dheer ee waaray


"Si aan u soo koobno ​​xidhiidhka aniga iyo curadkayga, waa in aan ballan qabsadaa si aan u ula kulmo" ayay tidhi Joanna, oo magaceeda oo buuxa loo qariyay si loo ilaaliyo carruurteeda. "halka ka ugu yar, aan wici karo xilli kasta, xataa 02:30, wuxuuna soo socon karaa muddo dheer si uu iila kulmo. Ilmahayga ugu yar waa kan ugu fiican adduunka wuu daryeel badan yahay, waa mid deeqsi ah, edeb leh, waana nooca qofeed ee qofkasta in uu caawiyo isku deyeya."


In kasta oo ay sannado badan la dagaallantay dareenkeeda, Joanna waxay sheegtay inay hadda ku sugan tahay meel la aqbali karo. "Waxaan qori karaa buug ku saabsan sababta aan mid ka mid ah uga jeclahay kan kale," ayay tidhi. "Way adkeyd, laakiin wax dambi ah maan gelin."


Si ka duwan Joanna, eexashadani waalidiinta badankoodu waa mid qarsoon oo aan laga hadlin. Inaad haysato ilmo aad jeceshahay waxay noqon kartaa waxyaalaha lagama hadlaanka ah ee ugu badan ee la soo gudboonaata waalidiinta, haddana cilmi-baadhistu waxay muujinaysaa in badi waalidiintu ay runtii leeyihiin mid ay jecel yihiin.


Iyada oo la hayo caddaymo badan oo muujinaya in ahaanshaha ubadka kan loogu jacayl yar yahay, ay asal ahaan qaabayn karto xigaaltanka adag ee badanaa ka dhex dhasha walaalaha.


Hase yeeshee cilmi-baadhistu waxay sidoo kale muujinaysaa in carruurta intooda badani aanay sheegi karin cidda dhabta ah ee waalidkood jecel yihiin. Waxaana la xaqiijiyey in xifaaltankaas ay saamayn karto ama uu ku xidhan yahay sida waalidku u maareeyo aragtida ay carruurtooda ka arkaan. Waalidka eexdiisu muuqataa wuxuu kiciyaa xamaasaddaa ubadka ku abuuranta.


La ciyaarista ka ay jecel yihiin

"Waalid kastaa ma laha ilmo uu gaar u sii jecel yahay, laakiin qaarkood ayaa leh" ayay tidhi Jessica Griffin, oo ah borofisar ku-xigeenka caafimaadka dhimirka iyo carruurta ee Jaamacadda Massachusetts Medical School, US.


"Xogtu waxay soo jeedinaysaa in hooyooyinku, gaar ahaan, u muujiyaan eex ubadka ay isku qiimeeyaan iyaga oo aad looga dareemo, waxaana ay ku xushaan waxyaalo ay ka mid yihiin ka mid yihiin lahaanshaha hammi sare iyo haysashada xirfad shaqo oo wanaagsan"


Hase yeeshee badi, mowduucan ayaa weli ah mid aan aad loo lafagurn. Cilmi baadhis kale, markii waalidiinta la wareystay, kaliya 10% ayaa qirtay in ay dhaleen ilmo ay jecel yihiin carruurtooda kale, taas oo soo jeedinaysa in hooyooyinka iyo aabayaasha intooda badan, dareenka eexdu ay weli tahay sir ku kooban qoyska.


Marka waalidku qirtaan inay dhaleen ilmo ay ka door bidaan kuwa kale, cilmi-baadhistu waxay soo jeedinaysaa nidaamka dhalashadu inuu qayb muhiim ah ka qaato cidda ay u xaglinayaan. Sida laga soo xigtay isla sahamintan ay samaysay waaxda YouGov, waalidiinta qirtay in ay dhaleen ilmo ay jecel yihiin ayaa muujiyay in 62% waalidiintaas oo haysta laba carruur ah ay doorteen kan ugu yar ama guridambayska. Boqolkiiba 43 ka mid ah waalidiinta leh saddex carruur ah ama ka badan ayaa door bida iyana kan ugu dambeeya, iyadoo saddex meelood meel ay dooranayeen ilmaha dhexda, halka 19% kaliya ay u janjeedhaan xagga curadkooda.


Dr Vijayeti Sinh waa khabiir cilmi-nafsi oo ka shaqaysa cisbitaalka Mount Sinai ee magaalada New York. Waxay sheegtay in u eexashada ubadka ugu yar inta badan ay la xidhiidho xirfadaha bulsheed iyo shucuureed ee nidaamka dhalashada - marka ay waalidiintu helaan xirfado badan oo barbaarinta ubadk ah, badanaana ay kala yaqaannaan habdhaqanka carruurta maadaama ay ku soo tababarteen curadkii iyo inta kale ee ka weyn, waalidku waxa ay ilmaha ugu yar u qaabeeyaan sida ay iyagu doonayaan, waxaana ay siiyeen jacayl gaar ah.


"Waalidiinta waxay jecel yihiin inay u xagliyaan ubadka iyaga oo kale ah, is xasuusiya, ama matala waxa ay u arkaan guusha barbaarinta," ayay tidhi. "Carruurta yaryar waxay u badan tahay in ay korinayeen waalid, kaas oo wakhti iyo waayo-aragnimo badan u leh markan korinta carruurta, kalsooni iyo xirfad waalidnimo u leh habka ay u barbaarinayaan ubadkooda."

 

BBC

Loading...
Loading...