Maayarka Laascaanood Oo Shaaciyay Fulinta 20 Mashruuc

0
Monday January 24, 2022 - 08:41:38 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 781
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarka Laascaanood Oo Shaaciyay Fulinta 20 Mashruuc

    Kal-fadhigaasi oo muddo saddex maalmood ah ka socday xarunta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kal-fadhigaasi oo muddo saddex maalmood ah ka socday xarunta



Maayarka degmadda Laascaanood C/raxiin Cali Ismaaciil, ayaa shaaciyay labaatan mashruuc oo horumarineed oo ay sanadkan cusub ee 2022-ka ka fulin doonaan magaaladda Laascaanood.


Maayarku waxa uu sheegay in ay qorsheeyeen in sanadkan aan ku jirno ay magaaladda ka fuliyaan labaatankaasi mashruuc ee kala duwan oo muhiim u ah bulshadda magaaladda Laascaanood.



C/raxiin Cali Ismaaciil, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay kal-fadhigii afraad ee golaha deegaanka degmadda Laascaanood oo shalay la soo gebagabeeyay.


Kal-fadhigaasi oo muddo saddex maalmood ah ka socday xarunta dawladda hoose ee degmadda Laascaanood ayaa lagu ansixiyay labaatan mashruuc oo horumarineed oo ay dawladda hoose ee degmadda Laascaanood sanadkan 2022-ka ka fulin doonto magaaladaasi.


Kal-fadhigan shalay soo xidhmay waxaa shir-guddoominayay maayarka degmadda Laascaanood C/raxiin Cali Ismaaciil, oo uu wehelinayay maayar ku-xigeenka degmadda Laascaanood Axmed Kawte.


Maayarka degmadda Laascaanood C/xakiin Cali Ismaaciil, oo hadal ka jeediyay xidhitaanka kal-fadhigaasi ayaana soo bandhigay 20-kaasi Mashruuc ee ay dawlada hoose ka hirgalinayso sanadkan 2022-ka degmada Laascaanood.


Waxaanu sheegay maayarku in mudadii uu fadhigaasi socday ay uga soo baxday ajande qurux badan oo ay ku ansixiyeen labaatankaasi mashruuc ee horumarineed. Waxaanu yidh, "Waxaanu ku ansixinay oo aanu isla qaadanay kal-fadhigani, 20 mashruuc, oo waxtar weyn iyo faa’iido u leh bulshadda ku dhaqan magaaladda Laascaanood. Waxaanu cod aqlabiyad leh ku ansixinay labaatankaasi mashruuc in aanu ka fulinno sanadkan 2022-ka degmadda Laascaanood”.


Maayarka oo sharaxay waxa ay kala yihiin Labaatankaasi mashruuc, waxa uu yidhi "Labaatankaasi mashruuc waxaa ugu horeeya, balaadhinta iyo dib u habaynta Laamiga weyn ee dhex marra magaaladda Laascaanood. Dhamaystirka master plan-ka, dhamaystirka diiwaangelinta xaafadaha, iibinta macdaadka iyo gaadiid ay yeelato dawladda hoose, furitsa Waddooyinka xidhan, tayaynta waaxyaha iyo shaqaalaha dawladda hoose.


Dhismaha suuqa Khudaarta, cagaarrinta iyo bilicda magaaladda, hirgelinta calaamadaha xaafadaha, Kaawaan lagu gawraco Geella, dhisamaha Buundadda Faraxaskule, soo celinta hantida dawladda ee dadka shacabka ah gacantoodda ku jirta, anagoo kaashanayna wasaaradda hawlaha guud iyo xukuumadda dhexe ba”.


"Dhismaha rug boolis oo laga sameeyo xaafadda Toocil, samaynta xafiisyadda cashuuraha ee xaafadaha magaaladda, ilaalinta iyo qashqadaynta Qubuuraha, samaynta Sarriibadaha xaafadaha magaaladda, dib u hagaajinta, iyo soo kordhinta Soolarrada magaaladda.


Dhismaha Waddada u dhaxaysa maxkamadda iyo dawladda hoose ee ka soo degaysa Laamiga weyn. Mashruuca GS-ka, oo aanu dhamaanba dhulka banaan iyo guryaha magaaladda aanu u samayno data base, iyo amaynta Sayladda xoolaha lagu kala iibsado” ayuu yidhi maayarka Laascaanood.

Loading...
Loading...