Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Kajawaabay War Kasoo Baxay Golaha Wasiirada Somaliya

0
Sunday January 23, 2022 - 19:06:00 in News by
  • Visits: 2441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Kajawaabay War Kasoo Baxay Golaha Wasiirada Somaliya

    Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Cagjar ayaa wax lagu Farxo ku Tilmaamay Go'aanka Golaha Wasiirada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Cagjar ayaa wax lagu Farxo ku Tilmaamay Go'aanka Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Muxumed Cumar ayaa soo dhaweeyey, kuna tilmaamay guul umada Soomaaliyeed u soo hoyatay go'aankii golaha wasiirrada ee XFS ay maanta ururka ONLF uga saareen liiska argagixisada.

Hoos ka akhriso qoraalka Mustafe Cagjar:


Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa go’aanka Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso ah, gacan cadawna lagu galiyay halgamaa Abdikarim Sheikh Muuse (Qalbidhagax).

Go’aankaas hore wuxuu ahaa ficil argagax galiyay shacabkii dulmanaa ee Deegaanka Soomaalida, xad-gudubna ku ahaa dhaqanka dawladnimo, ka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba.

Waxaa kale oo aan dhaleeceeynaynaa ficiladii lamidka ahaa ee Deegaano kale oo Soomaaliyeed cadaw ugu soo gacan-geliyeen halgamayaal Soomaaliyeed oo diidaanaa tacadigii lagu hayay dadkooda.

Waxaan rajaynayaa in taariikhdaas madow ee uur-ku-taaladda leh, xiligii ay dhacaysayna aan dhaleeceeynay, cashir iyo cibro-qaadasho u noqoto cid walba oo xadgudbkaas samaysay.
Loading...
Loading...