Xoghayaha Guud Ee WADDANI Oo Ka Hadlay Dhacdo Dhexmartay Wasiir Koore Iyo Xidh. Barkhad

0
Sunday January 23, 2022 - 12:52:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2658
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Guud Ee WADDANI Oo Ka Hadlay Dhacdo Dhexmartay Wasiir Koore Iyo Xidh. Barkhad

    "Waxaan leeyahay Saleebaan hadaad Somaliland wax tarayso oradoo 10 qof"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan leeyahay Saleebaan hadaad Somaliland wax tarayso oradoo 10 qof"

Hargeysa (HWN) Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa ka jawaabay dhacdo shalay ka dhacday beerta xorriyadda oo ay ka socotay dibad-bax lagu taageerayay doodii baarlamaanka Ingiriiska ee aqoonsiga Somaliland.



Talabaadan ayaa ku saabsanayd arin dhexmaray wasiir Koore iyo Xildhibaan Barkhad Batuun


Xoghaye Khadar ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu ku yidhi sida tan:

 

"Ninkii aan is yeelyeelahayni wuu ogyahay in xil Barkhad Batuun uu Somaliland wanaag iyo horumar la doonaayo. Mudahraadka taageerada xildhibaanada ingriiska isagaa ka soo bilaabay gurigii uu ku dhashay iyo xaafada Daami. Saleban Ali Koore marka uu robo inuu aamusiiyo ma waxaanu fahmin ninkan aan u mahadnaqayno ee Ingriis wuxuu inagu amaanay doorashooyinka iyo xoriyada hadalka miyaanay is diido ahayn marka isla goobtii Koore uu Xildhbaan ka ugu codka badan golaha wakiilada uu rabo inuu aamusiiyo.

 

Waxaan leeyahay Saleebaan hadaad Somaliland wax tarayso oradoo 10 qof oo u mahadnaqa nimankaa ingriis ee inoo hiiliyay Buuhoodle ka dhex hadashii hadii kale Xildhban Barkhad ha la murmin.”

Loading...
Loading...