'' Mustaqbalka Geeska Afrika ''.

0
Saturday May 25, 2019 - 09:40:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Mustaqbalka Geeska Afrika ''.

    Sidda uu ku xusay kitaabkiisa loo yaqaano Al muqadimah , caalimka wayn ee Ibnu khalduun ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidda uu ku xusay kitaabkiisa loo yaqaano Al muqadimah , caalimka wayn ee Ibnu khalduun ,

Sababta gobolka Bariga dhexe ay dawladdi ugu dhalan wayday waayadii horre waa qabaa'ilka badawda ahaa ee degen dhulka lama degaanka ah,kuwaasoo marka xadaaradi meel geyigaa ka mida ka samaysantaba baabi'in jirey .


Ibnu qalduun isagoo dawladihii yaryaraa ee dhulkaa soo maray ka hadlayana wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin sidda ceelasha yaryar ku yala dhulka lama degaanka ah ee loo yaqaano ( Oasis ) kuwaasoo marka muddo laga caboba ay ciida saxaruhu aasto,



Sidaas oo kale dawladii shiinaha waxaa burburiyey qabaa'lkii kusoo duuli jirey , kuwaasoo ahaa kuwii uu iskaga xidhay gidaarka wayn hasa yeeshee aakhirkii way dumiyeen .


Dhinaca kale boqortooyadii Rooma waxaa burburiyey , caasimadeedii Roomana gubay , xadaaradeediina masaxay qabaa'il kusoo duuley , sidaas awgeed ayaana xaruntii Boqortooyadda ee ahayd Rooma loogu soo raray Magaaladii loo yaqaanay Konistantin nobel , hadeerna loo yaqaano Istanbul .


Xadaaradaha kale ee qabaa'ilku dumiyey waxaa ka midda dawladii Islaamka oo qabiilkii tataarku dumiyey , caasimadeedii Baqdaadna gubey .


Hadaba dunidan casriga ah , Gobolka Geeska Afrika wuxuu u muuqdaa in uu noqonayo gobolkii ugu horeeyey ee qabyaaladdu gebi ahaanba galaafan doonto .


Wadanka Kenya qalalaase huursan ayaa ka dhex oogan , kaaoso 10 sanadood ugu yaraan 3 jeer Distoorka loo badalay,si qabaa'ilka loo qanciyo , welina gacanta ayaa laggu hayaa in saami qaybsiga la balaadhiyo .


Dhanka Itoobiya waxaa ka oogan xasarado iyo xifaaltan marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya oo ku salaysan isir iyo qawmiyado sii kala fogaanaya .


Dhinaca Soomaaliya waxaa iyaana ragaadiyey Maamul goboleedyo ku salaysan xuduud beeleed oo sababay in dawladii dhexe shaqayn waydo .


Sidoo kale , intii muddo ahayd Somaliland waxaa soo xoogaysanaya dareenka qabaa'ilka iyo aragtiyaha ku dhisan xadantada qabyaaladda .


Sidaa markay tahay , marka si guud loo qiimeeyo sidda Gobolkan arrimihiisu u socdaan , Sooyaalka taariikhdana lagga shiidaal qaato , waxaa muuqanaysa in gobolkani halis ugu jirro in Qabyaaladdu galaafto .


Hadii qabyaaladdu gaadho heer la xakamayn kari waayana , waxay sababaysaa .


Burburka wadanadda hada la yaqaano oo dhan , soo bixista xuduudo iyo wadamo cusub , barakac wayn iyo masiibooyin dabiiciya oo la mida kuwii qarniyadii horre aduunyada ka dhici jirey .


 

W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...