Doorashooyinka Ha Loo Hawl Galo, Doorashada Ururada iyo Asxaabta Siyaasaduna Waxa Ay Lamid Tahay Doorashadii 2012

0
Sunday January 23, 2022 - 08:31:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Doorashooyinka Ha Loo Hawl Galo, Doorashada Ururada iyo Asxaabta Siyaasaduna Waxa Ay Lamid Tahay Doorashadii 2012

    " Soomaalidu waxa ay ku maah-maahdaa dani waa seeto "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Soomaalidu waxa ay ku maah-maahdaa dani waa seeto "

             Waxaa dalka ku soo fool leh sanadka 2022 gudihiisa doorashooyin sadex ah oo kala ah doorashada Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland oo mudo dhaaftay 19 sanadood , mudo xileedkeeguna yahay sida ku cad dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 58naad faqradiisa 2aad , halka faqradiisa 1aadna sheegayo in xubnaha golaha guurtidu doorasho ku imanayaan ,doorashadoodana uu nidaaminayo xeer.

 

Qodobka 59aad ee dastuurka jamhuuriyada ayaa sheegaya shuruudaha lagu dooranayo xubinimada golaha guurtida oo la mid ah shuruudaha lagu dooranayey xubinimada golaha wakiilada marka laga reebo ;

 

1- In aan da'diisu ka yaraan 45 sanadood.

2- in uu yahay qof diinta aqoon fiican u leh oo dhaqan yaqaan ah.

 

Dhamaan shuruudaha iyo ahmiyada golaha guurtida dastuurka dalku siiyey waxa lagama maarmaan ah in golahaasi la doorto sida goleyaasha kale ee qaranka qaabka loo dooranayona xeerkii jidaynayey la sameeyo sida ugu dhakhsaha badan.

 

Doorashada ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka waxa qaraar ka soo saartay maxkamada dastuuriga ah ee jamhuuriyada Somaliland 16 Jan 2022 , qaraarkaasi waxaa uu laalay wax ka badelkii lagu sameeyay xeerka 2021 , waxaana uu xeerkii hore ku daray in tartanka ururada iyo axsaabta siyaasadu toos yahay.

 

Sida ku cad Xeer lr-14 2011 qodobkiisa 5naad waxaa tartamaya xisbiyada iyo ururada siyaasada , waxaana cinwaan u ah qodobkan xisbiyada qaran iyo ururada kumeelgaadhka ah , halkani macnaha ku jiraa waa xisbiyada oo ku guda jira mudo xileedkoogii sharciga ahaa ayaa la tartamaya ururada siyaasada intii buuxisa shuruudaha oo ay gudiga diwaangalintu siinayso shahaado ku meelgaadh ah.

 

Qodobka 5naad ee xeer lr-14 2011 faqradiisa ayaa 2aad ayaa qeexaysa mudada hawlgalada ururada siyaasadeed oo in ay tahay 6 bilood oo ka bilaabanta maalinta ogolaanshaha kumeelgaadhka ah la siiyey.

 

Qodobka 4aad ee Xeer lr-14 2011 , faqradiisa 1aad waxa uu sheegayaa in mudada qabashada codsiyada ururada siyaasadu waa laba bilood oo ka bilaabma maalinta la bilaabo baahinta qabashada codsiyada , halkanina waxa ka soo baxay 2 bilood oo ka sii horeeya 6 bilood in ay jiraan.

 

Qaraarka maxkamada dastuuriga ah ee Somaliland waxa lagu yidhi qodobkiisa 4aad waxa loo raacayaa kala reebista ururada iyo axsaabta siyaasada qodobka 6aad ee xeer lr-14 2011 oo ku saleysan doorasho toos ah oo aan ku dabranayn doorashada goleyaasha deegaanada dalka.

 

Halkanina waxa ku cad in ururada siyaasada iyo axsaabta qaranku tartamayaan qaabka lagu kala saarayaana yahay doorasho toos oo ay wada galayaan ururada intii shuruudaha buuxisa iyo axsaabta qaranka ee hadda joogtaa , halkaasina wax mad-madaw ahi kuma jiro.

 

???????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????? ?????????????????????

 

1-Sida uu dhigayo qodobka 3aad ee xeer lr-14 2011 faqradiisa 7aad madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ayaa soo magacaabaya gudiga diwaangalinta iyo kala reebista ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka isaga oo u raacaya shuruudaha qodobka 3aad ee xeer lr-14 2011 , markaa waxa in madaxweynuhu sida ugu dhakhsaha badan gudigii u magacaabaa.

 

2- Halkani sida xeerarka dalka ee lagu wada qancay dhigayaan wax mad-madaw ahi kuma jiraan , sadex xisbi ee tartankan ku soo baxa ayuun baa gali doona doorashooyinka dalka ee dambe sida doorashada madaxweynaha, waxaa uun muhiim ah in la isku diyaariyo tartanka ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka.

 

3- Xiliga doorashada waxaa xaq u leh mudeyntiisa komishanka doorashooyinka qaranka, waxaana qasab ah in doorashooyinka dalku u qabsoomaan sidaa sharciga , xeerarka,  qaraarka maxkamada iyo dastuurka dalku dhigayaan ee ugu macquulsan.

 

4- Daneeyayaasha doorashooyinka soo socdaa waxaa ay noqonayaan ururada siyaasada ee lagu dhawaaqo iyo axsaabta qaranka ee hore u jiray , gudiga diwaangalinta ururada siyaasada iyo komishanka doorashooyinku cida ay wada shaqeynta iyo wadatashiga ka galayaana waa labadaasi kooxood.

 

5- Waxa halkan ka cad hadii komishanka doorashooyinka qaranku hore u sii sameeyey waxqabadkii iyo jadwalkii doorashooyinka soo socda ( daily task and elections schedule) in wax weyni is badeleen oo qudhoodu u diyaar garoobaan doorashooyinka badan iyo wakhtiga kooban sidii ay isugu sargoyn lahaayeen.

 

6- Xukuumada iyo cidkasta oo inaga taageerta doorashooyinka Somaliland waa in ay diyaariyaan dhamaan dhaqaalihii lagu qabanayey doorashooyinka sida ugu dhakhsaha badan.

 

????????????????????????????????????????; in ururo siyaasadeed iyo axsaab qaran tartan wada galaan ugub maaha e waa curad oo sanadkii 2012 kii waxaa tartan isku abaabulay sadexdii xisbi ee 1- Udub , 2- Kulmiye iyo 3- Ucid , waxaa xusid mudan in xisbigii Udub kala daadsanaantii ka soo gaadhay doorashadii 2010 uu ka soo kaban waayey oo khilaaf iyo murug uu ugu hadhay is abaabulkii koowaad.

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...