Muxuu Yahay Xalka Ay Heleen Dhallinyarada Bidaarta Leh Ee Itoobiya?

0
Sunday January 23, 2022 - 07:47:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Xalka Ay Heleen Dhallinyarada Bidaarta Leh Ee Itoobiya?

    "Aad baan u faraxsanahay, waayo mar kale ayaan awood u yeeshay inaan timaha soo jaran karo,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Aad baan u faraxsanahay, waayo mar kale ayaan awood u yeeshay inaan timaha soo jaran karo,"

Waddanka Itoobiya waxaa aad ugu soo badanaya dadka timaha beeranaya oo sheegay inay xal u raadinayaan bidaar dhibaato weyn ku heysay.



Inkastoo xal loo helay timaha daatay, haddana xalkaas ayay su'aalo badan ka taagan yihiin inuu yahay mid loo bareeri karo dhaqaale ahaan, maadaama qalliinnada beerista tinta ee gudaha Itoobiya lagu bixiyo lacag aad u badan.


Caddeymo ay BBC-da heshay ayaa muujinaya in kharashka lagu tallaalo timaha uu gaarayo inta u dhaxeysa $4,000 oo doolar ilaa $15,000 oo doolar halkii qofba.


Dr. Tewodros, oo ka howl gala dalka Turkiga ayaa BBC-da u sheegay in dalalka horumaray ee caalamka uu kharashka timaha lagu beero ka yahay qiyaastii shan kun oo doolarka Mareykanka ah.


Balse Itoobiya ayaa u muuqata mid dhakhaatiirta adeeggaas bixiya ay faa'iido weyn ka sameeyaan. Inta badan xarumaha caafimaad ee lagu tallaalo timaha ayaa la soo tebiyay inay yihiin kuwo kasoo guuray waddanka Turkiga.


Nin lagu magacaabo Haimanot oo ka mid ah dadkii bidaarta lahaa ee dib usoo ceshtay timahooda ayaa sheegay in uu lacag ku dhow 2,000 oo doolar ku beertay timaha, isagoo weliba ka faa'iideysanayay qiime dhimis weyn oo loo sameeyay.


"Aad baan u faraxsanahay, waayo mar kale ayaan awood u yeeshay inaan timaha soo jaran karo," ayuu yiri Haimanot.


Sida uu sheegay Dr. Tewodros, lacagta dhexdhexaadka ah ee timaha lagu beero ayaa inta badan u dhaxeysa 70,000 oo birr ilaa 80,000 oo birr, oo u dhiganta $1,400 ilaa $1,500 oo doolar.


Qiimahaas ayuu sheegay inuu yahay kan ugu hooseeya ee laga heli karo gudaha Itoobiya, marka la barbardhigo dalalka kale ee caalamka.


Dhakhtarkan oo ka howl galayay Addis Ababa muddo 15 sano ah, labadii sano ee ugu dambeysayna bixinayay adeegga tallaalista timaha ayaa sheegay in isaga qudhiisa uu ka faa'iideystay isla adeeggaas oo loo sameeyay.

Wiil 25 jir ah oo lagu magacaabo Religion The sword ayaa BBC-da laanteeda amxaariga u sheegay inuu dhib weyn kasoo maray timaha ka daatay.


Waxa uu sheegay in markii uu marxaladdaas ku jiray uu waayay kalsoonida naftiisa.

Waxauu tagay xarunta beerista timaha labo sano ka hor, isagoo rajeynaya in loo soo celiyo tintiisii ka daadatay, arrintaas oo ay ku wehlinayeen dhallinyaro badan oo ku nool magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Laakiin ma uusan ku dhaqaaqin tallaabadaas, maadaama uu jiray walaac iyo cabsi.


Waxa uu sheegay in markii uu qorsheynayay in timaha loo beero uu ka baqayay inuu xanuunsado. Hase yeeshee markii uu la tashaday dhakhaatiirta adeegga bixineysa kaddib waxaa ka baxday cabsidii, wuxuuna go;aansaday in timaha loo tallaalo bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay.


"Markii ay billaabeen in ay dib usoo baxaan kaddib qalliinka, hooyadey waxay igula kaftantay, 'Markii aad dhalatay wajiga timo ma aadan ku lahayn'," ayuu yiri.


"Timo ayay madaxeyga ka gooyeen. Dhowr tijaabo oo oo caafimaad ayaan maray ka hor inta aan la ii tallaalin tinta, balse dib dambe uguma noqonin markii ay timaha ii soo baxeen kaddib," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

 

BBC

Loading...
Loading...