Puntland oo Lagu eedeeyay inay Si Layaab leh u Maamushay Doorashadii Maanta….

0
Saturday January 22, 2022 - 14:39:30 in News by
  • Visits: 1481
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo Lagu eedeeyay inay Si Layaab leh u Maamushay Doorashadii Maanta….

    Madaxweyne Deni oo lagu eedeeyay boobka doorashada golaha Shacabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Deni oo lagu eedeeyay boobka doorashada golaha Shacabka

Taliyihii hore ee Booliiska Puntland S/guuto Cabdi Xasan Xuseen Cabdi yare ayaa si adag uga horyimid qaabka loo wado doorashada ka socota Garoowe.


Waxaa uu sheegay in la heli karay goobo ka muhiimsan xerada ciidanka oo la aamisan yahay balse uu socdo qorshe lagu boobayo.


"Waxaa ayaan darro ah in Puntland oo jirsatay 23 sanno maanta lagu qabto doorashada Aqalka hoose ee barlamanka Somalia xerada ciidamada ee 54aad iyadoo la heli karay goobo kaga haboon”ayuu yiri Taliyaha.



Waxaa uu intaasi kusii daray "Talaabadan oo baalmarsan habraacyadii doorashada ee lagu heshiiyay waxay tusaale u tahay kalsooni daradda haysa maamulka, waxana ay dhaawac ku tahay maqaamka Puntland iyo hufnaanta hanaanka socda.”…


 

Puntland Ayaa Maanta Si Toos ah u bilawday Doorashada 5Tii Kursi ee ugu Horeysay Golaha Shacabka, Waxaase Durba soo baxaya Cabashooyin iyo Qayladhaan ka imaanaysa Beelaha Aay ka dhaxeeyaan kuraasta Garoowe Maanta lagu Dortay.



 

Loading...
Loading...