Puntland oo Maanta Qabanaysa Doorshada Xildhibaanadii ugu Horeeyay...

0
Saturday January 22, 2022 - 11:32:13 in News by
  • Visits: 781
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo Maanta Qabanaysa Doorshada Xildhibaanadii ugu Horeeyay...

    Shan kursi oo maanta lagu dooran doono Garowe iyo shaqsiyaadka kusoo baxaya oo la sii ogyahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shan kursi oo maanta lagu dooran doono Garowe iyo shaqsiyaadka kusoo baxaya oo la sii ogyahay

Shan kursi oo kamid ah Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto Caasimadda maamulka Garoowe.

 

Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Puntland, ayaa shalay dhammaystiray diiwaan-gelinta dadka u sharraxan Kuraastaas, ee buuxiyay Shuruudaha laga doonayo.


 

Shanta kursi ee maanta lagu dooran doono Garowe ayaa ah kuwa uusan ka furneyn tartan ee la wada ogsoon yahay shaqsiyaadka ku tartami doona maadaama inta badan laga reebay Musharaxiinta saxda tartanka ku jiray.



 

#Hop196 Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan: Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland, oo kursigiisa laga soo doorto degmada Taleex ee Gobolka Sool lagu waddaa in uu kusoo baxo maadaama uu Malxiis ku hoos qoran yahay.

 

#Hop166 Axmed Cabdi Xaashi Axmed Taajir: Taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Soomaaliya xilligii Cabdullaahi Yuusuf oo kursigiisa laga soo doorto degmada Galdogob ee Gobolka Mudug, ayaa lagu waddaa in uu kusoo baxo ka dib markii loo diiday in uu tartamo Wasiirka duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Duraan Faarax.


 

#Hop249 Cabdullaahi Xasan Rooble: Wasiru-dowlaha Waxbarashada Puntland oo kursigiisa laga soo doorto xarunta Gobolka Cayn ee Buuhoodle ayaa lagu waddaa in uu kusoo baxo maadaama uu hoos qoran yahay Malxiis.


 

#Hop200 Cali Yuusuf Cali Xoosh: Xildhibaan heer Federaal ah, islamarkaana Xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay Puntland, oo laga soo doorto Gobolka Nugaal Caasimadda Garoowe, ayaa kusoo bixi doona ka dib markii loo diiday Afar Musharax oo tartan la gali lahaa.


 

Hop235 Cabdullaahi Bidhaan Warsame: Xildhibaan iyo wasiir heer Federaal oo laga soo doorto degmada Xuddun ee Gobolka Sool ayaa kusoo bixi kara maadaama kursigaan uusan tartan ka furneyn.

Loading...
Loading...