Gud. Xirsi Oo Ka Hadlay Dad Uu Sheegay In Laga Afduubtay Hargaysa
Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inay Been noqdeen balan qaadyo uu sameeyay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.
Waxaanu Gudoomiye Xirsi ku eedeeyay Xukuumada Muuse Biixi in dad shacab ah laga afduubtay Hargaysa, tiro kale oo shacab ahna si baalmarsan sharciga loo xidhay
" Xorriyaadka aasaasiga ah ee bani’aadamku waa muhiim. Madaxweynuhu isaga oo 7-dii bishii June 2020 waraysi siinayay Idaacadda VOA wuxuu sheegay in aan Somaliland qofna sharci darro lagu xidhin qof walbana wakhtiga sharcigu ogol yahay lagu hor geeyo maxkamadda, haseyeeshee warbixinta 2021 hay’adaha xuquuqal Iisaanku soo saareen waxa ku cad in xukumaddu xidhay 114 qof oo isugu jira siyaasiyiin sarsare, hal abuur, wariyeyaal iyo dad shacab ah. Dhammaantood waxa lagu xidhay aragtidooda oo ay gudbiyeen ama warar xaqiiqo ah oo ay gudbiyeen intooda badana lama hor gayn sharciga wakhtigii ku munaasibka ahaa.
Waxa intaas dheer in ay Somaliland markii u horaysay ka bilaamatay qafaalasho iyo afduub sharci darro ah. Labadii dhacdo ee u dambeeyay waxay ahayd; inan wariye ah oo lagu qabtay Hotel-ka Casood oo qoryo loola soo baxay oo lagu haddiday oo hudheelkii lagu fawdeeyay. Khamiistii waxa ay taas mid la mid ah ka dhacday hotel-ka Maansoor oo wiil Cadnaan la yidhaa oo Xisbiga WADDANI ka tirsan ama taageere u ah lagu qafaashay oo lagu kaxaystay. Labadaba cidda kaxaystay ma aha ciidanka booliska ee leh awoodda qabashada ama wax xidhi kara laakiin, dad dharcad ah oo shicib ah oo aan warkoodu caddayn oo mararka qaarkood sheegtay sirdoon mararka qaarna la yidhaahdo inan madaxweynuhu dhalay bay ka amar qaatan sida saxaafaddu tabiso in ay suuqa dadka ku qabqabtaan waa ayaan darro..” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan