Itoobiya Oo Ka Hadashay In Uu Isbadel Ku Yimid Mowqifkeeda Soomaaliya Ku Aaddan
Dowladda Itoobiya "Waxbo iskama badelin mowqifkeena Soomaaliya ku aaddan"
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda
Itoobiya Dina Mufti oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Addis Ababa
ayaa wax laga weeydiiyay booqashadii uu dhowaan halkaas ku tagay madaxweynaha
Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Weriye ka tirsan idaacadda Jarmalka ee
DW ayaa weeydiiyay in booqashada madaxweyne Biixi ay dhaawici karto xiriirka
kala dhaxeeya Soomaaliya, wuxuuna ku jawaabay "Ma jirto wax isbadal ah oo
ku dhacay moowqifkeenii Soomaaliya ku aaddanaa, mana doonayno in imaanshaha
Biixi ay dhaawacdo xiriirka nalaga dhaxeeya dowladda federaalka
Soomaaliya".
Madaxweynaha Somaliland ayaa dhowaan
booqasho uu tagay Itoobiya dib ugu laabtay Hargeysa, waana booqashadii koowaad
tan iyo intii uu dagaalka ka biloowday Itoobay.
Dhanka kale guddooomiyaha xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa isna lagu warramayaa in safar ugu anbabaxay dalka Itoobbiya.
Wax faahfaahin oo dheeraad ah lagama bixin safarkaas.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Somailand, Dr Ciise Kayd Maxamuud, oo ka hadlay safarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xilliga ay tageen ay ahayd xilliga ugu munaasibsan oo ay safar ku tagi karayeen dalka Itoobiya.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamey in kulanka dhex marey wefdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi, iyo ra'iisal wasaarahaha Itoobiya loogga hadley dhaqaalaha, siyaasadda iyo ammaanka mandiqadda Geeska Afrika.
Dhanka kale wasiirka ayaa ka jawaabay su'aal ahayd in wada hadallada ay ka mid yihiin arrinta dekeda Seylac ayuu wasiirka iska fogeeyay arrinkaas , "Waa arrin aanan sal iyo raad ah lahayn, nin weriye ayayna ka timid markii hore".
Hadalhaynta Seylac ayaa maalmahan baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha haysatay, balse ma jiro illo rasmi ah oo arrintaasi xaqiijinaya, waana markii koowaad oo ay Somailand beeniso tan iyo inta safarka madaxweynaha soo baxay.
Dr Ciise ayaa iska fogeeyey iney qeyb la safan yihiin dagaalka ka socda Itoobiya, isagoo sheegay in dagaalkaasi ay iyagu dhex dhexaad ka yihiin.
Safarka madaxweyne Muuse ayaa imanaya xilli Itoobiya ay kasoo baxayso dagaalo sokeeyo oo qaraar , inkasta oo weli aysan jirin heshiis weyn oo gudaha Itoobiya ka dhacay.
Dhawr jeer oo hore ayuu madaxweynaha Somaliland booqday Itoobiya oo uu kala dhaxeeyo xad dheer iyo xiriir ganacsi oo muddo fog soo jirey.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii uu ku sugna dalka Itoobbiya waxa uu booqasho ku tegay xarunta warshadaha ee Hawassa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fana.
Booqashada ayaa waxaa madaxweynaha Somaliland ku wehliy madaxweynaha gobolka Sidama, Desta Ledamo, wasiirka maaliyadda, Axmed Shide, wasiirka arrimaha dibadda, Ambassador Redwan Hussein, guddoomiyaha guddiga maalgashiga Lissie Neme iyo madax kale oo ka tirsan dawladda.
Maamulaha Xarunta Warshadaha ee Hawassa Mr. Fitsum City ayaa wediga ku soo dhaweeyay, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay waxtarka wayn ee ay xaruntani ka geysanayso horumarinta dhaqaalaha Itoobiya.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu booqdo xaruntan, waxaanu sheegay inuu aad ula yaabay shaqada halkaas ka socoto.
Xarunta waxaa lagu tilmaamay inay tahay midda Afrika ugu wayn. cabirkeedu wuxuu yahay 149 hektar oo warshado keli ah ay ku yaallaan
BBC